Published On: Thu, May 18th, 2017

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliya oo saaka dil toogasho ah ku xunktay ninkii ka dambeeyey qarixii suuqa beerta ee degmada Waaberi

Muqdisho (BMC)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee xukuumadda fadaraalka {fadaraha} ayaa saaka waxay dil toogasho ah ku xukuntay ganac ku dhiigle horey dad badan ugu laayey qarixii ka dhacay suuqa beerta ee degmada waaberi sanadkiihore.

ninkan oo dadiisa lagu sheegay ilaa 40 jir magaciisuna ahaa Cabdulqaadir Cabdi Xasan ayay Maxkamaddu sheegtay inuu qirtay inuu isagu ahaa ninkii fuliyey qarixii dadii faraha badnaa ku dhinteen maalintaas oo gaadhayey 30 qof oo rayid u badnaa kuwaasoo noloshooda kala soo baxayey suuqaasi.

saakadiihore ayey saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiinkale si wadajira  uga qaybgaleen dilkii toogashada ahaa ee ninkaasi lagu rasaasanayye isagoo ku tigtigan tiirka toogashada dadka dambiyada galay ee la laynayo.

inkastoo ay sidan oo kale dhacaan xukunnadan ka dhanka ah kooxaha wax qarxiya haddana kuma yaraaraan fulina qaraxada noocan oo kale ah ee ay la beegsanayaan goobah ah bulshadu ku badantahay ama xeryaha ciidamada kaladuwani joogaan.

www.Baadiye.com