Published On: Mon, Jul 31st, 2017

Munaasibad lagu daah-furayey urur cusub oo la baxay ururka waddaniyadda iyo adkaynta qaranimada Somaliland oo lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Xaflad ballaadhan oo lagu daah-furayey ururka adkaynta qaranimada Somaliland ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Green Plaza ee magaalada Hargeysa,munaasibaddii xafladdaasi daah-furka waxaankii xafladdaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururkaasi cusub Mr Khadar  Maxamed Dheere waxaanu ka warramay ujeedada ururkan loo aas-aasay iyo wax yaabaha uu qabandoono mustaqbalka dhaw ururkaasi.

“Ururkan ujeedadii loo aas aasay waxay ahayd  inay dhalinyarada reer Somaliland Saylac ilaa iyo Laas-qoray inay gaadhsiiyaan munaadinnimada”ayuu yidhi Mr Khadar waxaanu sheegay inay xukuumadda Muqdisho soo faragalisay hawlihii maxdax banaanida dhalinyarada reer Somaliland “waxaa jira dhaq-dhaqaaqyo  farabadan oo ka jira dalkan aynu jaarka nahay ee Somaliya kuwaasoo  abbaaray dhalinyaradeennii sidii ay Muqdisho u tagi lahaayeen balse waxaanu ku xoogga saaridoonaa inaanu dhalinyarada Somaliland ku dhiirrigelino wadddaniyaddu waxay tahay” ayuu yidhi Gudoomiyaha ururkaasi Mr Khadar

Marwo Fawsiya Maxamed Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha ururka kalkaaliya-yaasha caafimaadka iyo Umulisooyinka “Somaliland Nurse and midwifery” oo iyana halkaa ka hadashay sababta keentay inuu maanta ururkani soo kaco iyo dareenka ka dambeeya iyadoo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “anigu waxaan doonayaa uun inaan inyar idiin sharraxo warbiixntaa ay inamadu innaga siiyeen arrimaha ururka waxaana kallifay inuu ururkani samaysmo waxaajira barnaamijyo badan oo innagu socda” ayey tidhi.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay intaa sii raacisay “ waxaajira mashaariic Xama laga soo qaatay Dawlado la khaldayna ay ku taageerayaan oo dhalinyaradeenii iyo Abwaaniinteenii lagu kaxaysanayo”

Marwo Fawsiya waxay xustay inay jiraan arrimo si hoos hoos ah laysugu dhexgalinayo shacabka Muqdisho iyo Hargeysa waxaanay tusaale u soo qaadatay inay socdaan qorshe Hablihii Fannaaniinta ahaa ee Hargeysa loogu guurinayo Fanaaniinta Muqdisho ee wiilasha ah Hablihii Fanaaniinta ama Abwaannada ahaa ee Muqdisho-na loogu guurinayo willasha Fannaaniinta ah ee Hargeysa iyada oo arrimahaa ka shadlaysayna waxya tidhi “waxaajira qorshe fannaaniinteenii iyo Abawaaniinteenii lagu kaxaysanayo oo aad mooddo in Somaliweyntii dhinackale looga soo wareegay”

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Caliwaraabe oo xafladdaasi lagu daah-furayey ururkaasi ka hadlay waxa uu sheegay marka hore  inay ku haboonayd dhalinyarada ururkani samaysay inay bulshada reer Hargeysa qo-qobka ka dhexqaadaan oo ay labada daamood ee Hargeysa isu tallaabaan isna dhexgalaan “horta intii aan fadhiyey waan qoslayey ee ma ogtihiin waxaanan ku qoslayey  hawshan aad ka hadlaysan iyo baaxaddeeda waayo maaha hawl uu urur daboolikaro waayo qaranimada hogaamin baa dhista “leadership”

Dhanka kalana Faysal waxa uu tilmaamay inaanu qofku waddani ama hogaamiye iska noqon Karin haddii aanu bulshada ku soo kordhinayn aqoon iyo tacliin,inuu u sameeyo Baasaaoor Idaacadeena iyo TV geenu kama sheegeeyaan taariikhdeeniihore,tii dhexe ee innagu kaliftay inaynu Somaliland la soo noqono mustaqbalna kama sheekeeyaan basle waxay ka sheekeeyaan kolba xisbiga Jooga “talada dalka xukuma” Borbaganda-diiay ka sheekeeyaan” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal waxa uu sheegay dadka reer Somaliland qabyaaladdu inay kaga wayntahay waddaniyadda taasina ay kaliftay inay xaafadaha Hargeysa kala xidhan yihiin oo aanay qabyaaladd darteed isugu gudbin “dadkeena  reer Somaliland arrimahan waddaniyadda “Patariots” ka ee aad ka sheekaynaysaan waxaa kala wayn qabyaalladda waayo idinkii baa kala xidhan oo waxaajira qaar idinka mid ah oo aan waligood dhinacaa u tallaabin Biriijka iyo qaar aan waligood xaggan u soo tallaabin markaa idinku marka hore intaydaan Patariostism ka hadlin qabyaaladda iska qaaday” ayuu yidhi Mr Waraabe.

Gudoomiyaha ururka culimada Diinta Sheekh Cabdullaahi Sh Cali Jawhar oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu ka sheekeeyey kaalintii ay bulshada reer Boorama ku lahaayeen nabadayntii beelihii Somaliland ku heshiiyey shirarkii Burco,Sheekh iyo kii Boorama “waad ogtihiin Gobalkaa aad iigu magac-dhawdeen ee Awdal kaalintii uu ku lahaa nabadayntii beelihii reer Somaliland shirarkii kala duwanaa ee Burco,Berbebra,Sheekh iyo kii Boorama” ayuu yidhi Sh Cali Jawhar.

Waxaa iyana halkaa ka hadlay xubno kaladuwan oo ay kamid ahaayeen Sh Aadan Siiro,Maxamed Xaashi Cilmi,Barkhad Batuun,Jaamac Muuse Jaamac,Abaan+xildhibaan  DheeggCabdullaahi Geeljire iyo qaarkale waxaanay siyaabo kaladuwan uga hadleen qadiyaddan daah-furka ururka adkaynta qaranimada Somaliland.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hareysa