Published On: Wed, Aug 9th, 2017

Hogaamiyaha Kuuriyaa waqooyi oo ku hanjabay inuu ka fiirsanayo madaafiicda riddada dheer inuu ku garaaco fadhisimaa ciidamada Maraykanku leeyihiin

Pyonyang (BMC)-Hogaamiyaha dalkaasi waqooyiga Kuuriya Mr Jim Ung ayaa ku hanjabay xalay inay xukuumadiisu ka fiirsanayso suurta-galnimada ah inay ku garaacaan madaafiicda riddada dheer ee qaaraha isaga talaaba fadhiisimada ciidamada Maraykanku leeyihiin.

Mr Ung waxa uu arrintaa ku hanjabay kadib hadal ka soo jeedhay dhigiisa dalka Maraykanka Donal Trump oo ahaa hadday Pyonyong ku soo adkaysato tijaabinta madaadiicda xabaara hubka halista ah ee Nuclear-ka wax baabi,iya inay Washington Pyonyong ku fasixi doonto hubkeeda khatarta ah.

hanjabaaddan ay is dhaafsadeen labada hogaamiye oo ah ragg lagu yaqaanno xayraanimo iyo qar iska- tuurnimo ayaan la garanayn waxay ku dambeyndooto maadaama ay hanjabaadahooda noocan ahi ahaayeen kuwo isa soo tarayey tan iyo sanadkan bilawgiisii markii xilka madaxtinimada dalkaasi Maraykanka loo dhaariyey Mr Donal Trump Pyonyang -na ay sii laba jibaartay dardar gelinta hubkeeda khatarta ah kaasoo naxdin gelinyey Maraykanka bilihii la soo dhaafay.

www.Baadiye.com