Published On: Sun, Jul 16th, 2017

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta xukuumadda Somaliya oo sheegay inay dadku dib u helidoonaan maalinta berri ah ee Isniinta soo socota

Muqdisho (BMC)-Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta xukuumadda Muqdisho Cabdi Canshuur ayaa sheegay inay xukuumadiisu soo gabagabaysay cilladii kala jartay xadhkihii fiilada internet-ka badda hoosteeda mara ee loo yaqaano Viberoptic -ga kaasoo kala go’ay 25 bishoore ee aan soo dhaafnay ilaa xiligaana aanay bulshada Koonfurta iyo Badhtamaha Somaliya helin adeeggii  isku xidhka bulshada ee Internet-kaasi fududaynayey.

Wasiir Canshuur oo warfidiyeenka kula hadlay caasimadda Muqdisho ayaa sheegay inay hadda xaal-xaal ku jirto dhamaynta cilladdii Internet-ka ku dhacday isla markaana ay suurto galtahay inay cilladdaasi dhamaato ilaa saacadaha foodda innagu soo haya sidaa darteedna ay bulshadu dib u helidoonaan adeeggii internet-ka oo dhamaystiran maalinta isniinta ah ee berrito ku beegan.

Aaladdan adeegga internet-ka ayaa koofurta iyo badhtamaha Somaliya ka maqnaa tan iyo taariikhda xagga sare ku qoran waxaanay arrintaasi sababtay khasaaraha malaayiin USD ah sida la sheegayo taasoo aan ilaa hadda la sheegin cidda magdhawgeeda siinaysa shacabkii Somaliyeed ee isticmaalayey adeeggaasi.

adeegga Netka ayaa ahaa mid si weyn u fududayn jiray isku xidhka iyo kala warhaynta bulshada dhexdeeda ah waxaana kamida qaybaha ay bulshadu sidweyn u tabeen  hawlihii isku socodka diyaaraha,tebinta warark,arrimaha caafimaadka iyo xidhiidhkii dhibkayaraa ee suurto galinayey is fahamka iyo kala warhaynta qoysaska isqaba ee kala maqan iyo kuwa ku haminaya inay is guursadaan intaba.

www.Baadiye.com