Published On: Tue, Jun 13th, 2017

Madaxweyne Siilaanyo oo wareegto ku soo magacaabay xubnaha soo xulaya guddiga Culimada Somaliland

Hargeysa (BMC)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo arrintaa ka hadlayey waxa waxa uu sheegay isaga oo tixgalinaya codsigii dastuuriga ahaa waxaan soo magacaabay laba xubnood oo ka imanaya golaha xukuumadda (wasiirrada) iyo laba xubnood oo ka imanaya golaha Guurtida.

wasiirka Diinta iyo awqaaafta Sheekh Khaliil oo arrintaa ka hadlayey waxa uu warbaahinta u sheegay magacyada xunaha noqon doona guddiga culimada Somaliland waxaanu yidhi “maanta waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa arrintii aad waxbadan codanayseen ee ahayd magacaabista Guddida culimada Somaliland oo aanay jirin cidd ku dhiirratay Madaxweyne Siilaanyo isaga hotrii”

magacyada xubnahaasi culimada ah waxaa kamid ah mashaa’ikh caan ah sida wasaiirkiihore ee diinta iyo awqaafta

1-Sheekh Cabdillaahi Cali Jawhar

2-Sheekh Maxamed Cumar Dirir

3- Sheekh Cali Warsame

4-Sheekh Maxamed Cali Gadhle

5- Sheekh Maxamuud Suufi

iyo qaarkale waxaanu wasiirka Diintu sheegay inay raggaasi ku soo xuleen xagga aqoontooda iyo dhinaca da’daba isla  markaana ay noqon doonaan xubnaha hogaamin doona aragtida culimada Somaliland ee dhinaca arrimaha diinta la xidhiidha.

dhanka kale wasiirka diinta iyo awqaafta Sh Khaliil Axmed Cabdillaahi ayaan shirkaasi jaraa’di ku sheegin  magacyada xubnaha labada gole ka kala imanaya ee soo xulidoona Guddiga culimada Somaliland.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa