Published On: Sat, Jul 1st, 2017

Nin hubaysan oo Rasaas oodda kaga qaaday xarun caafimaad oo ku taalla magaalada New Your ee dalkaasi Maraykanka oo 1 qof ku dilay 6 kalana dhaawacay

New Yourk (BMC)-Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay Hospital ku yaalla magaalada Maraykanka waxaanay rasaastaasi haleeshay dad kaladuwan oo ku sugnaa dhakhtarkaasi,wararku waxay sheegayaan inuu ninkaasi dadkaa ku laayey sababo aan cadayn ilaa hadda.

masuuliyiinta laamaha amaanka ee magaalada New Yourk oo goobtaa soo gaadhay ayaa xidhay dhamaan isu socodkii iyo shaqadii ka socotay dhakhtarkaasi intii ay mashaqadaasi baadhitaaankeedu socotay,waxaanay wararku intaa ku darayaa inuu ninkaasi horey uga tirsanaan jiray shaqaalaha ka hawlgala dhakhtarkaasi.

ciidamada Booliska ayaa iyana ninkii markii dambe rasaas ku dilay isaga oo baxsanaya isla goobtii uu dadkaasi ku laayay,dadka uu ninkaasi dilay waxaa kamid ahaa nin Doctor ahaa oo ka hawlgalayey hoospitalkaasi iyo 6 qof oo kale kuwaasoo lagu dabiibayo halkaasi si loo badbaadiyo.

www.Baadiye.com