Published On: Wed, Jul 5th, 2017

“Doqon Ka Hadli Iyadaa Is Sheegiye” – Fasiraadda Guddida Ka Garnaqa Dhulka Magaalooyinka

Hargeysa (BMC)-Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Doqon ka hadli iyadaa is sheegiye?” Waxaa iman doonta su’aal odhanaysa sidee ayay isu sheegi? Waxaa afkeeda ka soo burqan doonta cuqdadda iyo colaadda ay xambaarsan tahay oo ay kuu soo bandhigi, waxay kaloo soo bandhigi ceebaheeda si loogu maadsado. Waa run doqon ka hadli iyadaa is sheegiye!!

Bulshada Cawaanka ah ee inta badan ka madhan aqoonta iyo garaadka waxaa lagu gartaa in marka wax loo sheego markaaba ay la boodaan iyagoo aan hubsan isla markaana aan u eegin sharciyadda iyo xeerarka bulshada u yaal, taas oo keenta in arrin iska qancinteeda si kooban loo dhamayn kari lahaa ay cirka ku laalaan.

Waxay araartaydani daaran tahay inaan saxo dood ay mafaariishta la soo fadhiistaan shaqsiyaad la garaad ah kuwa aan araartayda ku sheegay, waxaana u dambeeyay nin sheegtay inuu Boqor u yahay dhallinyarada oo maqaal aqoon iyo fikir miyir-qaba ka madhan ku xajiimeeyay masuul qaran oo aan arrin aanu shaqo ku lahayn u nisbaynayo.

Waxa shakhsigani ka hadlay Guddida Ka Garnaqa Dhulka ee gobolka Maroodi-Jeex oo dhawaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland kala dirtay, isla markaana xafiiskoodii uu ka qufushay wasiir-ku-xigeenka Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Guddidan oo uu sida uu maqaalkiisan ninkani u dhigayo ka garnaqday dhul laysku haysto oo uu sheegay inay leeyihiin Ilma Axmed Jimcaale, isagoo ninkani markaas ku doodaya in Maayarka Caasimaddu guddidan xukumo ama uu isagu magacaabo.

Hase yeeshee ku dheeraan maayo ka jawaabista dooda ninkani oo haddii aan ku dheeraado aan noqonayo qof meel madhan la hadlaya, balse waxaan qallinka u qaatay inaan saxo ninkan oo qoraalkiisu kuu sheego inaanu fahminba guddidani xagay ka timid iyo cidda ay yihiinba, iyo inaan bulshada u iftiimiyo sharciyan waa ayo guddidani maxay qabataa, yaa magacaabaya, maxayse tahay awoodeedu?

Sida uu dhigayo Qodobka 28aad ee Xeerka Maamulka Dhulka ee Magaalooyinka ee Xeer Lr. 17/2001, kaas oo kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay ay Golaha Wakiilladdu bishii August 2008 ku ansixiyeen, ayaa waxa uu jidaynayaa “Ka-Garnaqa Dhulka”, kaas oo fiqradiisa koowaad tilmaamayso in guddidani tahay mid ka gar-naqaysa dhammaan khilaafaadka ku saabsan dhulka darajadiisa koowaad, isla markaana ay tahay guddi maamul oo ka kooban toddoba xubnood oo ka kala imanaya shan wasaaraddood, xubin golaha deegaanka ah iyo xubin shaqaalaha dawladda hoose ah, waxaanay fiqradda koowaad ee qoddobka 28aad ee Xeerka Maamulka dhulka Magaalooyinku u dhigan yahay sidan:

“QODOBKA 28aad

KA-GARNAQA DHULKA

1. Dhamanba khilaafaadka ku saabsan dhulka waxa ka gar-naqaya Darajaddiisa 1aad, Guddi maamul ( Administrative Tribunal) oo ka soo saaraya Go’aan, Guddigaasi waxay ahaanayaan dad aqoon u leh arrimaha dhulka kana kooban sidani:

Hal qof oo Wasaarada Hawlaha Guud ah – Guddoomiye

Hal-qof oo Shaqaalaha Dawladda Hoose ah – Xoghaye

Hal-qof oo Golaha Deegaanka ah              – Xubin

Hal-qof oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ah – Xubin

Hal-qof oo Wasaarada Beeraha Ah – Xubin

Hal-qof oo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ah – Xubin

Hal-qof oo Wasaaradda Horumarinta R-Miyiga ah – Xubin”

Haddii aynu hoos ugu sii daadegno guddidan waxaa hay’adaha ay ka kala imanayaan qoraal kaga dalbanaya inay xubintooda soo magacowdaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo ay hay’ad waliba magaca xubinteeda guddidaas uga wakil noqonaysaa soo magacaabanaysa oo qoraal ugu soo gudbinaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kadibna ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu digreeto heer wasiir ah ku soo saaray magacaabista guddida oo dhamaystiran, sida ku cad faqradda 3aad ee qodobka 28aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka Xeer Lr. 17/2001

Sidoo kale, muddo-xileedka guddidani waxay faqradda labaad ee qodobkan 28aad ee Xeer Lr. 17/2001, sheegaysaa inay tahay muddo laba sannadood ah, balse waa loo cusboonaysiin karaa xubinta iyadoo loo raacayo dariiqadii loo soo magacaabay, taas oo macnaheedu yahay in dib loo soo raacayo farqadii 1aad ee qodobkan ee aynu xaga hore ku soo aragnay.

Bal aynu eegno haddaba sida ay dhigayaan labada faqradood ee 2aad iyo 3aad ee qodobka 28aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka Xeer Lr. 17/2001, kuwaas oo u dhigan sidan:

“2. Guddiga faqradda 1aad ku sheegan waxa qof kasta oo ka mida ah magacaabaya Hay’adaha ama Wasaaradda uu ka tirsan yahay, ka dib marka ay codsi arrintaasi soo magacaabista ah ka helaan Wasaaradda Arrimaha Guddaha. Mudada xilkooduna waa laba sanno, waana loo cusboonaysiin karaa xubinta, iyada oo loo raacayo Dariiqadii loo soo magacaabay

3. Hay’add waliba waxay u gudbinaysaa magaca xubinta ay u Wakiisheen inay ka mid noqoto Guddiga Wasaarada Arrimaha Guddaha. Wasaaradda Arrimaha Guddaha aya ku soo saaraya Degreetada ay ku hawl-gelayaan oo heer Wasiir ah.”

Faqradda 4aad ee isla qodobkan ayaa iyadu ka hadlaysa goobta guddidan fadhigeedu noqonayo, waxaanay sheegaysaa in Maayarada xafiis ka siinayaan guddida xarumaha dawladaha hoose, laakiin wax faro-gelin ah kuma yeelanayaan hawlaha shaqo ee guddidaas, waxaanay faqradda 4aad u qoran tahay sidan:

“4. Guddiga fadhigeedu wuxuu noqonayaa xarumaha Dawladdaha Hoose oo Maayiradu ka siinayaan xafiis.”

Ugu dambayn faqradaha 5, 6aad iyo 7aad ee qodobka 28aad ee Xeerka maamulka Dhulka Magaalooyinka Xeer Lr. 17/2001, oo iyaguna ka hadlaya go’aanka guddidaas ka gaadho dacwada cidii ku qanci wayda meesha ay rafcaanka uga qaadan karto, karashka dacwad-furashada, gunada guddida, xeer nidaamiyaha hawlahooda shaqo, ayaa waxay u qoran yihiin sidan:

“5. Go’aanka ay gaadhaan Guddiggaasi, ciddii ku qanci wayda waxay xaq u leeyahay in ay maxakamadda Sare Idaari ahaan ugu qaadato Racfaan, kaasi oo noqonaya Kama danbays, Muddo bil guddaheed ah. Kharashka dacwadda waxa la saarayaa cidda uu xukun Kama dambaysta ahi ku dhacay. Fiigii Maxakamadduhu ka qaadi jireen kiisaska dhulka la isku qabsaddo, waxa qaadaya Maxakamadda sare.

6. Gunadda Guddigu ay yeellanayso, qadarka kharashka dacwad furashada ee laga qaado dhinaca soo dacwooday, habkooda shaqo sida ay u fushanayaan, Go’aamadda ay gaadhaan sida loo fullinayo, haddii dhinici laga xukumay racfaan qaadan waayo iwm ee ka dhiman halkani, lana xidhiidha xil-guddashadda Guddigaasi waxa xeer-nidamiye Wasaaradeed ku soo saaraya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha. Xeer-nidaamiyahaasi ayaa lagu faah-faahin doonaa Qodobadaasi iyo wixii kalee muhiim u ah Hawl-galka Guddigaasi. Xeer-nidaamiyehaasi ma noqonayo wax ka hor yimaadda xeerkan.

7. Degmooyinka aan laga wada heli Karin Hay’adaha ay Guddigu ka kooban tahay, Xeer-nidaamiyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha aya lagu sheegi doonaa tiradooda iyo Hay’adaha ay ka koobnaanayaan.”

Gebo-gebo

Haddaba, gunaanadkii waxaan hal u sheegayaa ninkan boqorka dhallinyarada sheegtay, in doodiisu aanay aqoon sharci iyo caqli fayow ku dhisnayn ee ay ahayd uun kas gaabni xajiimeyn ah oo ay ka muuqato in aanu garanayn oo aanu aqoon u lahayn waxa uu ka hadlayo, cidda uu isleeyahay hiil baad u tahayna ka luminayo jidkii wixii ay xaq u leeyihiin ay u mari lahaayeen. Arrintiisuna waxay iila muuqataa hal-ku-dhegii ahaa “doqontu il keliya ayey leedahoo, ishaana waxay ku haysaa xigtadeeda”

Waxaan hadal ku soo geba-gebaynaa in Somaliland waxa keliya ee ay Somaliyadaa burburtay kaga duwan tahay ay tahay xeerarka iyo sharciyadda ay samaysteen ee goleyaasheedu ansixiyeen, kuwaas oo khilaaf iyo muran kastoo yimaadaba haddii dib loogu noqdo lagu kala bixi karo, laakiin ayaan-darradu waxay ka taagan shakhsiyaad indhaha ka riddaya sharcigii iyo xeerarkii ay ummaddu lahayd oo warbaahinta kula soo ordaya doodo qurus-ku-doon ah, “Afalaa tacqiluun” ayaan leeyahay.

Wa bilaahi Tawfiiq

Khaalid Maxamed Xuseen

Muwaadin Somalilander ah

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa