Published On: Wed, Jul 5th, 2017

Dalladda isku xidhka ururrada Habeenka ee Nagaad Network oo Hotelka Maan-oor ku soo bandhigtay Gudniinka fircooniga ah iyo sida uu diinta uga baxsanyahay (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Dallladda isku xidhka ururrada Haweenka ee Nagaad ayaa qaarka mida culimaa degemooyinka Hargeysa u qabatay tabobar socday muddo laba cisho ah  kaasoo lagu naaqisahayey arrimaha gudniinkaasi shaydaanka ee  Hablaha lagu sameeyo,munaasibaddii furitaanka shirkaasi waxaa ka hadashay agaasimaha fulinta ee Dalladda Nagaad Marwo Nafiisa Maxamed waxaanay ka warantay ujeedada kulankaasi loo qabtay iyo waxyaabaha ay filayaan ka Nagaad ahaan inay ka soo baaxaan muddada uu soco.

“maanta waxaynu halkan isugu nimid inaan ka wada hadallo qoyihiinan culimada ah iyo guud ahaanba ka soo qaybgalayaasha kale ee shirkan dhibaatada uu Hablaha u leeyahay gudniinka Fircooniga ahi” ayey tidhi Mar Nafiisa iyada oo sii hadlaysayna doorka ay culimadu ka qaadan karaan sidii bulshada loogu sheegi lahaa dhibaatadiina waxay tidhi “culimada waxaan ka rabnaa inay caddeeyaan diinta Islaamku waxay ka qabto ee saxda ah haddii uu Firciini yahay iyo haddii uu Sunne yahayba”

kulankaasi culimadii lagu soo casuumay waxaa ka mid ahaa Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim oo kamida culida fahansan diinta Islaamka waxaanu si waadax ah oo aan saxar lahayn u soo bandhigay inuu xaaraan yahay Gudniinkaasi shaydaanka ee loogu yeedho Firconiga Gabadha lagu sameeyana ay ka dhigan tahay iyada oo la dhaawacay ama la dilayba sida ay qabaan culimada fuquadaha ah ee waawayn qaarkood sida Sh Shaafici oo kale waxaanu Sheekhaasi leeyahay “marka Gabadha la gooyo dibnaha farjigeeda oo dhan waxay u dhigantahay iyada la dilay oo kale waxaanay dalban kartaa magteedii oo dhan”

Sheekh Almis waxa uu sidookale sheegay waddammo ay kamid yihiin kuwii ay diinta Islaamku ku soo degtay inaanay isticmaalin gudniinkaasi fircooniga ah iyo xattaa kan Sunnaha ah toona balse  meelaha lagu jabay ee dumarkii lagu qashay gaar ahaan Africa iyo Somalida

dhanka kalew waxaa iyana halkaa ka hadlay qaarkamida ka soo qaybgalayaashii dooddaasi waxaanay sheegeen inay waxbadan ka soo qaybgalijireen tababarro sidan oo kale lagaga warramayey arrimaha dumarka iyo gudniinka shaydaanka balse uu kani waxbadan kaga duwanaa xagga aqoonta diinta ee lagu soo bandhigay maadaama uu Sh Almis si aanay horey u aragg ugu cadeeyey waxa ay diinta islaamku ka qabto gudniinka shyadaanka “adeed adeer angu horta caaqil baan ahay waxaanan daganahay Xaafadda Stadium ka dhinaceeda mana tirin karo intaan ka soo qaybgalay tababar Gudniinka Fircooniga ah lagaga warramayey balse  kan oo kale maan arag wax sidan oo kale diinta loogu cadeeya iyo inuu xaaraan sidan yahay” sidaa waxaa yidhi mid kamid ahaa Oday dhaqameedkii lagu soo casuumay doodaasi.

www.Baadiye.com