Published On: Wed, Feb 15th, 2017

Taageerada Madaxweyne Farmaajo iyo tii lagu soo dhaweeyey doorashadii Sanadkii 2000 uu ku soo baxay Cabdi Qaasin Salaad Xassan xaggey iska shabahaan maxayse ku kaladuwan yihiin?

Taageerada Madaxweyne Farmaajo iyo tii lagu soo dhaweeyey doorashadii Sanadkii 2000 uu ku soo baxay  Cabdi Qaasin Salaad Xassan xaggey iska shabahaan maxayse ku kaladuwan yihiin?

Hargeysa (BMC)Dawladd, nidaam, nolol, xasilooni duntay,dill,qax,kufsi,boob hantiyeed iyo qaran-jabkii ku dhacay umaddii Somaliyeed 1991 kii 9 sasano kadib Madaxwaynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu marti-geliyey shirkii Carta  ee Madaxweyanaha Somaliya lagu soo doortay Cabdi qaasin Salaad Xasan oo xilligaa kurisga kaga guuleystay Cadulllaahi Maxamed Caddow oo labaduba xilal kaladuwan ka soo qabteen Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee milatariga ahayd isla  markaana ka soo wada jeedeen Beesha Habar-gidir ee qabiilka Hawiye.

Shirkaasoo markiisiihore dad-badani soo dhaweyeen in Hargeysa lagu qabto maysan suurto halin sababo lala xidhiidhiyey Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ku adkaystay inuusan ka tirsanayn Somaliweyn isla markaana Madaxweyne u yahay dal-ka madaxbanaan Somaliya inteeda kale,qaramada midoobay iyo qoliyihii dilaaliinta ka ahaa qaban qaabadii shirkaasina waxay ku xujeeyeen inuu aqbalo Mr Cigaal midnimada Somaliya isna wuu ka diiday sababtaa iyo qaarkale ayaa loo leexiyey in shirkaasi lagu qabto dalka Jabouti waxaana gacanta loo galiyey maamulkiisa MadaxaweyneIsmaaciil Cumar Geelle,qaban qaabada shirkaasi intii ay socotay oo ahayd ilaa 3 bilood guud ahaan dalka Somaliya waxaa looga soo dhaweeyey qabsoomidda shirkaasi si weyn waxaanu shirkaasi rajo weyn ku abuuray shacabkii koonfurta iyo badhtamaha Somaliya daganaa oo si aan kala hadh iyo qabiil qabiil toona lahayn niyadda ugu furay gogoshii shirkaasi ee lagu dhigay degmada CARTA.

Waxaa sare u kacay dareenkii shacabka Muqdisho waxaana quluubtooda soo gashay saxan-saxo nabadeed waxaana halkaa uga iffay iftiinka qarankii Somaliyeed oo dib loo bakhti afuufay markale,sidaa darteed waxaa suuqyada caasimadda Muqdisho ee xilligaa u kala xidhnayd koonfur iyo waqooyi sare u kacay kala iibsiga muraayadaha waaweyn ee laga daawado ama baahiya muuqaallada “TV” yada si ay halkaa ugala socdaan wixii ka socday Teendhadii shirkaasi lagu qabanayey ee CARTA.

Waxaanay dadku ku saamo leylijireen waawashada shirka iyo khudbadihii ka soconayey goobta shirka muddo ka dibna waxaa la soo gaadhay doorashadii shirkaasi waana lagu kala calafqaaday waxaanay  guushii raacday Cabdiqaasin  Salaad Xasan,waxaanu taageero aan qiyaas lahayn iyo soo dhaweyn ba ka helay beelihii Somaliyeed oo dhan marka laga reebo Beesha Sacad oo ninkii uu ka guuleystay Cabdillaahi Axmed Caddow uu ka soo jeeday iyo Maamulka Puntland oo Cabdillaahi Yuusuf madax ka ahaa xiligaa oo iyana colaad qabiil ahaaneed ku diidanaa.

Xilligaa waxaan ka mid ahaa Suxufyiniintii ka hawlgalijirtay Caasimadda Muqdisho waxaanan u shaqaynjiray Waregeyska Jamhuuriya ee Hargeysa ka soo baxa,ka suxufi ahaan markaan dib u qiimeeyo dareenkii Shacabka Muqdisho ku soo dhaweeyeen Dawaladdii Cabdi qaasin Salaad Xasan waxay aad isugu dhawyihiin tan ay hadda shacabka Somaliyeed dalka iyo dibaddiisaba ku soo dhaweeyeen doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku soo baxay.

Haddaba maxay yihiin dhinacyada ay isagaegyihiin xamaasaddii shacabka ee ay ku soo dhaweeyeen labadaasi Madaxweyne?

1-waxay labadaasi doorasho iska shabahayeen xiisihii loo qabay Dawladd iyo kala dambeyn ay helaan shacabka Somaliyeed.

2-waxay isaga ekaayeen oo kale xagga midnimada aan qabiilka ku dhisnayn ee sidii wadajirka ahayd shacabku ugu soo dhaweeyeen labada Madaxweyne.

4-Cabdiqaasin Salaad Xasan habeenkii la dooranayey dadkii reer Muqdisho ee aan kamid ahaa maanay seexan waxaanay ku dhamaysteen soo jeed iyo mashxaradd,damaanshaad iyo isku hambayeyn dhexdooda ah doorashadii Cabdiqaasin darteed,markii dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee Ballidooggle lagu dhawaaqay inay ka soo dagayso diyaaraddii sidday Madaxweynaha iyo waftigiisii boqolaal gaadhi ayaa subaxdiihoraba u kallahay Ballidooggle si ay u soo gelbiyaan waftigaasi waxaana intii soo dhaweynta Madaxwenaha lagu jiray dariiqqa isku jiidhay gawaadhi faradbadan oo dhimasho iyo dhaawacba keenay intii la siisocday ama la soo socday markii ay Cabdiqaasin iyo waftigiisii soo gaadheen garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium waxaa halkaa  ku sugayey soo dhaweyntiisa  in ka badan 70’000 oo qof oo isaga kalayimid degmooyinka Caasimada Muqdisho si ay mar uun idhaha u saaraan Madaxweyne Somaliyeed.

Markii dadweynihii Garoonka fadhiyey loo sheegay inuu Madaxweyne Cabdiqaasin soo galay ayey dadkii markaliya dhankiisa u wada yaaceen iyagoo qof waliba is lahaa yaan salaantiisa iyo araggiisa lagaaga horeyn waxaana meesha ka dhacay is jiidh-jiidh aan xadd lahayn waxaana goobtaa ku dhibtay tiraba inta la xaqiijiyey 3 qof oo dumar iyo caruur isugujiray intaa ka badana waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo kaladuwan qiiradii iyo xamaasaddii ay shacabku u qabeen Dawladnimada awgeed.

Waxaan kamid ahaa Wariya yaashii ku sugnaa goobtii loo diyaariyey inuu Madaxweynaha   dadweynaha uga jeediyo khudbadiisa balse noomay suurto galin inaanu Madaxweynaha ka duubno wax ka badan Daqiiqad qudha ama kaba yarayd dadkii faraha badnaa oo Madaxweynaha laga celin kariwaayey kadibna nagu soo dul-dhacay qaarbadan oo kamid ahi sidaa darteed-na khudbaddii wuu sii wadikari waayey waana la joojiyey.

Sidookale  Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka hor intii aan lagu dhawaaqin guushiisa shaaricyada caasimadda Muqdisho waxaa ka soconayey banaanbaxyo waaweyn oo ay dadku xaafadaha ka soo wada bexeen rajada ay ka qabeen inuu Farmaajo soo bixidoono awgeed,markii uu dhamaaday wareeggii 2-aad ee kii 3-aad-na loo diyaar garoobayey dhamaan xildhibaanadu waxay baneeyeen kuraastii ay ku fadhiyeen waanay wada sare joogsadeen si ay indhaha ula raacaan xamaasaddii meesha ka socotay iyo halka uu fadhiyay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Markuu arrinku halkaa marayey ayuu Madaxweynihiihore Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa musharrixii ugu soo codka dhawaa Farmaajo codbaahiyaha kaga dhawaaqay inuu u hambalyeynayo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyadoo aan wareeggii 3-aad looba gudbbin waxaanay madashii doorashadu markaliya isu badashay sawaxan iyo qaylo farxadeed taasoo gudoomiyihii Baarlamaanka ee shirka hagayey ku qasabtay inuu shirka sii wadi kariwaayay waxaanu ku dhaqaayey “fadlan oo fadlan dib iiga daga oo xildhibaanadu kuraastoodii ha ku noqdaan fadhiista,fadhiista” iyo erayo kale.

Markay dadkii soo jiidheen shirkgudoonkii madasha hagayey waxa uu Gudoomiye Jawaari ku dhawaaqay “waar Gudoomiyihii Maxkamadda sare iigu yeedha Madaxweynaha ha dhaariyee” markii sidaa loogu dhiibay Madaxaweyne Farmaaajo codbaahiyaha ayey xildhibaannadii sida korankorrada markaliya ku soo daateen halkii uu ka khudbayn lahaa Mr Farmaajo waxaana suurto gall noqon wayday dhaarintiisa wax ka badani inay goobtaa ka dhacdo dadkii oo ku soo xoomay awgeed.Sidaa darteed Madaxweyne Farmaajo waxay xaaladdu ku qasabtay inuu isna khudbadiisii   uu dadka u jeedin lahaa sii wadi kari waayey kuna soo xidhay “waad mahadsantihiin”

Waxyaabaha ay ku kaladuwan yihiin

1-Cabdiqaasin Salaad Xasan xilligiisii magaaladu way isku furrayd

2-waxay soo dhaweyntiisu ku soo beegantay wakhti maalin ah oo aan habeen ahayn

3-doorashadii Farmaajo waxay ku soo beegantay xilli habeen ah

4-waddooyinka Mudisho uma furreyn sida xilligii Cabdiqaasin ee way kala xidhnaayeen amaanka Doorashadaasi si loo Iilaaliyo darteed.

5-Banaanbixii Cabdiqaasin lagu soo dhaweeyey waxa uu ku ekaa kaliya maalin qudha

6-Banaanbixii doorashadii Farmaajo waxa uu caasimadda Muqdisho iyo Goballada kale qaarkood ka socday 3 cisho ka dib.

7-Sida ay bulshada Somaliyeed maanta ugu bisilaadeen inay helaan Dawladd iyo nidaam kala haga iyo baahida ay  uqaan sharci iyo kala dambeyn xilligii Cabdiqaasin ugumay bislayn.

8-Xiligii Cabdiqaasin waxaa jiray sidaan horeyba u soo sheegnay beelaha Hawiyaha qaarkood iyo Puntland  qaybo kamida oo ka soo horjeestay soo dhaweynta maamulkiisii.

9-Maanta Doorashadii Maxamed Cabdillaahi Farmaajo soo dhaweynteeda beelaha Somaliyeed gobalkasta hajoogeene umay kala hadhin majarin Gobal kaliya oo laga diiday doorashadiisa.

10-xilligii Cabdiqaasin Salaad Xasan bulshada Somaliyeed faragalinta shisheeyaha iyo dhibaatada ay leedahay ugumay baraargusanayn sida ay maanta ugu baraarugsanyihiin una dareemayaan dhibaatada ay leedahay faragalinta ay Somalida ku hayaan Dawladaha shisheeye gaar ahaan kuwa jaarka ah.

11-xiliigii Cabdiqaasin Salaad Xasan la dooranayey qaraxyadan iyo kooxahan isqarxiyaa maysan jirin balse Somalida waxaa u dhexeeyey dagaallo ku salaysnaa qabiil qabiil iyo junfooyin-hoose gaar ahaan Caasimada Muqdisho waxaa ka jiray intaas oo qab-qable dagaal ooge ah iyo kooxo hubaysan oo iyaga kaga amar qaadanjiray nidaam qabiileed ku salaysnaa reer heball- laaya iyo reer heball iska celiya,balse maanta majiraan Qab-qablayaan dagaal oo Xamar gudaheeda isku haysta.

12-Taa baddalkeeda waxaa Muqdisho ka jira masiibada qaraxyada waaweyn ee sida khatarta ah dadka u baabi’iya halkii ay ka dhacaan.

13-Xilligii Cabdiqaasin Salaad Xasan Madaxweynaha iyo waftigiisu markay doonaan inay baxaan magaalada waxay ku marijireen dareen ku salaysnaa hadba xaafadda ay dhexmarayaan oo waxaa la garanjiray cidda ka talisa deegaankaas iyo halka ay suurtogal tahay in lagaga soo rido madaafiicda,taasina waxay ahayd jaanis uu haystay xilligaa Madaxweynihiihore Cabdiqaasin Salaad Xasan.

14-Maanta waxaa Farmaajo horyaalla dareen ka duwan kii noocaa ahaa marka laga hadlayo dhinaca ammaanka caasimadda iyo jidadkeeda mana haysto fursad badan uu u saamixi karta inuu garankaro cidda ka talisa ama ammaankiisa khatargalinaysa hadba deegaanka uu marayo madaafiicdii laga soo tuurijiray foonfura “dhinaca Habar-gidirta” ee dhinaca waqooyiga “Abgaalka” loo ridijiray ama sidookale inta xagga Agbaalka “waqooyiga” laga soo rido dhinaca Habargidirta “koofunta” lagu yiqiinnay waxaa badalay qaraxyadan casriga ah ee inta ilmoyar loogu soo xidho suumanka qaraxa sameeya intaasoo qof markaliya isku dhex qarxinaya ee lagu boobanayo halkay qarxiyaan.

15-Xilligii Cabdiqaasin waxaa layska garanjiray qofka doonaya inuu wax dilo waxaanu sidanjray hubka noocyadiisa kaladuwan haddii uu gaadiidka dagaalka wato waxaa astaan u ahayd Hoobiyaha,AK47, dhashiiskaha,zooga “lidka diyaaradaha” iyo wax lamid ah.

16-maanta dadka dadka laaya malaha astaamo ka muuqanaya oo marka ay doonayaan inay dadka laayaan ama ay meel Isku qarxinayaan qofka isha ku dhuftaa uu markiiba garankaro inuu qofkaasi yahay kii wax dilayay ama qarxinayey sidaa darteed waxay dadka laayaan ama ay qarxiyaan iyaga oo aan ka  soocnayn muuqaal ahaan bulshada inteeda kale hadday lugaynayaan iyo hadday gaad wataanintaba.

Haddaba Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxaa looga fadhiyaa inuu dabiibo xanuunka noocaas ah ee sida weyn u dhex mushaaxaya bulshada soo dooratay habka kaliya ee uu arrimahaa  wax kaga qaban karaana waa sidan.

A-inuu dib u soo dhiso ciidamadii kaladuwnaa ee Somaliya sida sirdoonka,Millatariga,Booliska iyo Asluubta isla markaana siiyo mushahar ku filan iyo daryeell caafimaad oo tayo leh.

B-inuu kasbado quluubta shacabka isla markaana u caddaalad sameeyo dhexdooda oo aanay beell qudha ahi dhinac uga baydhin maamulkiisan cusub iyagoo cadaaladda darro ka sheeganaya isla markaana ay bulshadu xukuumadda cusub kala shaqeeyaan xasilinta iyo soo celinta ammaanka iyagoo farta ku fiiqaya hadba qofkii ay u arkaan inuu ku foogan yahay arrimo ka dhan ah amaanka dadka iyo dalka qabiilkuu-rabo iyo qofkuu rabo ha ahaadee.

Wa-billaahi –Attowfiiq

Xadiis Maxamed

Xadiismxadiis@gmail.com

00 252 63 4410 656

00 252 65 922 22 05