Published On: Sat, Sep 9th, 2017

Kooxdii degmada Waaberi oo xalay ku guuleysatay is reeb-reeka tartankii ciyaaaraha ee Gobalka Banaadir (Sawirro)

Muqdisho (BMC)-Kooxdii degmada Waaberi ayaa ku guulesatay ciyaartii ugu dambeysay ee xalay ka dhacday Garoonka kubadda ciyaaraha ee Stadium Kooni, ciyaartan oo dhexmartay labada kooxood ee Waaberi iyo Hodan waxaa u soo daawasho yimid dadaweyne farabadan oo ka socday degmooyinka xaafadaha Muqdisho, ciyaartan oo ay dadweynaha reer Muqdisho aad u xiisanayeen isla markaana si weyn isha loogu hayey kooxda qaadidoonta koobka sanadkan ayey judhiihoraba kooxda Waaberi la soo ciyaartagtay qaab aad loogu khushuucay ciyaar-wanaaggooda waxaanay in badan ka gacan sareeyeen kooxda ku ciyaaaysay magaca degmaa Hodan oo jileecbadani ka muuqanayey qaab-ciyaareed kooda.

wajigiihore ee ciyaartaasi waxa uu ku soo dhamaaday kooxda degmada Waaberi oo heshy 2 goal iyo kooxdii Hodan oo faramadhan, sacabka iyo mashxaradda ka soo baxayey kooxda Waaberi ayaa wadnaha gooyey taageerayaashii kooxda Hodan oo buste qoyan dusha laga saaray.

wareeggii 2-aad markii laysku faro-saaray ayey kooxda Hodan indhaha ku kala qaadeen Goal aan waxbadan ka badalin qaabciyaareedkoodii jileeca badani ka muuqday marka loo eego dhiggooda Waaberi hasayeeshee waxaa ka dabayimid Goal kii 3-aad ee ay kooxda Waaberi ku hanatay guusha tartankii kooxaha Gobalka Banaadir waxaanay madashii garoonkaasi markaliya isla ooggsatay sacab iyo ala-laase farabadan oo biyaha ku sii shubay taageerayaashii kooxda Hodan ee laga guuleystay waxaanay sidaa guushii tartankaasi ku raaxday koodii ku ciyaaraysay magaca degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

sida ay dadka xiiseeya ciyaaraha Somaliya la socdaan sanadkiihore waxaa koobkan qaadday kooxdii degmada Boondheere.

ciyaartani waxay kaga duwanayd ciyaarihii horey uga dhicijiray Muqdisho waxay dhacay sida aad muuqaallada ka dareemaysaan xilli habeenimo ah taasoo laga yaabu inaanay dad badani rumaysan karin nabad galiyada Muqdisho gaadhay xilli habeen ah inay  intaasoo qof isugu soo baxaan daawashada ciyaartaasi.

Xigasho:Radio Muqdisho

www.Baadiye.com