Published On: Wed, Aug 30th, 2017

3 Caruura oo ku geeriyootay Miino ay qaraacayeen oo ku qaraxday tuulada Docolo Coomane oo ka tirsan Gobalka Galgaduud

Docolo Coomane (BMC)-Ugu yaraan inta la xaqiijiyey sadex caruura ayaa ku dhimatay kadib markii ay la qaraxday Miino dhulka lagu aasay oo ay ku ciyaarayeen iyagoon aqoon u lahayn waxay tahay aaladdan ay qaraacayeeni.

Shilkan ayaa ka dhacay deegaanka tuulada Docolo Coomane oo hoostagta Gubalka Galgaduud ee badhtaha Somaliya halkaasoo ay markiiba ku nafwaayeen 3 dii caruurta ahaa, kooxaha qaraxyada sameeya ayaa la rumaysan yahay inay deegaanada Galgaduud iyo meelo kale oo Somaliya ka tirsan gaar ahaan dhulka ay ku dagaalamayaan Xumuumadda Fadaraalka ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ee qaraxyada sameeya inay ku aasan yihiin Miinooyin farabadan.

dhulka ay sidan oo kale ugu dagaallamaan dhinacyada iska soo horjeeda waxa uu -u baahan yahay in laga baadho Miinooyinka lagu aasay balse Somaliya maanta ma haysato awoodii noocaa ahayd iyo ciddii baadhi lahayd toona dillaaliinta yidhaada waanu Somaliya ayaanu caawinaynaana ma doonayaan inay shacabka ka caawiyaan waxay u baahan yihiin balse waxay u keenaan Hubkii ay isku gumaadi lahaayeen iyo Qamadin dhacay kaliya.

Alle ha u gargaaro umadda jilicdsan ee qabyaaladda iyo caqli xumadu kala qaybsadeen.

www.Baadiye.com