Published On: Sat, May 20th, 2017

Mudanayaal iyo masuuliyiinkale oo ka socday dalka Jabouti oo Hargeysa soo gaadhay iyo Ra’iisulwasaare Kaamil oo lagu wado inuu dhawaan soo gaadho Somaliland

Hargeysa (BMC)-Raxan masuuliyiin-sarsare ah oo ka socotay dalkaasi Jaboubti oo ay hogaaminayaan xildhibaanno xukuumaddaasi ka tirsan ayaa shalay ka soo dagay dhabaha diyaaradaha ee Hargeysa,waxaana lagu wadaa booqashada fatigan ka dib inuu Ra’iisulwasaaraha dalkaasi Jabouti Cabdulqaadir Kaalim Maxamed   Hargeysa,Mr Kaamil ayaa imaantinkiisa lagu tilmaamay inaanu ahayn mid salka ku haya arrimo siyaasadeed balse uu indhaha ka soo qaadidoono qaarkamida ehelladiisa oo ku nool Goballada bariga Somaliland kuwaasoo aanu muddo dheer aragg.

socdaalkan uu Mr Kaamil Hareysa ku imanayo ahaa noqonay masuulkii ugu darajada sareeyey ee xukuumadda dalkaasi Jabouti ka socda oo Somaliland cagaha soo dhiga tan iyo intay ku dhawaaqday 18 kii May 1991 kii inay Somaliya inteeda kale ka hadhay,wasiirka arrimaha Kaluumaysiga Cali Faarax oo aannu kula kulannay isagoo xiligaa la fadhhiyey xubnihii ka dalkaasi Jabouti ayaa noo sheegay inay waftigani noqonayaan oo ay Jabouti ku laabanayaan kadibna uu markaa Ra’iisulwasaare Kaamil imandoono Hargeysa “markay waftigani Jabouti dib ugu laabtaan ayuu Ra’iisulwasaare Kaamil imandoonaa Hargeysa” sidaa waxaa yidhi Wasiirka kaluumaysiga Mr Cali Faarax oo Baadiye la hadlayey.

wararka la xidhiidha imaantinka Mr Kaamil ee Somaliland ayaa sheegaya inay xubno hordhac u ahaa imaatinka Ra’iisulwasaaraha shalayba soo gaadheen Hargeysa kuwaasoo halkaa lagu soo dhaweeyey,waxaana lagu wadaa inay Mr Kaamil iyo masuuliinta Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ugu sareeyo si wadajira uga soo muuqdaan shaashadaha warbaahinta.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa