Published On: Tue, Aug 29th, 2017

Horjoogihii kooxaha wax qarxiya u qaabilsanaa hawlgallada Gobalka Gedo Maxamed Yuusuf Dheell oo maanta isu soo dhiibay ciidamada Dawaladda ee Gobalka Gedo

Garbo-haarrey (BMC)-Horjoogihii kooxaha wax qarxiya u qaabilsanaa Maxamed Yuusuf Dheel ayaa maanta isu soo dhiibay ciidamada Dawladda fadaraalka ah ee Gobalka Gedo. Horjooge Dheel ayaa lagu soo warramayaa inay ciidamadu isla markii uu isu soo dhiibay ciidamada inay geeyeen xarunta Booliska ee Degmada Gobalka Garbo-haarrye si ay halkaa ugu ilaaliyaan ammaankiisa ka hor intaan loo qaadin dhanka caasimadda Somaliya ee Muqdisho halkaasoo lagu wado in la geeyo Horjoogahaasi.

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa markii la doortay 8 bishii Feberuary ee sanadkan ku dhawaaqay inay xukuumadiisu cafis u fidinayso ninkastoo ka tirsan kooxaha qaraxyada sameeya hadduu isu soo dhiibo xukuumadda Somaliya ee uu Madaxda ka yahay Mr Farmaajo.

dhawaaqa ka soo yeedhay Madaxweyne Farmaajo waxaa ka faa’iidaystay saraakiil kaladuwan oo ka hawlgalijiray meelo kaladuwan gudaha foonfurta iyo bariga iyo badhtamaha Somaliya kuwaasoo qaarkoodna hadda xukuumadda Farmaajo kala shaqeeyaan arrimaha sirta iyo faaqidaadda kooxaha wax qarxiya qaarkalana ay wali baadhisi ku socoto halka ay jiraan qaardiiday inay ka tanaasulaan fikirka wax qarxinta sida Xasan Daahir Aways oo kale kaasoo xabsi guri ku jira tan iyo muddadii la soo qabtay wixii ka dambeeyey.

www.Baadiye.com