Published On: Mon, Jun 19th, 2017

Gaadhi wayn oo lagu dhuftay Masaajid ku yaalla London oo sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba keenay

London (BMC)-Halqof ayaa ku dhintay 8 kalana way ku dhaawacmeen gaadhi wayn oo la jiidhsiiyey dhismaha  masaajid ku yaalla bariga  magaalada London ee dalkaasi Ingiriiska,shilkan ayaa dhacay xalay fiidkii xilli ay dadka muslimiinta ah ee magaalada Lodon ka sii baxayeen salaadii taraawiixda ee Bisha barakaysan ee Ramadaanta.

ilaa hadda khasaarahaasi waxa uu galaaftay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 8 kale oo dhamaantoodba kamid ahaa dadkii muslimiinta ahaa ee ku cibaadaysanayey masaajidkaasi,wararku waxay sheegayaan inay sida ay dadka goobjooga ahaa ku waramayaan inuu darawalkii gaadhigaasi si ulakaca ugu dhuftay darbiga dhismaha masaajidkaasi si uu dadkii muslimiinta ahaa ee halkaa ku cibaadaysanayey ugu laayo.

ciidamada ammaanka oo goobtaasi mardambe soo gaadhay ayaa xidhay nawaaxiga masaajidkaasi iyadoo dadkii dhaawaca ahaana loola cararay xarumaha caafimaadka si halkaa loogu daweeyo halkaasoo dhaawacyadooda ilaa hadda lagula tacaalayo.

dhacdadan ayaa lala xidhiidhinayaa inay tahay fall argagixisonimo taasoo ka dhan ah bulshada muslimiinta reer UK waxaanay u muuqataa inay ka  dambeeyaan falkaasi kooxaha islaam diidka ah ee ka soo horjeeda inuu Islaamku qayb ka ahaado bulshada UK,ciidamada baadhitaanka ku haya arrintaasi waxay arrintaa u soo xidheen ilaa hadda 1 qof oo kaliya waliba baadhitaanku wuu socdaa.

dhanka kale waxaa  la sheegayaa ninkii gaadhigaasi kaxaynayey inuu ahaa 48 jir caddaan ah kaasoo markii dambe ay ciidamada boolisku qabteen waxaanu ka tirsan yahay sidii aan xaggasare ku soo sheegnay dadka Islaam nacaybku madaxmaray.

dhanka kale haweenayda Ra’iisulwasaaraha ka ah dalkaasi UK Ms Thresa May ayaa lagu wadaa inay warbaahinta kala hadaasho sida ay u aragto falkaasi lagu qaaday xaruntii muslimiintu ku cibaadaysanayeen iyo dadkii muslimiinta ahaaba,haweenaydan ayey arrintani ku noqonaysaa dharbaaxo kale oo sii wiiqaysa tallaabooyinkeeda siyaasadeed kadib markii ay bilihii la soo dhaafay dalkaasi ka dhaceen weerarro isqarxin ahaa oo ay dad badani ku dhinteen iyo dabkii todobaadkiihore ka holcay dhismihii dheeraa ee bariga magaalada London halkaasoo wali baroordiidoodii lagu jiro iyadoo tirada dadkii dabkaa ku dhintayna ay gaadhayaan 30 halka ay 28 kalana dhaawacyhiin walina la raadinayo tiro kale meel ay ku dambeeyeen.

www.Baadiye.com