Published On: Sat, Jul 22nd, 2017

Nin dhalinyaro reer Falastiin ah oo maanta birta ka aslay 3 Askari oo Yahuudda Isael ah

Jerusalam (BMC)-Nin u dhashay dalka Falastiin oo dhalinyaro ah ayaa Toorrey kala daalay “ku laayey” 3 askari oo ka tirsan ciidamada Yuhuudda Israel ¬†ee xoogga ku haysta dalkii ay lahayd Falastiin wixii ka horeeyey sanadkii 1967 xiligaasoo ay Yahuuddu xoog ku soo dageen dhulka hadda laysku haysto ee reer Falastiin lahaan jireen.

ninkaasi dhalinyarada ahaa ee laayay Askarta Yahuudda ayaa la sheegay inuu baraha bulshada ku baahiyey sida uu uga cadhooday ficillada cadawtinimada leh ee ay Isarael ku hayso shacabka reer Falastiin taasina ay ku dhalisay inuu ku dhaqaaqo falkaasi Geesinimada ahaa ee uu isagoo Toorrey sita ku weeraray 3 Askari oo gabobaran.

dadka reer Falastiin ayey sanadihii la soo dhaafay caado u noqotay inay Midiyo iyo Toorreyba ku weeraraan Yuhuudda Israel maadaama ay dadka reer Falastiin ka quusteen macaankii nolosha dhibka ay Yahuuddu ku hayaan darteed waxaana soo baxay dhalinyaro yaryar oo intay mindiyaha hoosta ku soo qarsadaan goobaha Basaska laga raaco iyo meelo kaleba ku weeraraya halka ay haad kaga helaan Yahuudda Israel.

Ninkaasi dhalinyarada ahi waxa uu bartiisa Internetka ku faafiyo inuu nimankaa Yahuudda ah birta ka asli doono isaguna uu geerida diyaar u yahay taasoo aanu qarsan inuu layndoono Yahuudda isaguna diyaar u yahay inuu dhinto sidii baanay maanta u dhacay oo kadib markii uu nimankaa laayey isagiina waxaa dilay Yahuuddii Israel.

www.Baadiye.com