Published On: Sun, Jul 23rd, 2017

23 Arday oo ka qalinjabiyey College-ka European Hospitality oo lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Xaflad ballaadhan oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey 23 Arday oo ka qalinjabiyey College-ka Erupean Hospitality ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa,munaasibaddii xafladdaasi oo si quruxbadan looga soo shaqeeyey waxaa ka soo qaybgalay maamulaha College-kaasi Cumar Muuse Kaahin,maamul-hoosaadka kale iyo shaqaalaha College-ka,ardayda qalinjabisay,waaldiinta iyo martisharafkale.

23 kaasi adray waxay barteen xirfadaha dalka sida weyn loogaga baahan yahay hormarintooda sida cunto karinta,maarmanta iyo maamulka Hotellada,nadaafadda,sida guryaha looga shaqeeyo ama caruuraha iyo masuuliyaddooda loo ilaaliyo,farsamada laydhka iyo sida guryaha dabka korontada loo galiyo iyo qaarkale oo muhiim ah,dhanka kalana munaasibaddaasi waxaa ka soo xaadiray wasiirka waxbarashada Cabdillaahi Aadan Habane,wasiirka cadaaladda Axmed Faarax Cadarre,odayaalhore oo soo shaqeeyey horeyna wasiirro uga soo noqday xumuumadihiihore,furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha College-kaasi Mr Cumar Muuse Kaahin waxaanu ka warbixiyey marxaladihii kaladuwanaa ee uu College-kaasi soo maray iyo guulaha uu ilaa hada ka gaadhay hadafkiisii dhanka waxbarashada xirfadaha kaladuwan ee ay bixiyaan.

Mr Kaahin waxa uu sheegay in la bilaabay College-kaasi sanadkii 2015 ilaa haddana ay gaadheen guulo wax ku ool ah oo la taaban karo waxaana mid ahaa Guulahaasi inay horey waxbarashada kaladuwan ee College kaasi bixiyo ka aflaxeen dad gaadhaya boll qof iyo ka badan kuwaasoo bartay xirfadahan aan xagga sare ku soo sheegnay oo kale inay dhalinyaradani yihiin kuwo shaqadooda isla markaana ay ka maamul ahaan ku kasloonyihiin inay shaqadooda u gudanayaan sidii loo baray  isaga oo arrimahaa ka hadlayey Mr Kaahin waxa uu yidhi “23 –kaa arday ee aanu maanta shahaadooyinka siinayno waa kuwo aannu kalasoonahay inay shaqadooda u gudan doonaan sidii loogu tabobaray”

Maamulaha guud ee College-ka European Hospitality Cumar Muuse Kaahin waxa uu ardayda shahaadooyinka ka qaatay College-kaasi ku dhiirri geliyey inay ilaaliyaan shararafta,magaca iyo karaamada College-kiisa isla markaana aysan dadka ay u shaqayndoonaan ku ceeboobin magaca College-ka aysan xumayn “waxaan idin farayaa inaydaan sumcaddayadana dilin tiinana bi-in oo aydaan nagu ceebayn bulshada aad berrito ka maalin u shaqo tagaysaan” ayuu yidhi Mr Kaahin.

Marwo Fatxiya oo ah Xaaska maamulaha College-kaasi isla markaana ah Gabadh aqoonyahandda ah oo haysata shahaadada 3-aad ee PHD kana mida maamulka College-kaasi oo iyana halkaa ka hadashay ayaa halkaa ka soo jeedisay erayo ay dadkii madashaasi fadhiyey intoodii wax garanayey la ilmayn gaadheen macanaha ay erayadaasi xambaarsanaayeen oo cajiib ahaa darteed.

Ms Professor-Fatxiya oo ku khudbadaysay luuqadda afka Carabiga taasoo si weyn u soo jiidatay maaanka iyo maskaxda dadkii xafladdaasi ka soo qaybgalay waxaanay Professor-raddu aad ugu dheeraaray karaamada iyo sharafta ay leeyihiin dadka aqoonta lihi  waxaanay soo daliishatay qaarkamida Axaadiista NCSWS kuwaasoo tilmaamayey mazilada uu macalinku mudan yahay in lagu maamuuso “macalinku waxa uu – dhawaaday inuu Rasuull noqdo” iyo qaarkale ayaa kamid ahaa erayadii Khudbadda Professor Fatxiya ka jeedisay madashaasi.

Riwaayad kooban oo ka tarjumaysay dhaliilaha iyo dal-daloollada hab dhaqanka Hudheellada Somaliland iyo qallafsanaanta shaqaalaha u shaqeeyay ayey koox kamida ardaydaasi qalinka jabisay ku soo bandhigeen halkaasi waxaana la arkayey dadweynihii kaladuwanaa ee daawanayey oo aad ugu dhoollo cdaynaya daawashada Riwaayaddaasi.

Mudana ka tirsan Baarlamaanka dalka Sweden oo Hargeysa booqasho ku jooga oo isaguna madashaas  lagu soo casuumay waxa uu sheegay sida ay masuuliyiinta xukuumadda ka tirsani tixgelinta u siiyaan ka soo qaybgalka xafladaha wax barashada inaanay kuwa dalka Sweden u siinin isla mar ahaantaana aysanQaddarin wayn siin sida Somaliland oo kale “aniga dalka aan ka imi ee Sweden wasiirradayadu sida kuwan Somaliland oo kale uma tixgeliyaan ugamana soo qaybgalaan xafladaha qalinjabinta ardayda ka qalinjabiya Jaamacadaha” ayuu yidhi mudanahaasi reer Sweden.

Sheekh Ismaaciil oo ku hadlayey afka waalidiintii lagu casuumay xafladdaasi waxa uu aad u ammaanay College-kaasi European Hospitality inuu ka faa’iido dhawyahay Jaamacadihii waxaanu ku sababeeyey ardaygii 3-4 tasano iyo ka badan Jaamacadda dhiganayey oo aan wali cilmigiisii uu intaasoo sano soo baranayey ku shaqotagin inay kuwii College-kaasi ka baxay iyagii oo aan wali shahaadooyinkii qaadanin ay shaqo ku heleen xirfadihii Gacanta ee ay baranayeen muddadii sanadka ahayd oo kaliya “adeer anigu waxaaban leeyahay College-kani wuuba ka faa’iido dhawyahay Jaamacadihii waayo ardaydii Jaamacadaha intaasoo sano soo dhiganayey wali iyagii oo camall-la aan ah ayey guryaha joogaan kuwii College-kan dhiganayeyna sanad kaliya iyagii oo aan wali shahaadooyinkii qaadanin ayey durba shaqeeyaan oo ay camall-heleen” ayuu yidhi Sh Ismaaciil oo ku hadlayey afka waalidiinta.

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabouti Cabdifataax Siciid Axmed oo madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu ka safiir ahaan diyaar u yahay inuu College-kaasi kala shaqeeyo inay dalka Jabouti tababarro dheeraad ah ku soo qaaataan ardayda ka qalinjabisay maanta European Hospiality College “anigu ka safiir ahaan diyaar baan u ahay inaan College-ka kala shaqeeyo inay ardaydoodu ku soo qaadan kataan dalka Jabouti tabobarro dheeraad ah” ayuu yidhi Am Cabdifataax Siciid.

Mr Jumcaale Yuusuf oo ka tirsan Hay’adda Save the Children oo madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inay hay’adda uu ka shaqeeyo ee Save the children ka caawisay College-kaasi kharashaadka ku baxay barnaamijkan qalinjabinta ardaydaasi waxaanu tilmaamay inay caawimaaddani qayb ka tahay m ashruuca ay wadaan Hay’ado ah SFC ka mitahay oo la yidhaado hormarinta cilmiga iyo waxbarashada “barnaamijkani waxa uu qayb ka yahay mashruuca weyn ee hormarinta cilmiga iyo waxbarashada oo ay SCF kamitahay hay’adaha ka shaqeeya” ayuu yidhi Mr Jimcaale Yuusuf.

Maaamulaha Hotleka THE SAN oo isaguna kamid ahaa Ganacsatadii xafladdaasi lagu soo casuumay waxa uu sheegay  inay ka Hotel ahaan ka faa’iidaysan doonaan aqoonta iyo xirfadaha csriga ah ay dhalinyaradaasi soo barteen inay aqoontooda ugu biiriyaan raali gelinta macaamiishooda ay lacagaha ka helaan “anagu ka Hotel ahaan diyaar baanu u nahay inaanu ka faa’iidaysano aqoontan casriga ah ee ay soo barteen dhalinyaradan ka soo baxay European Colleg Hopitlaity ” ayuu yidhi maamulaha THE SAN Hotel.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Axmed Faarax Cadarre oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu aad ula dhacay xirafadan la baray ardaydan ka qalinjabisay College kaasi   inay yihiin kuwii loo baahnaa oo waxaanu ardaydii shahaadooyinka qaatay ugu qalbi qaboojiyey inay durba shaqo helayaan xirfadahan ay soo barteen oo ah kuwii dalka looga baahnaa darteed “ardaydiinaa 23-ka ah ee maanta qalinjabinaya waxaan idiin sheegayaa inaydaan shaqo waayeyn oo aad horey shaqo ka helaysaan waayo aqoontan aad soo barateen ayaa ah tii dalka looga baahnaa”

Cabdillaahi Ibraahin Habane wasiirka waxbarashada oo isaguna soo gaba gabagabeeyey khudbadihii xafladdaasi waxa uu ka warbixiyey ka wasaarad ahaan sida ay ula dhacsan yihiin habka waxbarista ee College-kaasi waxaakale oo uu ku noox-nuuxsaday ka wasaarad ahaan dagaal adagg kula jiraan goobaha waxbarashada ee aan tayada lahayn kuwaasoo lugooyo badan ku bulshada ku haya gaar ahaan dhalinyarada ay lacagaha faraha jeebadahooda ku baadhaan “waalidiinta waxaan ka codanayaa inay dhawaaqayaga dhagaha u furaan oo ay naga dhageystaan oo ay nagala qayb qaataan sidii aanu uga guuleysan lahayn kuwa aanu dagaalka adagg kula jirro ee meelahaa ka furtay Jaamacadaha aan tayada lahayn” ayuu yidhi Mr Habane.

Gabagabadiina waxay wasiirrada iyo maamulaha College-kaasi si wadajira shahaadooyinkii ay mutaysteen ugu gudoonsiiyeen 23 kaasi arday oo ay 6 uuni wiilal ka ahaayeen halka ay intooda kale oo dhamina Gabdho ahaayeen waxaana la arkayey waalidiinta iyo ardaydoodii ay ku soo tacbeen oo isla dhoollo cadaynaya sawirro qur-quruxbadanna isu dhigaya Isha kaamiradaha casriga ah.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa