Published On: Fri, Jul 7th, 2017

Madaxweeyne-yaasha Maraykanka iyo Ruushka oo kulan gaara ku yeeshay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka iyo qodobadii ay ka wada haleen

Hamburg (BMC)-Madaxweyna-yaasha dalalka Ruushka Validamir Puntin iyo Maraykanka Donal Trump ayaa ku kulmay magaalada Hamburg ee dalkaasi Jarmalka,kulankan ay yeesheen labada hogaamiye oo ah kii ugu horeeyey oo ay isa soo hor fadhiistaan waxa uu ahaa mid si weyn isha loogu hayey waxa ka soo bixidoona iyo erayada ay warbaahinta u sheegidoonaan kulankoodaasi ka dib.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr Trump waxa uu sheegay inay sharafweyn u tahay inuu la kulmo Madaxweynaha dalka Ruushka waxaanu dareeenkiisa ku cabbiray erayo ay qadarin badani ka muuqanaysay sida uu u dhigay waxaana erayadaasi kamid ahaa “very good” taasoo uu ku sheegay inay sharaweyn u ahayd saacadihii uu la fadhiyey Madaxweyne Putin waxaanu yidhi “sharafweeyn bay ii tahay inaan la kulmo Madaxweyne Putin” ayuu yidhi Mr Donal Trump.

sidookale Madaxweynaha dalka Ruushka Mr Validamir Putin ayaa isna sheegay inu ku faraxsan yahay shakhsiyan inuu la kulmo dhiggiisa dalkaasi Maraykanka Mr Donal J Tarump,labadan masuuli waxay wada hadalladooda si weyn riiradda ugu saareen qodobada ay kamidka yihiin xaaladda dalka Suuriya ka taagan iyo arrimaha waxay ugu yeedhaan argagixiso la dagaallanka kaasoo fasiraadiisa iyo cidda argagixiso ah aan laysku waafaqasanayn ilaa  hadda balse loo badinayo uun inuu  yahay eray ku salaysan danaha siyasadeed ee ay Dawladaha dunida iska walaaqdaa ka leeyihiin hadba cidda ka hortimaadda awaamirtooda.

dhanka kalana madashii kulnkaasi ee shirka Dawladaha ugu dhaqaalaha badan aduunku ku shirayeen waxaa hadheeyey rabshadu iyo banaanbaxyo lagu diidan yahay Madaxweynaha dalka Maraykanka inuu ka soo qaybgalay shirkaasi maadaama uu dhawaan sheegay inuu dalkiisa ka saaray xubinimadii oo ka ahaa barnaamijka ilaalinta deegaanka.

Rabashadahaasi waxay kallifeen inay iska horyimaadaan daweyne farabadan iyo ciidamada Booliska dalkaasi kuwaaasoo ay shaashadaha warbaahinta caalamku soo bandhigayaan ilaa hadda muuqaallada kaladuwan ee dhexmaaya labada dhinac ee Booliska iyo dadweynaha ka cadhaysan Mr Trump waxaana muuqaaladaasi kamid ahaa gawaadhida Booliska ee lagu rakibay tuubooyinka waaweyn ee dadka indhahooda ilmada ka keena isla markaana mudaaharadayaasha ku saydhayey sunta indha ilmada ka keenta iyo biyo xoogg-badan.

SOURCE:Nytimes

www.Baadiye.com