Published On: Mon, Aug 21st, 2017

Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo waraaqihii aqoosiga kala noqotay 7 kamida dugsiyada sare ee Hargeysa

Hargeysa (BMC)-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa sheegtay inay waraaqihii ruqasdaha ee aqoonsiga kala laabatay 8 kamida dugisydasare kuwaasoo loo cuskaday ruqsad kala laabashadaasi inaysan ku dhaqmin shuruucdii loo dajiyey inay ku shaqeeyaan iyo awaamirtii ka soo baxday xafiiska  wasaiirka oo lagu qeexay inaysan maamullada dugsiyadaasi iska qoran karin arday aan wali loogu soo dhufan shaabaddii shahaadaha ee baasitaanka imtixaanadii dugsiga dhexe isla markaana ay sugaan muddada ardayda loo soo kala sheegayo kaalmahooda ay ka galeen imtixaanka dugsiga dhexe.

Raxan Schoollo ah ayaa jabiyey awaamirtii wasaaraddaasi soo saartay waxaanay ku tallaabsadeen qorashada arday aan wali gacanta loo saarin natiijada imtixaankii ay ka heleen dugsiyada sare kuwaasoo aan loo kala cadaynin sida ay ugu kalasareeyeen xagga dhibcaha, agaasimaha waxaada dugsiyada gaarka loo  leeyahay Maxamed Muuse Shide oo dadka wararka fidiya la hadlay ayaa sheegay sababaha loo cuskaday ruqsad kala noqoshada dugsiyadaasi waxaanu yidhi “wasiirku waxa uu dugsiyada sare ku xidhay shuruud ah inta fasalada 8-aad la saxayo oo koo dhacay iyo kii baasay lakala ogaanayo aan la qoran karin wax arday ah” ayuu yidhi madaxa dugsiyada sare Mr Muuse Maxamed Shide.

Mr Shide waxa uu warbaahinta u akhriyey magacyada dugsiyada shuruudii wasaaradda waxbarashada jabiyey ee ruqsadii lagala noqday waxaanay dugsiyadaasi kalayihiin sidan soo socota-

1-Dugsiga sare ee horey loo odhanjiray Shamsudiin haddana la baxay 17 May

2-Dugsiga sare ee Tomorrwo

3-Dugsiga sare ee Future

4-Dugsiga sare ee ileys “one”

5-Dugsiga sare ee Ammaana

6-Dugsiga sare ee Caalami

7-Dugsiga sare ee  Aclas

inkastoo ay wasaaradda waxbarashadu ku dhawaaqday inay ogolaanshihii kala laabatay dusgiyadaasi haddana waxaan ilaa hadda la ogeyn fikirka ay qabaan iyo waxa ay kaga jawaabidoonaan dadkii sida gaarka ah isaga lahaa dugsiyadaasi arintan ka soo yeedhay wasaaradda waxbarashada waxaanay u badan tahay sida lagu yaqaano dabeecadaha Somaliland in arrintaa xeer qabiileedyo lagu dhameeyo inta hoosta layska dhigo awaamirta wasaaradda waxbarashada iyadoo lagu sababaynayo inay Somaliland ku dhisan tahay isu tanaasulaad iyo kalasocosho oo aanay xaaladdu noqon caloosha caloosha ka horgee sida ka shaqaysa Somalida inteeda kale.

dhawaaqan ka soo yeedhay wasaaradda waxbaashada ee lagu sheegay  inay wasaaraddu ruqsadii kala noqotay dugsiyadaasi waxay astaan u tahay habka tayada waxbarashada ee ay wasaaraddu ku hawlantahay inay wax kaga qabato is dhexyaacii iyo ninba siduu doono yeelkiihore ee waxbadashada Somaliland ragaadiyey si ay uga soo baxaan jiilasha soo socda dhalinyaro waxay sheeganayaan inay soo barteeni ka dhabtahay oo aan hawdhaw ku dhicin imtixaaanka ay ugu gudbayaan Jaamacadaha dalka markay galayaan.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa