Published On: Tue, Jun 13th, 2017

Dhisme dheer oo 7 dabaq ka koobnaa oo ku soo dumay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyo khasaarihii ka dhashay

Nairobi (BMC)-Dabaq dheer oo ka koobnaa 7 dabaq ayaa lagu soo warramayaa inuu dhulka ku soo dhacay gabi ahaamba,wararku waxay intaa ku darayaan inay dhismaa dadkii ku  noolaa qaarkamid ahi dibadda uga bexeen ka hor intii aanay masiibadaasi ku dhicin halka qaarkalana ilaa hadda la raadinayo jaan iyo cidhib meell ay dhigeen.

ilaa hadda 7 qof oo kamid ahaa dadkii dhismahaasi daganaa ayaan raq iyo ruuxtoona la hayn meell ay ku dambeeyeen waxaana lasaadaalinayaa inay  dadkaasi la layahay ku hoosjiraan dhismaha soo dumay,tan iyo bilihii la soo daadhay waxaa dhismaasi ka soo muuqanayey calaamadaha lagu  garto marka ay dhismayaasha noocaas ahi soo dhimayaan hasa yeeshee aanay cidina waxba ka qaban sidii looga hortagi lahaa masiibada maanta dhacaday oo kale inay dhacdo.

Hay’adaha ku shaqada leh latacaalidda arrimaha noocan oo kale ahi maray  dhacaan sida Bisha cas iyo ciidamada gurmadka dagg degga ah ayaa gaadhay goobtii dhsimahaasi ku ku soo dumay waxaanay baadi goobayaan baaqiga dadkii ku hoosjiray dhismahaasi.

Xigasho Allbanaaadir.com

www.Baadiye.com