Published On: Sun, Aug 6th, 2017

Baashe Maxamed Faarax oo dirqi iyo 1 cod oo kaliya kaga guuleystay Cabraxmaan Maxamed Talyanle oo Gudoomiye-nimada Golaha wakiilada

Hargeysa (BMC)-Baashe Maxamed Faarax ayaa si yar oo dirqi ah ku helay kursiga Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland kadib tartan ciddiyo ku dagaalan ahaa oo dhexmaray isaga iyo Cabdidaxmaan Maxamed Talyanle waxaanu Mr Baashe Mr Talyanle kaga adkaaday hal-cod oo kaliya.

fadhigii saaka ee golahaasi oo ay ka soo xaadireen 77 mudane waxaa ka hor khudbadeeyey labada musharrax ee u tartamayey jagada Hogaamiyaha golahaasi waxaanu midwaliba soo bandhigay siyaasaddii uu doonayo inuu ku hagidoono Golaha wakiillada oo aad loo dhaliilsanaa sanado badan oo ay kuraasta  ku nasanayeen wax qabad la’aan iyo  kharashaad farabadan oo ay jeebadaha ku ridanayeen mooyee wax la taaban karo oo laga dhaxlayna aanu jirin.

soo jeedinta hadallaasi labada nin jeediyeen kadib waxay mudanayaashu codka kala reebka oo gacan-taagga ahaa ku taageereen Baashe Maxaxamed Faarax inuu badalo Gudoomiyihiihore ee is casilay Cabdiraxnaan Cirro isla markaana ku fadhiisto booskiisii laga maamulayey Golahaasi 39 mudane halka ay ninkii la tartamayey ee Talyanlana 38 mudane gacanta u taageen inuu noqdo Gudoomiyaha Golahaasi.

Baashe Maxamed Faarax ayaa sidaa ku noqday Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland tan iyo doorashooyinka soo socda wixii ka horeeya hadaanay imanin maamuus ka xayuubin kaga timaadda isla golaha wakiilada maanta codka siiyey,Cabraxmaan Talyanle oo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu sanad ka hor ku biiray ayaa si weyn u cabsi galiyey Gudoomiyaha cusub ee Wakiilada Mr Baashe Maxamed Faarax waxaanu kaga dheereeyey kaliya sida aan xaggasare ku soo tilmaanay hal-cod oo kaliya waxaanay taasi muujinaysaa tartankii xukuumadda iyo mucaaradku inuusan waxbadan kala dheerayn.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa