Published On: Thu, Jul 6th, 2017

Wasaaradda arrimaha Amniga Somaliya oo soo saartay awaamir cusub oo loo jeediyey shirkadaha ganacsigu inay ku soo diiwaangaliyaan ciidamada u shaqeeya iyo hubkodaba

Muqdisho (BMC)-Wasaaradda arrimaha nabadgaliyada iyo rabshado la’aanta Somaliya ayaa soo saartay awaamir cusub oo lagu furay bulshada hubaysani inay ku soo diiwaan galiyaan hubkooda gaar ahaan waxaa si khaasa loo furay shirkadaha Ganacsiga madaxa banaani inay muddo 30  maalmood gudohood ah ku keen liiska tirada ciidamada ilaaliya xarumahooda si loo ogaado tirada rasmiga ah ee hubka loo ogolaan garo inay ku dhexwadan karaan magaalada gudaheeda.

dhawaan ayey ahayd markii ay sidan oo kale wasaaraddu isla awaamirtan oo kale ku soo rogtay masuuliyiinta ka hawlgala xafiisyada hay’adaha xukuumadda iyo mudanayaasha Baarlamaankuba inay soo xeeroreeyaan liiska tirada ciidamada ilaalada u ah masuuliyiintaas si loo hubsado tirada fubka faraha badan ee qarqiyey caasimadda nadda sida weyn ugu harraadan ee Muqdisho.

halkan hoose ka akhriso qoraalkii ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha nabad galiyada

www.Baadiye.com