Published On: Tue, Feb 14th, 2017

Muxuu Goolhayaha Bayern Munich Ee Manuel Neuer Uu Ka Yidhi Wararka La Xidhiidhinayay Kooxda Pep Guardiola Ee Man City?

Waxaa jiray warar xanta suuqa kala iibsiga ah oo muujinayay in tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola uu dhibaatada goolhayaha kooxdiisa ka haysta uu ku xalin doono Manuel Neuer oo ay ku soo wada shaqeeyeen kooxdiisii Bayern Munich.

Goolhaye  Manuel Neuer oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ay si wada jir ah u qabteen Mats Hummels ee ka hor kuanka Arsenal ayaa wax laga waydiiyay suurtogalnimada uu Manchester City ugula midoobi karo Pep Guardiola. Claudio Bravo oo ay Manchester City xagaagii kala soo wareegtay Barcelona ayaa haddaba kaydka ku jira  kadib markii uu sabab u noqday in Sky Blues ay la kulantay guuldarooyin badan.

Manuel Neuer oo lagu tilmaamo goolhayaha aduunka ugu fiican isla markaana ay inta badan goolhayayaasha aduunku ku daydaan ayaa meesha ka saaray in Guardiola ay xidhiidh sameeyeen wuxuuna muujiyay in uu ku faraxsan yahay kooxdiisa Bayern Munich.

Manuel Neuer oo si kooban uga jawaabaya warka Man City la xidhiidhinaya ayaa yidhi: “Wax xidhiidh ahi ma jiro. Pep waxa uu hayaa lambarka telefoonkayga isla markaana aniga imuusoo wicin. Anigu waxaan ku faraxsanahay halkan”.