Published On: Sat, Jul 29th, 2017

Kooxo hubaysan oo weerar ku qaaday gurigii Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Mr William Ruto iyo khasaaraha ka dhashay oo dhimasho iyo dhaawacba leh

Nairobi (BMC)-Kooxo ku hubaysan qoryaha darann doorriga u dhacay ayaa saakadiihore weerar culus ku qaaday Gurigii uu magaalada Nairobi ka daganaa Madaxaweyne  ku xigeenkii xalkaasi Mr William Ruto waxaanay kooxdaasi weerarkaa ku dileen sarkaalsare oo kamid ahaa ilaalada Madaxweyne ku xigeenkaasi waxaana jira dhaawacyo kale sida ay baahisay shabakadda Daily Nation ee dalkaasi ka soo baxda.

wararku waxay tibaaxayaan inuu Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Mr Ruto xiliga uu weerarkaasi ka dhacayey gudaha gurigiisa uu ka manqaa isaga iyo xaaskiisuan waxaanay wararku tilmaamayaan inay Mr Ruto iyo xaaskiisuba magaalada uga bexeen dhanka deegaanka ay taageerayaashiisu ku badan yihiin si uu codad dheeraad ah uga soo tabcado isla markaana uga dhaadhiciyo bulshada deegaankaa ku dhaqan inay taageeraan Xisbiga talada dalkaasi haya iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay.

ciidamada sida gaarka ah u carbisan ee dalkaasi ayaa markiiba waxyar ka dib soo gaadhay goobta weerarkaasi ka dhacay waxaanay suxufiyiinta Nation ee goobtaa tagay farta ku fiiqayaan inay madashu ahayd goob argagaxleh maadaama ay rasaastu is qabsatay gudahahore ee gurigaasi,dhanka kalana wararku waxay intaa ku darayaan inaan ilaaa hadda la aqoonsan halka ay ka tirsan yihiin kooxda weerarkaasi ku qaadday Guriga Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Kenya Mr William Ruto hasa yeeshee waxaa wali socota dadaalka ay ciidamada amaanku ugu jiraan inay la wareegaan gacan ku hayta gurigaasi.

kooxaha weerarkan ku soo qaaday Guriga Madaxweyne ku xigeenka ayaan ilaa iyo hadda la aqoonsan inta ay tiradoodu ahaayeen iyo halka ay ka soo jeedaan tooma.

xiligan uu weearkaasi ka dhacayo Guriga Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay doorashada dalkaasi lagu wado inay dhacdo 8 bishan soo socota oo ay maalmoyar uuni inaga xigaan.ololaha doorashooyinka dalkaasi Kenya ka dhaca ayaa tiraba dhawrjeer abuuray rabshado iyo dagaallo ay dad badani ku dhinteen kuwo kalana ku baro-keceen haatanna lama garanayo sida ay doorashada dalkaasi si nabad ah ugu qaboomidoonto.

 

www.Baadiye.com