Published On: Sat, Jul 15th, 2017

Kumaankun oo ka tirsan Xisbiga caddaaladda iyo hormarka dalka Turkiga oo maanta si weyn u xusay sanad-guuradii ka soo wareegtay Afgambigii dhicisoobay

Ankara (BMC)-Kumanaan-kun oo ka tirsan xisbiga Caddaaladda iyo hormarka dalka Turkiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Rajab Dayib Ardugaan ayaa isugu soo baxay dhul-ballaadhan oo ku yaalla caasimadda Ankara ee dalkaasi Turkiga si ay u muujiyaan taageerada Madaxweyne Ardugan iyo xisbigiisa talada dalka haya,dadkaasi oo lagu sheegay inay ahaayeen kuwii ugu tirada badnaa oo mudaaharaad isugu soo baxa waxay lulayeen calanka guuduudka ah ee dalakaasi leeyahay waxaanay ku dhawaaqayeen erayo dhiirrigelinaya Madaxweyne Ardugan iyo xukunkiisa talada dalkaasi uu ku maamulayo.

sanad-guuradan lagu xusayo afgambigii dhicisoobay ee sanadkii hore lagu qaaday Mr Ardugan si xukunka looga tuuro waxa uu ka dambeeyey laba cisho uun markii ay mudaaharaad kan ka tiro yaraa  kuwaasoo ay ujeedada mudaaharaadkooduu ahaa inay xukuumadda Ardugan u muujiyaan caddaaladarrada ay ka tabanayaan maamulkiisa kuwaasoo ahaa dadkii shaqooyinka looga joojiyey inay ku lugg lahaayeen hawlihii agambigii dhicisoobay.

Mr Ardugaan ayaa kunaankaasi caasimadda Ankara isugu soo baxay kala hadlay barxadd weyn oo lagu sheegay masaafaheeda inay gaadhayso ilaa 4 km oo isku wareegg ah,dadkaasi tirada badani waxay ka soo horjeedeen hagardaamada ka dhanka ah maamulka xisbiga talada dalkaasi haya gaar ahaan afgambigii aan hirgalin ee lagu doonayey in Madaxweyne Ardugan talada dalka looga tuuro.

Mr Ardugaan oo dadkaasi la hadlay waxa uu sheegay inay kuwa isaga ka soo horjeedaa yihiin dadkiisii uu xukumayey base ay khaladaad weyn ka galeen qaranka Turkiga.dadka ka soo horjeeda talada Madaxweyne Ardugaan ku maamulayo dalakaasi waxay cabashooyinkooda ku salaynayaan inay xukuumaddu ula dhaqantay si aan quruxbadnayn oo caddaaladda ka fogg maadaama ay xukuumaddu dad farabadan shaqadii ka caydhisay iyada oo lagu eedaynayo kaalintii ay ku lahaayeen afgambigii kalhore laysku dayey in Madaxweynaha xukunka looga rido balse aan suurtogalin kaasoo ay xukuumadda Ankara u haysato inuu ka dambeeyey ninka dhuumashada ugu cararay dalka Maraykanka ee ay xukuumadda Ankaga sida weyn u doonayso inay Maraykanku u soo gacan galiyaan.

www.Baadiye.com