Published On: Tue, Aug 29th, 2017

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo warqad shaqo ka joojin ah u qoray Badhasaabkii Gobalka Awdal Mustafe Cabdi Ciise

Hargeysa (BMC)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa warqad shaqo ka joojin ah ku socodsiiyey Badhasaabkii Gobalka Awdal Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” waxaanay arrintaasi ka dambeysay markay Badhasaabka iyo Maayarka magaalada Boorama isku dhaceen warbaahintana isu mariyeen erayo xanafleh taasoo dabka ku sii shidday cabashadii ay reer Boorama ka cabanayeen Badhasaabka oo ay ku eedeeyeen inaanu inta badan joogin gobalka balse uu Hargeysa ka maamulo hawlihii Gobalka ee loo xilsaaray sida uu Baadiye u sheegay mid kamida dhalinyarada Gobalka ka soo jeedda oo magiciisa aan sheegin “Badhasaabkii waxa uu caadaystay inuusan gobalkii cagba soo dhigayn oo uu Hargeysa uun ka fadhiyo” ayuu yidhi ninkaa dhalinayrada ahi.

“xattaa dhalinyaradii Gobalka ayaa casuumad u samaysay oo waxay ku yidhaadeen sidani Gobalkiibay ceeb ku tahaye caddee warkaaga oo hadday nabadgaliyo darro kaa soo eryayso gobalka noo sheegg ayay dhalinyaradu ku yidhaadeen” ayuu yidhi ninka magiciisa cosaday in la qariyo waxaanu intaa sii raaciyey saxbuu ku ahaa Madaxweyne ku xigeenku inuu shaqada ka joojiyo Mustafa Shiine”

Maayrka Magaalada Boorama ayaa sheegay inuu Mustafa Shiine ¬†gacanta la soo galay hawlihii maayarku u xilsaarraa ee maaamulka dhulka magaalada Boorama. si kastaba ha ahaatee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa warqadd shaqo ka joojin ah u soo qoray Badhasaabkii Gobalkaasi Mustafe Cabdi Ciise ” Shiine” waxaanay warqada shaqada uu kaga joojiyey Badhasaabka u dhignayd sidan.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa