Published On: Tue, Aug 8th, 2017

Ciidamada Booliska oo jeelka u taxaabay Xidhibaan Saleebaan Cali Koore iyo ninkii ilaaladiisii ahaa ee Xabadda ku riday Gudoomiyaha jagadiisa laysku haysto

Hargeysa (BMC)-Ciidamada nabadgaliyada ayaa saaka barqadii jeelka u dhaadhiciyey xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo mid kamida dadkii ku xeerraa gaar ahaan ninkii Xabdda ku riday Gudoomiyaha kursiga lagu  haysto ee Golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Mudane koore iyo ilaaladiisa ayaa la xidhay kadib markii ay ku lugyeesheen qalalaasihii ka dhacay xarunta Baarlamaanka iyo rasaastii ka dambeysay oo ninka Md Koore ilaalada u ahaa uu ku riday Mr Baashe,ciidamada nabadgaliyada ayaa sidhakhso ah u soo gaadhay xarunta wakiillada kadib rabshadahaasi waxaanay markii dambe ka dareeeriyeen dhamaan munadayaashii labada Gole ee halkaa ku sugnaa ilaa amar dambana sidaasay ku xidhantahay xaruntii Golaha wakiilladu.

tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii lagu kala calafka qaaday ee Baashe Faarax ku helay halka cod ee kaliya waxaa soo baxayey sheegashada ninkii kursigaasi kula tartamayey Baashe ee Cabdiraxmaan Talyanle ee ah inuu isagu helay natiijadii doorashadaasi oo ahayd 39 kii cod ee Baashe loogu codeeyey inuu isagu ka Talyanle ahaan lahaa balse laga musuq maasuqay.

sheegashadaasi Md Talyanle ee doorashadaasi waxay Somaliland ka abuurtay jawi xiisadeed oo aan quruxbadnayn maadaama lagu jiro xiligii dhar-dhaarrada la saarayey dheriga lagu karinayo doorashada xamaasadda kulul ee loo qoondeeyey qabsoomideeda 13 bisha November ee soo socota,ilaa hadda lama garanayo sida  lagu dhamaynayo qalalaashan ka aloosantahay doorashadii Gudoomiyaha wakiillada ee hore booskii uu baneeyey.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa