Published On: Fri, May 19th, 2017

Garsoorayaashii gacanta ku hayay kiiskii Julian Assange oo ahaa aas aasihii shabakadda Wikileaks ayaa

London (BMC)-Qareennadii gacanta ku hayey kiiskii aas-aasihii shabakadda afka dheer ee Wikileaks Mr Julian Assange ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen dacwadii loo haystay ninkaas ee ahayd inuu Gabadh fara xumeyey sanado ka hor.

Garsooreyaasha dalkaasi Sweden waxay sheegeen inay wax cadayn ah ku waayeen Mr Julian inuu fuulay gabadhaasi lagu eedeeyey inuu qasbaday si uu galmo qasab ah ula sameeyo,maanta oo jumcahayd ayey Maxkamadda dalkaasi Swden ku dhawaaqday inay kiiskii baadhintaanka ee Mr Julian Assange soo afmeereen.

Mr Julian ayaa tan iyo muddadii uu ay dawcaddaasi ku socotay xabsi guri ku ahaa  Safaaradda Ecuadorean ay ku leedahay dalkaasi UK caasimaddiisa London,Mr Juulian ayaa codsaday inaan dib loogu celin dalkaasi Sweden sababoo xagga xorriyaddiisa la xidhiidha darteed.

dhanka kale saraakiisha Booliska ee dalka UK ayaa sheegay inay ninkaa dib u xidhi doonaa haddii ay Maxkaddu sidaa ku siidayso iyagoo ku sababeeyey inay u haystaan dambiyo kale oo uu galay ninkaasi,Mr Julian oo ah 45 u dhashay dalkaasi Australia isla markaana ah nin ku xeeldheer culuumta la xidhiidha sida loo borogaraamiyo Computer-ka waxaanu shabakaddaasi aas aasay sanadkii 2006 hasayeeshee waxay shabakaddaasi si weyn u soo caan baxday kamdi markii ay sii daysay akhbaaraadkii la xidhiidha qisadii Chelsea Manning  la magac baxday.

Wikileaks ayaa daabacday tan iyo wixii markaa ka dambeeyey siro farabadan oo in la ogaado dunida oo dhan laga xiiseeyey marka  laga reebo hadba ciddii ay sirtaasi ka fakatay ee laga faafiyey,inkastoo uu aas aasaha shabakaddaasi guri maxbuus ku jiray 7 sano ee la soo dhaafay.xigasho :Nytimes.com

www.Baadiye.com