Published On: Sat, Aug 26th, 2017

Xafladd ballaadhan oo lagu furayey sanad-dugsiyeedka 2017-2018 Dugsiga hoose dhexe ee Al-irshaad ee Gebilay oo lagu qabtay xarunta dhismaha cusub ee Schoolkaasi (Sawirro)

Gabiley (BMC)-Xaflad ballaadhan oo laguu furayey sanad-dugsiyeedka 2017-2018- dugsiga hoose-dhexe ee Al-irshaad ee xarunta Gebikay ayaa lagu qabtay xarunta boodhinka ah ee Schoolkaasi ku leeyahay magaalada Gebilay taasoo ka kooban dhismayaal farabadan oo casri ah sida qaybihii joofka, cuntada,madbakha, class-yadii ay ardaydaasi wax ku baranayeen munaasibaddii xafladdaasi oo si quruxbaan looga soo shaqeeyey waxaa ka soo qaybgakay wasiirka waxbarashada Cabdidllaahi Ibraahim Habane,Maayarka Gabiley Muxamed Amiin Cumar Axmed,wasiirka warshadaha Shucayb Maxamed Muuse,Gudoomiyaha waxbarashada ee Gabiley,agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada,Maxamed Muuse Shide oo ah madaxa dugsiyda gaarka loo leeyahay.

Dhanka kalana waxaa munaasibaddaasi ka soo qaybgalay madaxdii iyo maamulkii martida loo ahaa ee Al-irshaad Maxamed Aadan Askar oo ah gudoomiyaha hay’adda Direct Aid iyo guud ahaan dugsiyada Al-irshaad, Saxariid Cabdillaahi Saxardiid oo ah xisaabiyaha guud ee Al-irshaad,maul-hoosaadka iyo shaqaalaha kale ee Al-irshaad Gebilay,ardayda dhigata dusgigaasi oo ay tiradoodu dhantahay 470 adray oo gabdho iyo wiilalba isugujira iyo waalidiinta,dumarka,dhalinyarada iyo qaybaha kale ee reer Gabilay sida bahda dhaqanka iyo culimada.

Furitnaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay islamarkaana ka warbixiyey shaqada iyo hawlaha ka socda dugsigaasi Maamulaha xarunta Gabiley Mustafe Cabdi Ciise waxaanu ka warbixiyey qaabka ay xaruntaasi u shaqayso sida dhinaca waxbarashada,nolosha caruurta Boodhinka ah ee dhigata iyo guud ahaan sida ay Gacan uga helaan maamulka sare ee Hay’adda kaalmada tooska ah “Direct Aid” “anagu waanu ka duwanahay sida ay u shaqeeyaan Schoollada kale ee Gabiley oo caruurta waxaanu ka qaadnaa $5 doolar oo kaliya shantaana waxaanu dib ugu celinaa annagoo aan waxba ka isticmaalin maamulka hay’adda kaalmada tooska ah ee Direct Aid waayo annaga iyadaa mushaharka na siisa” ayuu yidhi Mustace Cabdi Ciise.

Waxaa isna halkaa ka  hadlay Maayarka Gebiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi waxaanu hambalyeeyey ardayda,maamulka iyo macalimiinta xaruntan Gebiley ee aynu maanta  xafladdaasi ku csuumay dadweynaha xaan xaggsare ku soo sheegnay waxaanu xusay inay isaga iyo cidkastoo maanta xafladdaasi ka soo qaybgashayba sharafweyn u tahay inay goobjoogg u ahaadaan xafladda daah-furka sanad dugsiyeedka 2017-2018 ee Ak-irshaad Gebiley isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “Sharaf iyo qiimo wayn bay inoo tahay inteenan maanta xafladdan joogta oo aynu aragno midhihii ka soo baxay tacabkii Al-irshaad waxaanan  uga mahadcelinaynaa inay gacanta inoogu hayaan 25 arday oo ah agoomaheenii ka kalayind gobalada kaduwan Gabileyba hawbadnaadeen e” ayuu yidh maayarka Gebiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi  “annaga caafimaadka, biyaha iyo laydhku way nooga qaalisan yihiin qaybaha kale ee nolosha” ayuu sii raaciyey Maayar Amiin.

“hadaad aragto ciyaalkii dugisga sare ku jiray oo habeenkii gidaarada fadhiya waxay kuu muujinaysaa inuu ardaygaasi yahay mid ku dhacay noloshii iyo waxbarashadiiba” ayuu waxaanu xusay waxbarashada wanaagsan iyo kaalintooda waxbarasho inay ka muuqato ardadayda Schoolkaasi taasoo laga dheehanayo tayada macalimiintooda wax u dhiga iyo tayadooda xagga aqooneed ee ay uleeyihiin maadooyinka ay dhigayaan.Maayr Amiin waxa kale oo uu tilmaamay calaamadalaha lagu yaqaano adrayga saaqiday ee ka dhacay dariiqii waxbarashada.

Waxaa isna madashaasi quruxda badan ka hadlay Gudoomiyaha Direct Aid ahna maamulaha guud ee Dugsiyada Al-irshaad Maxamed Aadan Aksar waxaanu ka warbixiyey aas-aaskiihore ee xarutan Gabiley ee Al-irshaad iyo taariikhdii ay soo martay xaruntaasi waxaanu sheegay inay maanta uun tahay maalintii 1-aad ee ay warbaahintu ka soo qaybgasho balse ay xaruntu shaqaynaysay tan iyo xilihore sidaa darteed ay maanta qiimo badan u leedahay Direct Aid iyo bahda Al-irshaad guud ahaan gaar ahaana xaruta Gabiley oo iyadu nasiib u heshay waxaanay helin dugsiyada kale ee isagoo arrimahaa ka ha dlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa  “mudane wasiir waxaan idiin sheegayaa ardaydaa faraha badan ee ay tiradoodu tahay 470  inay u dhamaystiran yihiin wax alla wixii ay bani-aadam  ku noolaan lahaayeen taasoo ay waxbarashadiina u dheertahay” ayuu yidhi Md Askar.

“Mudane Wasiir inkastoo ay arintu tahay dheriba ninkii u dhawbaa kala hilbo baxa oo Gebiley iyo hadeeraheedu ay ugu badanyihiin ardayda danyarta ah ee aanu ku bilawnay Schoolkan boodhinka ah kuwii danyarta ahaa ee tahli kariwaayey inay waxbarasho helaan sida  kuwii Saraarkayimid, kuwii Ceerigaabo ka yimid, kuwii Burco kayimid, iyo kuwii Maroodijeex ka yimid dhamaan way wada joogaan waxaana xusid mudan hadaad ardaydaa waraysataan inay intooda badani yihiin kuwii xoolaha raacijiray” ayuu yidhi Maxamed Aadan Askar madaxa hay’adda Direct Aid ahna maamulaha guud ee Dugsiyada Al-irshaad.Mr Askar waxa uu ardaydaasi ugu bushaareeyey inay suurto galtahay inay gaadhidoonaan nolol wanaagsan mustaqbalkooda dambe iyagoo dhakhaatiir iyo Engeneerraba ah waxaanu yidhi “in shaa Allaahu ardaydaasi waxaad arkidoontaan iyagoo jaamacado ka baxay oo dhahkaatiir ah ayey baagaroonkoodiihore dib uga sheekayn doonaan”

Mr Askar isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mudane wasiir waxaan idiin sheegaynaa xaruntani waxay ahayd wajigii 1-aad ee waxbarashada oo aan isleenahay runtii wax alla wixii uu bani aadam ku noolaan lahaa ee nolosha aasaasigeeda ahaa oo dhan waa loo dhamaystiray” ayuu yidhi Mr Askar waxaanu sheegay wajiga 2-aad iyo nooca uu noqon doono waxaanu yidhi “wajiga 2-aad ee noogu xigidoonaa waxa uu noqon doonaa dugsigiisare oo markay ardaydani dhameeyaan kandhexe ay galidoonaan kaasoo noqon doona dugsigii farsamada gacanta haddii eebe yidhaado” ayuu yidhi Maxamed Aadan Askar.

Dhanka kalana Mr Askar waxa uu ka sheekeeyey wada shaqaynta ka dhaxaysa xarunta Gabiley iyo xarumaha kale ee Al-rshaad ee Gobalka Maroodijeex taasoo uu sheegay inay tahay mid wanaagsan oo aan haba yaraatee lahayd wax mad-madaw ah, sidookale Mr Askar waxa uu madashaasi ka balladan qaaday inay ka maamul ahaan sii wadidoonaan hormarinta xaruntan iyadoo aanay meesha ka madhnayn inay qorshaynayaan inay gaadhaan gobaladakale ee dalka oo dhan si ay xarumo kale  oo tan lamida halkaa uga furilahaayeen “waxaa noo qorshaysan inaanu sii hormarino xaruntan oo sida aad soo aragteen sidaa qurxbada badan ee loo dhamaystiray intaa kaliya ku daynmaynee waxaanu gaadhidoonaa Gobalada kale oo dhan hadii eebe idmo” ayuu yidhi Mr Askar “ waan muusooday “ilka cadeeyey” markii ay ardaydii yaryaraa halkan ka soo jeedinayeen khudbadahooda” sidaa waxaa  yidhi Maamulaha guud ee Dugsiyada Al-iirshaad Maxamed Aadan Askar oo si weyn ugu bogay qaabka wanaagsan ee wax loo baray ardayda Schoolkaasi.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahin oo kamida culimada waaweyn ee ka soo jeedda Gabiley isla markaana kamid ahaa dadkii ka soo qaybqaatay aas aaskii iyo dhismaha xaruntani waxaanu ka warbixiyey taariidkhda aas aasihii hay’adda Direct Aid Marxuum Sh –Cabdiraxmaan oo ah nin Dhakhtar caafikaadka bartay kaasoo soo saaray aqoonyahano gaadhaya 19000 kun oo kaladuwan waxaanu qoday 8500 oo Ceell oo ay ka faa’iideysteen dad farabadan oo muslimiin ah isla markaana u badan qaaradda Africa “nasiib waxaan u yeeshay inaan Sheekhii aas aasay hay’adda kaalmada tooska ah kula kulmay dalka Nigeriya isagoo dacwadda ilaahay ka wada maantana waxaynu goob joog u nahay natiijadii ka soo baxday midhihii uu ka tagay” ayuu yidhi Sheekh Almis Yaxye.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiirka warshasa Shucayb Maxamed Muuse waxaanu ka hadlay amaanta iyo taairiikhda wasiirka waxbarshada Cabdillaahi dheere iyo shaqadiisiihore ee xagga nadabadyntii beelaha Somaliland iyo hogaamintii uu ku lahaa Golaha Guurtida  mudadii uu xoghayaha ka soo ahaa “waxaan rabaa inaan idiin sheego Cabdillaahi Ibraahin Habane iyo taariikhdiisa marka aad aragtaan isagoo amarro ka soo saaray Schoolada waxbarashasada waxa uu doonayaa inuu sii dhiso wixii uu soo qabtay” ayuu yidhi Mr Shucayb.

Waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirka waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habane waxaanu u  mahadceliyey maaamulka hadda ee Al-irshaad iyo hay’adda Direct Aid Maxamed Aadan Askar iyo sheekhii soo aas aasay Sh Cabdiraxmaan ilaahay naxriistiisa hasiisyee “aad iyo aad baanu ugu farsaxanahay oo aanu waliba raali uga nahay Schoollada Al-irshaad iyo maamulkoodaba” ayuu yidhi Mr Habane.

“Hay’adahan samafalka sheegta ilaahaybaa samafale ahe ma awoodi karaan inay sidan oo kale intaa in leg ka soo saaraan dusgsiyada  waxbarashadooda” ayuu yidhi Mr Habane. waxaanu xusay inay caruurta Al-irshaad gaar ahaan kuwii xafladdaasi ka hadlay ahaayeen kuwo is huba oo ku kalsoon aqoontooda waxaanan ugu ducaynaynayaa inay manfacyeeshaan oo ay noqdaan kuwo loo aayo mustaqbalkooda” ayuu yidhi Wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habane.

dhanka kalana waxa uu xusay dadka reer Somaliland inay ahaayeen markoodiihore dad Hodan ah oo aan gaajoonjirin isla markaana xoolahooda iyo tacabkooda ku noolaa balse ay hada dadkii noqdeen sabool iyo caydh waxba aan hasyan wawaanu ku dhiirrigeliyey dadku  inay la soo baxaan tacabkooda oo ay khayraadka ka faa’iidaystaan “dadkeeniihore Hodan bay ahaanjireen oo dhulkooday tabcanjireen haddana waa laga tagay markaa waxaan idinku boorrinayaa inaynu khayraadkii dhulkeena dib ugu noqono oo aynu biyaha dhulkeena ee ina dhaafaya ka faa’iidaysano culimada uu Sh Makaawi ka mid yahayna waxaan anigu idhaadaa waxay ka hadlaan uun kaliya ilaahay ka cabsiga basle kuma daraan oo  ma yidhaadaann waar aan fadhiga ka kacno oo aan dhuleena wax kala soo baxno” ayuu yidhi Mr Habane.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Ibraahim Maxamed Ismaaciil oo ku hadlayey magaca waalidiinta ay caruurahoodu dhigtaan School-kaasi waxaanu waaldiinta uu kamidka yahay u soo jeediyey inay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan maamulka iyo  macalimiinta  si ay uga caawiyaan daboolidda dal-daloollada iyo dhaliisha dhinaca waxbarashada caruurahooda. Hooyo Raaxo Nadiif oo iyana kamid ahayd waalidiinta ay caruurahoodu dhigtaan Schoolkaasi ayaa ka warantay isbedalka u dhexeeya wiilkeeda yar ee Schoolka dhigta siduu ahaa markiihore iyo hadda intuu waxbarashada galay waxaanay ka sheekaysay sida wanaagsan ee loo soo tabobaray isla markaana loogu barbaariyey wanaagga iyo diinta suuban “hooyo inankayga yar waxaa markiihore iga kexeeyey wiil aan aayo Adeer  u ahay ayaa  meeshan keenay ana waxaan islahaa uun yaanu kaa fogaanin oo aad yaanad waayin araggiisa ee muxuu kaaga fogeeyey wuxuuna ila ahaa uun ninkaasi nin wiilkayga dhib uun u qoondeeyey” ayey tidhi hooyo Raaxo Nadiif.

Raaxo Nadiif waxay sheegtay inay iyada iyo ninkii ay aayada u ahayd ee wiilkeeda Boodhinka keenay ay xaaladdu meel xun ka gaadhay kadibna ay dadkale soo kala dhexgaleen taasoo markii dambe keentay inay Raaxo ku qanaciyaan dadkaasi inay ogolaato wiilkeedayar in laga soo qaado tuulada miyaga ah oo la keeno Gebiley si uu uga midnoqdo ardayda Al-irshaad ee maanta nasiibka u yeeshay inay helaan waxbarashad dhamayska tiran ee ay fulinayso hay’adda mucaawinada tooska ah ee Direct Aid “hooyo markii dambe ee nala kala dhexgalay aniga iyo  ninkii aan aayada u ahaa Raxmad baa igu soo degtay oo wiilkoo waan ogolaaday in la keeno Gebilay maantana waxa uu marayaa heer uu wax u sheego kuwii ay isku qarka ahaayeen  oo isku kaajaya oo aan kaadida iska maydhayn oo uu anigiina I wacdiyo oo yidhaado hooyo xanta iska daa dadka lama xantee oo uu ducooyinkii lagu ducaysanayeyna  ikala baray” ayey tidhi Hooyo Raaxo oo ay wajigeeda shucuur badani ka muuqanaysay.

Waxaa isna halkaa ka hadlay la taliyaha wasiirka qorshaynta Cabdilaahi Maxamuud waxaanu ka warramay maamulka sare ee Hay’adda Direct Aid waxaanu khudbadiisa oo ahayd mid taabanaysay dhinacyo kaladuwan ku jeediyey luuqadda afka Carabiga taasoo si weyn loogu dhagotaagay  macnaha iyo nuxurka ay xambaarsanayd oo si toosa u ga hadlayey mubaasibaddaasi waxaanay  khudbadii la taliyaha wasiirka qorshaynta Cabdillaahi Maxamuud u dhignayd sidan.

لحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين ، نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين ، وبعد السادة الحضور 

ر الكرام

السيد/  معالي وزير التعليم، معالي وزير الصناعات، سعادة محافظ إقليم جبيلي، وسعادة رئيس بلدية جبيلي

أيها السيدات و السادة،

السلام عليكم ورحمه الله وبركاته أصالة عن نفسي ونيابة عن وزير التخطيط والتنمية الوطنية معالي محمد إبراهيم آدم والذي يبلغكم تحياته ويتمنى لكم مزيد من التقدم والنجاح إنه لشرف عظيم لشخصي، وأشعر بالسعادة بالحضور هذا الحفل الكريم بمناسبة تخرج دفعة من الأيتام الذين أتموا مرحلة الدراسية وتم هذا بفضل من الله ثم بفضل هذا الصرح العظيم التلعيمي و التربوي والتي تشرف عليه جمعية العون المباشر حيث تعتبر جمعية العون المباشر من أنشط الجمعيات  التي تعمل تحت إشراف وزارة التخطيط والتنمية الوطنية نسأل الله لهم دوام التوفيق والشكر موصول لسعادة الدكتور/ عبدالله بن عبدالرحمن السميط الرئيس العام لجمعية العون المباشر في دولة الكويت الشقيقة وهذا ليس بمستغرب عن الأخوة الأشقاء في دولة الكويت وفي نفس الوقت نرحب بالطلاب المستجدين ونقول لهم مرحبا بكم في هذا الصرح العظيم ونرجوا أن يستفيدوا منه وبكل الإمكانيات المتوفرة فيه ومنها سكن داخلي للطلاب ومدارس للتعليم ومسجد للصلاه ويتبعها أيضا مرافق مثل حدائق، ملاعب رياضية صالة طعام مركز صحي مركز تحفيظ القرآن، هذه الإمكانيات الجيدة يتواجد بها معلمين ومدرسين أكفاء مشكورين على الجهد الذي يقدمونه لهذه الأجيال فنرجوا من الجميع المحافظة على هذا المجمع المبارك حتى يظل دائما في خدمة المجتمع. إن رعاية الأيتام معروف أجرها عند الله فجزاء الله خير الجزاء كل من ساهم في بناء و تعمير هذا الصرح المبارك

وعليكم السلام ورحمة الله وبركاته

Waxaa iyana  halkaa aqoontooda kaladuwan ku soo bandhigay qaarkamida ardayda dhigata Schoolkaasi kuwaasoo aad loogu khushuucay aqoontii qiimaha lahayd ee madashaasi ku soo bandhigeen waxaana kamid ahaa aqoonta kaladuwan ee ardaydaasi halkaa ku soo bandhigeen ku hadalka luuqadda English-ka oo inankii ku khudbadaynayay laysku raacay inaanu yahay nin aflaxay oo cagta saaray halkii lala doonayey, sidookale waxaa isna jiray wiilyar oo ka yidhaado Sakariye kaasoo khudbado cajiib ah oo carabi iyo Somaliba isugu jiray halkaa ku soo bandhigay isla markaana si weyn u soo jiitay dareenka dadweynihii madashaasi daawanayey waxaana la arkayey daawadayaashii xafladaasi oo sacabka iyo mashxaradda isku daray isla  iyagoo dhoolo-cadaynayey farxadda khudbadii inankaasi yari soo jeediyey darteed.

Waxaa iyana halkaa gabay quruxbadan oo luuqadad carabiga ku baxayey ka soo jeedisay Nuura oo kamid ahayd Gabdhaha wax ka dhigta Schoolkaasi taasoo si xeeldheer oo aan jog-joogsi iyo cabsitoona lahayn gabaygeediii ugu dhamaysatay waxaanay kaamiraduhu soo qabanayeen masuulihiintii daawanaey xafladdaasi oo indhaha la sii raacaya khubaddii gabadhaasi yari soo jeedinaysay.

Gunaanadkii xafladaasi wasiirka waxbarashada, maamulka iyo macalimiinta Ai-irshaad ayaa halkaa shahaadooyin iyo abaalmarino kaladuwan ku gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha sare ka gashay imtixaankii sanad dugsiyeedkaasi iyadoo sidookalana waalidiinta iyo maamulaha Dusgigaasi Mustafe Cabdi Ciise la gudoonsiiyey Shahaado sharafeed loogu aqoonsaday maamulkiisa suuban ee Dusgsigaasi waxaanay maamulka Dugsiga Gabiley ee Al-irshaad shahaado faraf ku maamuuseen gudoomiyaha hay’adda mucaawinada tooska ah “direct Aid” Maxamed Aadan Askar kaalinta wacan ee uu  maamulkiisu ugu jiro hirgelinta iyo taabo qaadka waxbarashada dugsiyada kaladuwan ee Al-irshaad iyo hadda uu madaxda ka yahay ee Direct Aid.

www.Baadiye.com

Gebiley