Published On: Sat, Jul 22nd, 2017

Hogaanka Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo si wadajira Baaq-nabadeed ugu diray beelaha ku dagalalamaya degmada Ceel-afweyn

Hargeysa (BMC)-Madaxda xisbiyada siyaasdda Somaliland oo si wadajira baaq nabadeed ugu diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degmada Ceel-afweyn ee Gobalka sanaagg.Sidaasina waxay ku sheegeen shirjaraa’id oo ay haddan uun ku qabteen Hotelka Maan-soor ee Hargeysa,Kulankaasi ay sida wadajirka ah xisbiyada siyaasaddu uga hadleen waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Musue Biixi Cabdi ahna musharraxa u tartamaya doorashada soo socota,Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ahna afhayeenka Golaha wakiillada,Cabdinaasir Yuusuf Cismaan “qodax” oo ku hadlayey afka Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo aan isagu shirkaasi joogin iyo xubno doora oo ka tirsan labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani intii ay ishayadu qabatay ee madashaasi ka soo xaadirtay.

ugu horeyn waxaa shirkaasi  jaraa’id ka hadlay Cabdinaasi Yuusuf Qodax waxaanu sheegay ka xisbi ahaan inay  beelaha deegaanada dararweyn ee degmada Ceel-afweyn ku dagaalamaya u dirayaan fariinnabadeed taasoo ay ka xisbi ahaan u arkaan inay tahay midda kaliya ee xalka lagu gaadhi karo waxaanu yidhi “markii aad shalay Abaarta u wada bakhtiyeyseen ee ay dadkii iyo duunyadiiba inka dhamaanayeen waydinkii walaalaha ahaayee meesha qudha  isugu wadayimide ma barwaaqadii iyo nimcadii ilaahay baa idiinka dartay”

Mr Qodax waxakale oo uu sheegay inay xisbiyada siyaasaddu isu adeegsadaan erayo xanafleh iyaga dhexdooda markay arrimaha siyaasadda kuraasta isku haystaan basle marka ay timaaddo danta guud ee sidan oo kale inay ka midaysan yihiin sidii ay meel kaliya uga soo wadajeedsan lahaayeen isaga oo arrimahaa ka  hadlayeyna waxa uu yidhi “Xisbiyadu mararka ay siyaasadda isku haystaan waa laga yaabaa  inay erayo kulkulul isu adeegsadaan laakiin markay arrimahan oo kale yimaadaan waanu ka midaysan nahay inaanay meel-kaliya uga soo wadajeedsano sidaanu  uga qayb qaadan lahayn danaha umadda”

Gudoomiyaha Xisibiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo isaguna sgirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu sheegay inay beelaha is dilayaa dagaalka iyo colaadaha dhexdooda ah ba joojiyaan oo ay aq balaan ergooyinka nadda ee ay qaarkood halkaa marhoraba gaadheen qaarkana hadda ku sii jeedaan si ay u culaysiyaan beelaha xabadda isu haysta inay nabadda qaataan mar uu arrintaa ka  hadlayeyna waxa uu yidhi “waxaan idiin soo jeedinayaa inaad xabadda joojisaan oo aad nabadda qaadataan oo aad aqbashaan ergooyinka nabadda ee ay qaarkoodna marhoraba idiin yimideen qaarkood-na hadda laga yaabo inay idinku soo socdaan”

Mr Cirro waxa uu beelaha Ceel-afweyn ku dagaallamaya xasuusiyey inay yihiin dad ehel iyo walaalo ah oo is wadadhalay oo wiill iyo abdigii ah sidaa darteed-na sababta ay isku dilayaani ay tahay mid aan meesha qabankarin “dadkaasi dilayaa waa dad is wada dhalay oo isu wada abti iyo seedi ah sabab ay isku dilaanina meesha maba taallo  mar hadday yihiin ehelkaa walaalaha ah ee isku milan”

ugu dambeyntiina waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu sida xisbiyada ka horeeyey ku baaqay inabadd iyo wada noolaansho in lagu soo dabaalo deegaankaasi xabaddku ka dhacayso “maanta shirkayagani jaraa’id waxa uu ku saabsanaa sida ay odayaashii iga horeeyeyba sheegeen inaanu beelahaa dagaallamaya u dirro baaqnabadeed”

ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,dhanka kalana waxa uu waxaanu sheegay inay tahay wax lays-waydiiyo sabadka keenaysay inay dagaallamaan dadkaasi walaalaha ahi markooda horaba “sida uu Sheegay Cirro beelaha dagaallamayaa waa dad walaalo ah oo is dhalay markaa waxaa ilaa hadda la garan la’yahay sababta markahoraba keentay inay dagaallamaan iyagoo walaalo ah” ayuu yidhi Mr Biixi.

dhanka kalana waxa uu xasuusiyey beelaha is dilaya inay ku filantahay sandkii iyo badhkii la soo dhaafay intii kaga dhimatay colaadaasi aan wajiga lahayn beelahaasi waxaana hadalladiisii kamid ah “Gaaladu waxay yidhaadaan Enough is enough” oo macnaheedu yahay intaasaa ku filan inay ku cibro qaataan dadkgii ay kuwaayeen beelahaasi sanadihii la soo dhaafay ee ay is dilayeen “waxaa dhacay khasaare wayn wayn oo dhimasho,dhaawac iyo barokacba leh oo ay naan u baahnayn” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay 3 qolo inay lafdhabar uyihiin xasilinta deegaanka iyo nabadda soo celinteeda waxaana ugu horeeya sida uu sheegay bahda warbaahinta oo markiiba wararka si dhibyar ku gaadhsiinaya meesha uu ku qotomo warkaasi,Xukuumadda oo iyana awooddeedii leh oo kala dhexgali karta si qasab ahna ku joojinkarta haddii ay is ticmaasho kaalinteeda iyo oday dhaqameedka oo iyaguna kaalin muggleh ka ciyaari kara daminta colaaddaasi iyagoo kaashana odayaasha Golaha Guuritda isagoo arirmahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “colaaddaa daminteeda waxaa 1- ka ah bahda Saxaafadda oo iyagu warkeenan aan hadda sheegayno isla haddda gaadhsiinkara beelihii is dilayey”

isaguu hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “qolada kalana waa Xukuumaddu way dadaashay waanan ku sii boorrinaynaa inay ka hawlgasho joojinta colaadaha nabadaynta” ayuu yidhi.Gudoomiye Biixi waxa uu iftiimiyey inay Xisbiyadu isu yimaadaan oo ay wadajir uga hadlaan arrinta colaaddaasi waxaanu sheegay shalay Jimcihii isaga iyo Cirro isu yimideen kana wada hadleen sidii ay u ballaadhin lahaayeen baaqa nadaynta ee xisbiyada siyaasadda sidaa darteed ay isla xalayba arrintaa kala kalumeen Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan islamarkaana ay isla qaateen inay kaalintooda ka qaataan Golaha Guurtidu sidii lagu joojin lahaa xabaddaasi “waxaan rabaa inaan idiin shego sidii ay ku timid inaanu maanta shirkayagan jaraa’id wadajir u qabanno waxaanay ahayd kulan aanu shalay wada yeellanay aniga iyo Cabdiraxmaan Cirro oo aanu kaga wada hadallay sidii colaadaasi loo joojin lahaa” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Deegaanka lagu dagaalamayo ayaan ahayn mid khayraad leh oo la odhan karo kaasaa lahysku haystaa waana dhul saxare oo aan baad iyo biyo toona lahayn balse waxaan cidna ka qarsonayn inuu dagaalkaasi yahay uun aafo umaddan ku dhacday iyo inuu qayb ka yahay calaamadihii aakhiru sabaanka lagu sheegay ee bilaa ujeeda ku dhici jiray kaliya,dagaalladii hadda ugu dambeeyey oo dharaaro uun ka hor ka dhacay deegaanka dararweyne oo hoosyimaadda degmada Ceeel-afweyn waxaa ku dhintay dad tiradooda lagu sheegayo 9 qof oo ka soo kala jeeda labada beelood ee halkaa isku haysta iyadoo ay jirdhaan dhaaca tiro kale iyo barakac intuba iyadoo ay dadku wali ku jiraan abaarihii dheeraa ee la soo maray.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa