Published On: Thu, Jul 13th, 2017

Shirkii daahfurka wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka oo lagu soo gabagabeeyey Hotelka Maan-soor ee Hargeysa (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Shir ballaadhan oo lagu daah-furayey dhaqaajinta hawlaha wakaaladda Xabkaha ee dhawaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo dib u magacaabay shaqadeediihore inay gudato,shirkaasi oo socday muddo laba cisho ahayd waxaa furitaankii ka soo qaybgalay Maareeeyaha iyo ku xigeenka wakaaladdaasi, masuuliyiin ka tirsan Golahaasha xukuumadda iyo mulkiilayaasha iyo oday dhaqameedka ka soo jeeda deegaannada ay ka baxaan Xabkaha iyo faleenku ee Goballada Sanaagg iyo Saaxil.

Maareeyaha wakaaladdaasi Cabdillaahi Jaamac Caray oo furitaankii madasha shirkaasi ka hadlay waxa uu mahad ballaadhan u celiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu u magacaabay shaqada wakaalladda iyo inay ku soo beegantahay xiligeedii loo baahnaa inay dib saaxadda ugu soo noqoto wakaaladdaasi oo h orey u jirijirtay Dawladdii hore ee Maxamed Sibaad Barre “waxaan aad ugu  mahad celinayaa Madaxweynaha oo wakaaladdan dib u soo magacaabay isla markaana ku soo aadiyey xiligeedii loo baahnaa inay dib u soo shaqo gasho wakaaladdani” ayuu yidhi Mr Caray.

dhanka kalana waxa uu Maareeyuhu tibaaxay inuu ku shaqayn doono siyaasadda iyo xeerka u yaalla wakaaladdaasi oo sida la sheegay durba ku tallaabsatahy guulo muhiim ah sida inay samaysatay qodobada xeerkii ay ku shaqayn lahayd iyo siyaasaddii hagi lahaaba “muddadii yarayd ee ay wakaaladdu jirtay waxaanoo suurto gashay inaanu soo samaynay qodobada xeerkii iyo siyaasaddii ay wakaaladdu ku shaqayn lahayd intaba’ ayuu yidhi Mr Caray.

Maareeye ku xigeenka wakaaladdaasi Axmed Maxamed Xasan “Baradho” oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey magacaabista wakaaladdan Xabkaha iyo Faleenka waxaanu sheegay inay la shaqayn doonaan dadka deegaanada ay ka baxaan Xabkaha iyo Faleneku ” ka maamul ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu dadka deegaanka kala shaqayno sidii loo daryeeli lahaa dhirtii ay ka bixijireen Xabkaha iyo Faleenka oo sii dabar-go’aya” ayuu yidhi Mr Baradho.

wasiirka Kaluumaysiga Cali Faarax iyo wasiir ku xigeenka Ganasciga Maxamed Yuusuf oo iyana halkaa ka hadlay waxay siyaabo kaladuwan uga warbixiyeen arrimaha wakaaladdan iyo shaqada loo igmaday oo ah inay soo celiyaan sharciyaddii iyo nidaamkii ganacsiga ee Xabkaha iyo Faleenka oo jaantaa rogan xaalkoodu iska noqday tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Milatariga ahayd ee Somaliya sanadkii 1991-kii.

odayaasha mulkiilayaasha ah ee ka ganacsada khayraadka Xabkaha iyo Faleenka oo iyana dhinacooda madashaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey inuu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay maamulka cusub ee dib u hawlgalinta wakaaladdan waxaanay sheegeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan maamulka wakaaladda balse waxay dhinaca kale codsadeen in xeerarka iyo saasadda lagu hago wakaaladda la soo raaciyo ciqaabtii la marsiin lahaa ciddii ku xadgudubta dhirta ay Xabkuhu ka baxaan “Madaxweynuhu wuu ku mahadsanyahay inuu noo magacaabay wakaaladda maamulkeedii waanan soo dhaweynaynaa laakniin waxaanu rabnaa in xeerarka iyo saasadda aad noo soo dhigteen soo raacisaan qodobadii lagu ciqaabi lahaa ciddii ku xadgudubta ama si xun uga faa’iidaysata dhirta ay Xabkaha iyo Faleenku nooga baxaan” sidaa waxaa yidhi Sulaadiintii reer Ceerigaabo ee shirkaasi ka soo qaybgashay isla markaana kamid ahaa dadka ka ganacsada ama mulkiilayaasha dhirta Xabkaha iyo Faleenka.

xubno kamida guddi hoosaadka mudanayaasha Golaha wakiillada ee arrimaha fayo dhawrka deegaanka oo iyana shirkaasi ka soo qaybgalay waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan wakaaladdan dib loo soo magacaabay isla markaana ay waxbadan kala shaqayn doonaan hawlaheeda “annagu ka Guddihoosaad ahaan waxaanu ballan qaadaynaa inaanu waxbadan idinkala shaqayndoono hawlaha wakaaladdan waxaanan ku dadaalaynaa inaanu si dhibyar ku marsiinyo ansixinteeda Golaha wakiillada marka nalookeeno” sidaa waxaa yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud oo ku hadlayey afka Guddihoosaadkaasi.

Garyaqaan Ca bdiraxmaan Hiirad oo ah aqoonyahan soo bartay sharciyada isla markaana la taliye u noqondoona wakaaladdaasi ayaa halkaa ku soo bandhigay daraasad ballaadhan oo si faah-faahsan u sharraxday xeerarka iyo siyaasadda lagu dhaqayo wakaaladdaasi.

gabagabadii xidhitaankii shirkaasi waxaa markale ka hadlay Maareeye Caray waxaanu sheegay sababta shirka wakaaladda Hargeysa loogu qabtay ee Goballadii ay Xabkaha iyo Faleenku ka baxayeen loogu qaban waayey inay tahay  bal markahore inay ka maamul ahaan gacanta ku dhigaan ama ay wakaaladdu hesho codka ansixinta Golayaasha ku shaqada leh ee Baarlamaanka ka dibna ay shirarkooda dambe ku qabsan doonaa Gobalka Sanaagg “ilaa shalay waxaan dareemayey inaad is waydiinayseen sababta aan shirka wakaaladda ugu qabanay Hargeysa ee aan ugu qabanwaynay Gobalka Sanaagg oo ah xaruntii ay shaqada wakaaladdu tiillay balse waxaan idiin sheegayaa ujeedadayadu inay ahayd markahore dee in wakaaladda la MEHERIYO “la ansixiyo” ayuu yidhi Mr Carey.

sidookalana waxa uu sheegay maareeyuhu inaanay dhicidoonin inay shirarka wakaalada hadda wixii ka dambeeya ku qabtaan meel ahaan ka ahayn Goballada ay ka baxaan Xabkaha iyo Faleenku “hadda wixii ka dambeeya shirarkeena soo socda waxaan ku qabsan doonaa Geedka hoostiisa “halka ay ka baxdo” waxaanan wakaaladda u geyndoonaa dadkii iyo deegaankii ay tiilay shaqada wakaaladdu mana dhicidoonto inaad aragtaan aniga oo reer-reer iyo qoys-qoys idiinla shiraya hadaad aragtaanna waa haddii ay waxkale  jiraan” ayuu yidhi Maareeye Cabdillaahi Jaamac Carey.

Maareeyaha wakaaladda qorbojoogta Cabdi Cabdilaa “Dayaxweerar” oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii shirkaasi ka soo qaybgalay waxa uu oday dhaqameedka reer Sanaagg ku boorriyey  inay nagadda ilaaliyaan haddii ay doonayaan  inay wakaaladdaasi hormar gaadho waxaanu sheegay inuu wakaaladda kala shaqayn doono sidii maalgalin  dhaqaale loogu helilahaa “anigu maadaama aan ahay Gudoomiyihii qurbojoogta waxaan idiin sheegayaa inaan wakaaladda kala shaqayndoono sidii ay ku helilahayd maalgalin dhaqaale balse waxaa taa ka horeysa haddii aad tihiin dadkii geegaanka Sanaagg inaad nabadda ilaalisaan” ayuu yidhi Mr Dayaxweerar.

wasiirku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Axmed Xaashi Cabdi oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu Maareeyaha wakaaladda hogaaanka looga dhigay yahay nin uu aqoon fiican u leeyahay isla markaana uu ku ogyahay karti iyo hawlqabad intaba waxaanu yidhi “Somalidu waxay ku maah-maahaan ninkaa heball la  yidhaado jidd mala martay,jidiin malacuntay ama jabad mala meerisay markaa Cabdilaahi Jaamac waa nin aanu waxbadan ka soo wada shaqaynay “xiligii UDUB” hawlo badan oo aan ku kalsoonahay kartidiisa iyo aqoontiisaba” ayuu yidhi Mr Xaashi.

dhanka kale qaar-kamida qurbajoogta ka soo jeedda Gobalka Sanaagg oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin magacaabista wakaaladdan Xabkaha iyo Faleenka isla markaana ay la shaqayndoonaan maamulkeeda waxaanay carrabka xbnahaasi ku dhufteen inay ahayd marhoraba wax loo baahnaa magacaabsita hogaanka wakaaladdani “annaga oo ku hadlay afka qurbajoogta Gobalka Sanaagg waxaanu soo dhaweynaynaa magacaabsita Madaxweyne Siilaanyo ee wakaaladda Xabkaha iyo Faleenka waanan  la shaqayndoonaa maamulka wakaaladdaasi” ayey yidhaadeen xubnaha ku hadlay afka Qurbajoogta reer Sanaagg.

wasiirka qorshaynta Maxamed Ibraahin Qabyo oo dhawaan reer Burco u bixiyeen Qabyotire markii uu Togdheer Badhasaabka ka soo ahaa oo isaguna xidhitaankii shirkaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu kamid yahay dadka ka warhaya xaaladda deegaanka wakaaladdan loo magacaabay inay ka shaqayso isla markaana uu indhihiisa ku soo arkay daycaadda ka muuqanaysa dhigtii iyo deegaankii ay ka bixijireen Xabkaha iyo Faleenka “anigu ilaa sanadkii 2006 kii wixii ka dambeeyey aad baan u tagaa gobalka Sanaagg oo dee  waatii aanu qolyahaa reer Ceerigaabo isku qabsanay maga Buurta Daallo Arab” ayuu yidhi Mr Qabyotire.

wasiirku waxa uu sheegay ka wasaarad ahaan inuu maamulka wakaaladda kala shaqayn doono sidii ay wakaaladdu  ku heli lahayd dhaqaale iyo suuq-geynta khayraadkeedaba balse waxa uu dadka deegaanka xasuusiyey inay markahore samaystaan iskaashatooyin cusub iyadoo aan laga tagaynin kuwiihorey u soo jirijiray taasoo fufudayn doonta dib u soo kabashada hawlihii wakaaladdaasi “anigu ka wasiir ahaan waxaan ballan qaadayaa inaan maamulka wakalaadda kala shaqayndoono sidii ay ku dhaqaaqi lahayd balse idinkana waxaa laydiinka baahan yahay dadkii deegaanka hadaatihiin inaad samaysataan iskaashatooyin idinka oo aan meesha ka saarayn kuwiihorey u soo jireenka ahaa” ayuu yidhi Mr Qabyotire.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa