Published On: Sun, Jun 25th, 2017

Salaadii Ciidul-fidriga oo si aan kala hadhlahayn looga tukaday Hargeysa iyo guud ahaan Somaliya oo dhan

Hargeysa (BMC)-kumanaan ka tirsan dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa saakadiihore u dareeray masaajidda waaweyn iyo goobakale ee loogu talogalay in lagu oogo “tukado” salaadaha ciidaha si ay halkaa uga soo qaybgalaan soo dhaweynta bilashada bisha shuwaal iyo sii sagootinta bishii barakaysnayd ee dhamaatay ee Ramadaan.

Ragg,dumar,caruur,dhalinyaro iyo guud ahaanba qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa la arkayey iyaga oo subaxdiihoreba agabka salaadda u sii watta barxadaha waaweyn ee salaadaha ciidaha lagu tukado.culimada masaajidda diinta islaamka ka faafiya masaajidda ayaa halkaa kala hadlay dadweynihii kaladuwanaa ee u soo salaadd doontay waxaanay dadka ku waaniyeen waannaga diinta iyo  khayrkeeda.

qaysas  is xambaar ah oo ka kooban odaygii iyo reerkiisa oo aanay cidina ka maqnayn ayaa lagu arkayey dariiqyada iyaga oo is tircisanaya si ay qaraabadoodakale farxadda ciidda ula soo qaataan kuwaasii basasska ddweynuhu raacaan  ku sugaya goobaha basaska laga raaco halka aad iyana la arkayay boqolaal gaadiid ah oo daabulaya ciyaal ka yaryar iyo xaasaska si ay u soo ciidsiiyeen.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa