Published On: Tue, Jul 18th, 2017

Mudanayaasha Muran Gobaleedka Puntland oo maanta Golihii wasiirrada codkii kalsoonida ahaa dib ugala noqday Baarlamaankii Garawe

Garawe (BMC)-Xubnaha golaha Baarlamaanka Muran-Gobaleedka Puntland ayaa m aanta gacanta u taagay  {u codeeyey} inay kalsoonida kala noqdaan guud ahaan xubnaha Golaha wasiirrada Cabdi wali Cali Gaas,mudanayaashii ka soo xaadiray fadhigii  maanta ee xarunta Garawe ayey intoodii badnaydi isku raaceen in shaqada laga wada eryo dhamaan wasiirrada muran Gobaleedkaasi sida ay u dhanyihiin.

mudanayaashu waxay eriga wasiirradaasi ku sababeeyeen inay noqdeen kuwo fadhiid ah oo aan waxba ka qabanin shaqadii bulshada loogu dhiibay inay u qabtaan, sidaa darteed waxay mudanayaashu yidhaadeen marba hadday wasiirradii wax qabad la’aan ku sifoobeen waa inay meesha ka baxaan waxaanay Madaxweynaha Muran-Gobaleedkaasi Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ku boorriyeen inuu shaqada ka wada cadhiyo wasiirradiisa isla markaana soo magacaabo kuwii beddali lahaa iyaga.

dhanka kalana mudanayaashu waxay Madaxweyne Gaas ka codsadeen inuu magacaabistiisa Golaha cusub ee uu keenidoono ku saleeyo dhinaca aqoontooda iyo arrimaha hufnaanta shaqadooda looga baahan yahay ka masuuliyiin ahaan inay ka duwanaadaan kuwan hadda la erayayo.Baarlamaanka Muran-gobaleedka Puntland ayaa noqonaya Muran-gobaleedkii ugu horeeyey ee tallaabada noocan ah ku dhaqaaqa taasoo loo arko inay tahay xilgudasho iyo inay ka tarjumayaan dareenka shacabkii soo doortay.

www.Baadiye.com