Published On: Mon, Aug 7th, 2017

Darawaliinta kexeeya gaadiidka yaryar ee Bajaajta loo yaqaano oo Banaanbax ka dhigay caasimadda Muqdisho dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rabshadahaasi

Muqdisho (BMC)-Banaanbax rashado wata oo ka dhacay caasimadda Somaliya ee Muqdisho ayaa sababay dhimashadda 2 qof oo rayid ahaa iyo dhaawaca tiro kale,saaka waaberigiihore ayey dadku ku soo tooseen boqolaal dhalinyaro ah oo kamida kuwa kexeeya gaadiidka  yaryar ee Bajaajta loo yaqaano oo sanadihii la soo dhaafay ku soo biiray suuqyada gaadiidka ku waasoo xidhay dariiqyadii caasimadda meelo kamida.

Banaan-baxayaashaasi waxay ka cabanayeen jidadka qaarkood oo loo diiday inay maraan sida gaadiidka kale ee isaga kala goosha xaafadaha Muqdisho kuwaasoo loogu diiday inay  maraan ilaalinta xagga arrimo la xidhiidha arrimaha nabadgaliyada awgeed.

Banaan-baxayaasha ayaa isugu soo baxay waddooyinka gaadiidku maraan iyo dadweynuhuba waxaanay gaadiidka ku qabseen inay xidhiin gaadiidkii waxaanay arrintaasi keentay rabshado kaladuwani inay ka dhacaan halkaasi waxaanay Banaan-baxayaashu dhakada sare ka fuuleen qaarkamida gaadiidka ciidamada Amisom ay ku wataan Muqdisho waxaanay ku qasbeen Banaan-baxayaashu ciidamadii Amisom inay ka dagaan gaadhi kamida kuwii ay wateen markii ay xaaladdu ku xumaatay.

ilaa  hadda waxaa la garan la’yahay sababta ciidamadii hubka sitay inay gaadiidkii ay saaraayeen uga dagaan inamo yaryar oo aan hubaysnayn kuwaasoo aan wax huba wadan waxaana ilaa hadda lays waydiinayaa ciyaalka yaryar ee Bajaajta watay waxay tuseen ciidamadii hubaysnaa ee Africa.

si kastaba ha ahaatee xaaladdu waxay gaadhay markii ay dariiqyadii Muqdishu wada xidhmeen rabshadahaasi darteed rabshadahaasi markii dambe waxay keeneen inay xabado dhacaan kuwaasoo haleelay laba qof oo kamid ahaa dadkii dariiqyada cararayay oo shacab ahaa waxaanay rasaastaasi sidookale haleeshay dad shicib ahaa oo dariiqa cararayey.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Cabdi Taabit ayaa soo faragaliyey Rabshad abuurayaasha waxaanay isaga qudhiisa ku qasbeen inuu ka dago gaadhigiisii isla markaana lugtiisa maalo si kastaba ha ahaatee Mr Taabit waxa uu ku qanciyey Rabshad abuurayaasha inay xukuumaddu furitoodto waddooyinka laga xidhay waxaanu u sheegay inay wixii cabashooyin ah ee ay tabanayaan ku soo gubiyaan  si nabadgaliyo ah oo aan dalka iyo dadka toona rabsho galinayn.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir waxa uu Banaan-baxayaasha u sheegay inay iska soo xulaan 5 xubnood oo ay arrimaha ay ka cabanayaan kala xaajoodaan labada Gudoomiye ee Degmada Hodan iyo Waaberi kuwaasoo iyana marka dambe cabashada Rabshada abuurayaasha u soo gudbindoona Gudoomiya Gobalka Banaadir si loo farsameeyo wixii xal ah ee lagu damin karo rabshadahaasi inaanay soo noqon markale.

www.Baadiye.com