Published On: Tue, May 16th, 2017

Kooxaha wax qarxiya oo saakadiihore weerar culus ku qaaday eegaanka Cumar Jilicow ee xadka Mandheer Kenya

Cumar Jilicow (BMC)-Kooxaha wax qarxiya ee ka dagaallama dugaha Somaliya ayaa saakadiihore weerar culus ku qaaday saldhigg ciidanka booliska dalkaasi Kenya ku halaayeen tuulada Cumar Jilicoaw ee duleedka demada Mandheera ee dalka Kenya,waraku waxay sheegayaan inay kooxahaasi weerarkaasi la beegsadeen goob xarun u ahayd ciidanka Booliska kuwaasoo markaliya uun ku warhelay dhawaaqa rasaastii ka dhacaysay qoryaha culucus iyo kuwa fududba.

wararku waxay tibaaxayaan inay halkaa dad ku dhinteen tiro kalana ku dhaawacmeen,weerarkaasi oo xiliihore saaka qabsaday ciidamada Kenya waxaa la sheegayaa inay tirab inta la xaqiijiyey 3 qof dhinteen halka qaarkalana la raadinayo jaan iyo cidhib meel ay dhigeen,dadka dhintay ayey ku jiraan qaar shacab ahi balse ciidamadii halkaa ku sugnaana dhimashada iyo dhaawacuba way jiraan kuwa cararay ee la-layahay meel ay ku dhuunteena waa askartii ka baxsaray rasaasta markii naaraha laga ifiyey waaberigiihore iyaguu hurdo macaan kujiray.

kooxani maaha markii koowaad ee ay sidan oo kale miraan ciidamada Kenya basle horey ayey waddo ga jabsadeen sanadihii la soo dhaafay tiro farabadan ayaa kaga dhimatay weerarrada noocan oo kale ah dalka Kenya kuwaasoo ay kooxaha wax qarxiyaa ku soo qaadeen xiliiyo kaladuwan habeen iyo maalinba.

www.Baadiye.com