Published On: Sun, Jul 16th, 2017

Kooxaha wax qarxiya oo qafaashay 7 qof oo u shaqaynayey Hay’adda GREDO oo ka haqaysay Goballada Baayo iyo Bakool

Baydhabo (BMC)-Kooxaha wax qarxiya ayaa qafaashay dad shaqaale ah oo u shaqaynayey Hay’adda GREDO oo ah urur ka shaqeeya arrimaha samafalka bulshada tabaalaysan ee Goballada Baay iyo Bakool,afduubani waxa uu shaqaalahaasi ku dhacay iyagoo marayey inta u dhaxaysa Baydhabo iyo Buurhakaba halkaasoo ay kooxaha wax qarxiyaa ka qabsadeen dadkaasi iyagoo jida marayey.

tirada dadka la qafaashay ayaa lagu sheegayaa inay  kala ahaayeen 3 dumar ah iyo 4 ragg ah kuwaasoo ku hawlanaaa arrimaha samafalka dadka abaaruhu ku wiiqeen deegaanada hoostaga Goballada aan xagga sare ku soo sheegnay,masuuliyiinta horjoogayaasha ka ah Muran Gobaleedka koonfur Galbeed hasa yeeshee wali wax war ahi kamuu soo bixin horjoogayaasha muran Gobalkeedaasi dadkaasi la qafaashay iyo halka loola cararay toona.

www.Baadiye.com