Published On: Thu, Jul 20th, 2017

Hayadda TIS+ oo dhismaha guriwayn oo cusub ku wareejisay maamulka Gobalka Degmada Gebilay (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Hay’adda Tis Plus ayaa xafladd ballaadhan oo si quruxbadan loo soo agaasimay ku wareejisay  guri quruxbadan oo loo dhisay maagulka Gobalka Degmada Gabilay,munaasibaddii wareejinta dhisamahaasi oo ka dhacday isla gudaha xaruntaasi waxaa ka soo qaybgalay Madaxa hay’adda Tis Plus ee Somaliland Mr Maxamed Cabdiraiim,Badhasaabka Gebilay ee xafiisyadaasi lagu wareejinayey Mr Xamse Maxamed Cabdi,mudanayaal ka tirsan Golaha deegaanka Gebilay,Cuqaasha reer  iyo ururrada dumarka dumarka deegaankaasi iyo marti sharafkale.

Furitaankii khudbadaha xafladdaasi waxaa ka  hadlay masuuliyiin ka kala socday qaybaha aan xaggasare ku soo xusnay waxaana kamid ahaa cuqaasha Gebiley oo si weyn u soo dhaweeyey dhismaha cusub ee uu yeelanayo maamulka kaasoo ay sheegeen dhisme la’aanta maamulka Gobalku inay naxdin badan iyo warwarba ku haysay balse haddii ay maanta hay’adda TIS+ dhismaha quruxda badan u dhistay ay aad ugu faraxsan yihiin “maanta waxaanu aad ugu faraxsannahay dhismahan quruxdabadan ee ay noo dh istay hay’adda TIS+” sidaa waxaa yidhi mid ka mida oday dhaqameedkii xafladdaasi ka hadlay.

Sidookale waxaa isaguna dareenkiisa la xidhiidha dhismaha ay TIS+ u dhistay maamulka Gobalka Gebilay ku sheegay inay maanta uun maamulkii degmada Gebiley heleen gurigii ku haboonaa isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “Gudoomiye maanta uun baad hesheen gurigii idinku habnoonaa hay’adda TIS+ ee inoo dhistayna waxaan leenahay waad ku mahdasantihiin inaad gurigaa quruxdabadan noo dhisteen”

Mudanayaal ka tirsan Golaha deegaanka degmada Gebiley oo iyana halkaa ka hadlay waxay si muggleh u soo dhaweeyeen dhismahan cusub ee gobalka loo dhisay waxaanay ku tilmaaneen inuu dhismahaasi qayb wayn ka qaadanayo  horumarka iyo bilicda Gebilay “annaga oo ku hadlay afka mudanayaasha Golaha deegaanka waxaan rabaa inaan halkan uga mahad-celiyo hay’adda TIS+ ee dhismahan quruxda badan inoo dhistay” sidaa waxaa yidhi  mudane ka tirsan xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Gebilay.

Maxamed Cabdi Allamagan oo ah gudoomiyaha shirkaddii fulisay dhismahaasi oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay farxadd weyn u tahay Gobalka uu ka soo jeedo ee Gabiley inay shirkaddiisu ahayd tii dhistay gurigaasi uu yeelanayo maamulka Gobalka deegaankaasi “annaga farxad bay noo tahay inaaanu idinka maqallo gurigu wuu quruxbadan yahay” ayuu yidhi Mr Allamagan.

Madaxa xafiiska hay’adda TIS+ ee bixisay kharashaadkii faraha badnaa ee ku baxay dhismahaasi Maxamed Cabdiraxiim oo xafladdaasi ka hadlay waxa uu ka warbixiyey marxaladihii kaladuwanaaa ee uu soo maray dhismahaasi laga soo bilaabo markii la bilaabay 6 bilood ka hor ilaa maanta oo lagu wareejiyey maamulkii loogu talogalay inay bulshada ugu shaqeeyaan ee Gobalka Gebilay.

Mr Maxamed Dheere waxa uu sheegay inay sharaweyn u tahay isaga iyo hay’addiisuba inay maanta wareejinayaan dhismihii la qalabeeyey oo aanu jirin wax ka maqani isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “aniga oo ku hadlaya  magaca hay’adda TIS+ waxaa sharafweyn noo ah inaanu xafladdan quruxdabadan ku wareejino maamulka Gobalka ee Gebiley”

Mr Maxamed dheere waxa uu xusay ujeedada hay’adda TIS+ inay tahay sidii ay uga qaybqaadan lahayd horumarka arrimaha bulshada hadba meesha kaga beegan inay wax ka qabtaan sidaa darteed ay farxad u tahay TIS+ inay maanta gudatay mid kamida waajibaad-yadii ka saarraa inay bulshada u qabato.

Gabagabadii xafladdaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Gabiley Xamse Maxamed Cadi oo ah masuulka ugu sareeyey ee dhismahaasi ka soo dhexmuuqandoona inta uu xilkaasi hayo,Mr Xamse waxa uu mahad ballaadhan u celiyey hay’adda gurigaasi u dhistay ee TIS+ oo uu ku ammaanay kaalindeeda ay ka qaadatay dardargelinta iyo habsami u socodka maamulkiisa dhawaan loo soo magacaabay ee Gudoomiyenimada Gobalka Gebiley “Hayddii noo dhistay Gurigan qiimaha badan ee ka kooban 7 maqsin+hoolkii iyo hoolkii shirarka waanu u mahad celinaynaa anigoo ku hadlaya afkii Gobalka” ayuu yidhi Mr Xamse Maxamed Cabdi.

Dhanka kalana Mr Xamse waxa uu sheegay mar hadii ay TIS+ Gobalka u dhistay xaruntii ay ku shaqayn lahaayeen ka maamul ahaan in bulshada kale ee deegaankaasi looga baahan yahay inay ka qaybqaataan sidii ay uga shaqayn lahaayeen maamulkiisa sidii ku gaadhi lahaa gudashada waajibaadka loo igmaday “maanta cuqaashii Gobalka iyo Dawladdii-hoose iyo bulshadii kaleba waad wada fadhidaan xafladdan mar hadday hay’adda TIS+ iyadu inoo dhistay Gurigii uu ku shaqayn lahaa maamulka Gobalku idinkana ka Bulsho ahaan waxaanu idiinka baahanahay inaad nagala shaqaysaan oo aynu ka wada qaybqaadano sidii aynu ku dhamaystiran lahayn inta kale ee Gobalkeena ka dhiman hormarkiisa” ayuu yidhi Xamse.

Ugu dambeyntiina guud ahaan jawigii madashaasi waxa uu ku soo gagababoobay farxadd badan iyo rayn-rayn ballaadhan oo laga dareemayey wajiyada ka soo qaybgalayaashii xafladdaasi gaar ahaan Gudoomiyaha Gobalka iyo xubnaha kale ee maamulkiisa iyadaanay farxadaasi ka madhnayn cuqaasha hoostaga maamulka Gobalka “Gurigani waa halkii nalaga maamulayey waana halkii aanu lacagta ka qaadanaynay maantana waanu ku faraxsannahay inay Hay’addii noo dhistay nagu wareejiso” erayadaasi waxaa ku dhawaaqayey midkamida cuqaashii xafladdaasi ka soo qaybgalay kaasoo dareenkiisa ka hadlayey.

www.Baadiye.com

Gabiley