Published On: Tue, Jul 18th, 2017

Diyaaradaha aan banaanka laga hago ee Maraykanka oo duqeeyey fadhiisimo ay kooxaha wax qarxiyaa ku lahaayeen Jubada hoose

Beerxaani (BMC)-Diyaaradah aan duuliyaha lahayn ee banaanka laga hago “Air Drones” ayaa xalay saqdii dhexe miray “garaacay” fadhiisimo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxaha wax qarxiya ee fadhigoodu yahay Gobalka Jubbada-hoose ee koonfurta Somaliya.

sidaana waxaa laga soo xigtay saraakiil ka tirsan muran-gobaleedka Jubaland kuwaasoo sheegay inuu weerarkaasi xalay saqdiidhexe ka dhacay deegaanda Beerxaani iyo Shumbi oo hoostaga maamulka Kismaayo halkaasoo masaafo ahaanna u jirta Kismaayo ilaa 60 KM.

Diyaaradaha aan kexeeyaha lahayn ee dalkaasi Maraykanka laga leeyahay ayaa fuliyey weerarkaasi iyagoo tilmaan ka helayey ciidamada Kumaandoosta ah ee Somaliya kuwaasoo farta ugu fiiqayey Maraykanka goobaha la garaacay oo la rumaysan yahay inay ku dhuumaaleysanayeen xubno sarsare oo ka tirsan kooxaha qaraxyada fuliya ee Somaliya ka hawlgala kuwaasoo isugu jira Somali iyo ajaabin kale intaba.

ilaa hadda si cad looma sheegin khasaaraha dhabta ee ka dhashay duqayntaasi ay Maraykanku xalay fuliyeen iyo wixii dhibaato ahaa ee soo gaadhay kooxihii la bartilmaameed sanayey,hasa yeeshee waxaa la rumaysan  yahay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac intuba maadaama ay masiibo meesha ka dhacday.

www.Baadiye.com