Published On: Mon, Jul 17th, 2017

Adeeggii Internet-ka oo caasimadda iyo Badhtaha Somaliya dib ugu soo noday iyo bulshada oo si faraxadi ku dheehantahay u soo dhaweeyey

Muqdisho (BMC)-Adeeggii isku xidhka arrimaha bulshada ee Internet-ka ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Somaliya ee Muqdisho iyo Gobalada dhexe oo muddo 22 cisho ay uu khadkaasi ka maqnaaa adeeggaasi. soo noqoshada adeeggan oo si weyn looga tabay maqnaanshihiisa guud ahaan koonfurta Somaliya intuu hawada ka maqnaa ayey bulshadu ku soo dhaweeyeen dareen caafimaad-qaba iyo farxad weyn taasoo ka tarjumaysa sida uu adeeggaasi ugu midka noqday baahiyada maalin-laha ah ee bulshada Somaliyeed.

durba waxaa dib isu helay kumanaan qof oo kala go’doonsanaa tan iyo markii uu adeeggaasi kala go’ay taariikhda aan xaggasare ku soo tilmaaanay waxaana durba bogagga arrimaha bulshada lagu arkayaa qoraallo kaladuwan iyo maqal iyo muuqaallo intaba kuwaasoo ay bulshadii is wayday tan iyo wakhtigaasi isugu hambalyeynayaan inay markale dib u xidhiidheen “aad baan ugu faraxsanahay inaynu ¬†maanta markale dib isugu soo laabanay maadaama uu internetkii dib noogu soo noqday ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuusan dib dambe nooga xumaan” sidaa waxaa bartiisa WhatS Up-ka fariintaasi u soo dhigay mid kamida bulshada reer Muqdisho ee go’doonka galay todobaadyadii la soo dhaafay.

www.Baadiye.com