Published On: Tue, Feb 14th, 2017

Somaliland: Dalkeenow Maad Is Cadeyso? [Maqaal] W/Q:Maxamed Siciid Cagey

Dood kaftan ah oo dhex-martey niman aanu saaxiib nahey oo midkoodna magaalada Laascaanod ka soo jeedo, kan kalana magaalada Berbera, ayaa kan Berbera kasoo jeeda yiri, “qadiyada Somaliland waa lamo-taabtaan”, isagoo uula jeeday wax kale waan kaa dhageysan lakin kalaabashada qadiyaas maya, kii kalaa u jawaabey oo yiri, “saaxiib mar horaan taabtey”, isagoo uula jeeday qadiyadu mid ii cuntami karta maahan.

Waxaan jeclaystay in aan wax yar ka qoro qadiyada gooni isku taaga, sida ay ku timid iyo waxa siyaasiinteedu aasaas ooga dhigaan oo aan isleeyahay dal larabo aasaas uma noqon karto, colaado iyo naceyb soo jireyn noqdana guud ahaan umaddeena Soomaaliyeed kusoo kordhin karta.

Ma Dal Jirey Mise Qeybsi Gumeyste?

Walaalaha qadiyada gooni isku taaga aad u taageera waxa ay had iyo goor ku celceshaan dalal kala madax banaan beynu aheyn 1 July 1960 kahor! Kadibna midoobey. Waxaa is weydiin mudan soomaalidu ma dalal kala madax banaan bey aheed 1 July 1960 tii kahor mise bulsho gumeystaha hortii isku mid aheed, gadaashiina isku mid aheed, hadduu tageyna dal isku mid ah yeelatay? Balse haddii walaalaha qaar leeyihiin sida gumeystayaashii labo dal u kala ahaayeen (Talyaani iyo Ingiriis) baan anaguna labo dal u kala noqoneynaa. Hadiiba sida aad sheegteen dal aheydeen waxaan jeclaan laheyn dalkiinaas magaca uu lahaa, caasimadiisii, calankiisii, astaantiisii iyo waliba madaxdiisii (sida Madaxweyne, Raysal-wasaare iwm) in aad noo sheegtaan. Ileen dal aan intaas-ba laheyn majiree. Haddii aad leedihiin maya intaas oo dhan midna ma aynaan laheyn lakin dal baan aheyn oo waxaa nakala gumeystay ingiriis iyo talyaani sidaas la’ajligeed xuduudihii gumeystahaa baa noo kala xad ah. Xoriyadii kahor dhulka ingiriisku gumeystay British Somaliland baa la’oran jirey, hada maadaama uusan gumestahaa joogin Jamhuuriyada British Somaliland ma la’oran ileen hadiiba gumeysigiisii raali lagu yahey, qariidada uu gumeysiguusu ku e’kaa dal larabo in lagu noqdo, malaha magaciisana in lago tago waa danbi weyn?

Bulshada Soomaaliyeed.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa waligood ay bulshooyinka kale caalamka kaga duwanaayeen in ay isku dhaqan, diin, luuqad, deegaan iyo dhamaan wixii umaddi ka simi karto ay isku mid ka ahaayeen, dadaal, halgan iyo tacab badan-ba qarniyaal ku baxsheen sidii ay u ilaalshan lahaayeen, kadibna dal mideeya u yeelan lahaayeen kolkii dunidaan casriga ah bilaabatey, kaliya wixii kala qeybinayey ay ahaayeen gumeystahaa duulaanka gardarada ah ku wadey, xoriyadii kadibna dal mideeya yeeshay dunidu hada u taqaan (Somalia).

Kilil-ku ma inala mid baa?

Haddii aad tahey qof gooni isku taaga taageera waxaa suuragal ah in aad hoos iska weydiinayso, soomaalida kililka iyo tan NFD-ba waa soomaali nala midee maxaad u oran weyday waa nala dal iyagana? Waxaan kaga jawaabayaa waa gaabis iyo ayaan daro somalida guud ahaan ku habsatey, kaa maqan, adiga raba in aad tagto iyo kan aad ka carareysaba, waa ay aheed in shanteenuba mid qura ahaano. Balse aan ku xasuusiyee kililka iyo NFD midna qariidada (map-ka) siyaasadeed ee Jamhuuriyada Soomaliya loo yaqaan ay Somaliland kamid ka tahay marna wali kama aysan mid noqon.

Yaa Koonfur Noqon?

Waxaa suuragal ah in aad markale is tiraahdo waagaas (1 July 1960) oo aan koonfur la midoobey baan ku khaldamey, oo koonfur iyadaa wax walba isku darsatey! Marka hore erayga koonfur waxa aad oola jeedo hadii aad noo qeexdo, ma waxaad kawadaa qariidada Soomaaliya dhankeeda koonfureed baa wax walba isku darsatey? Mise koonfur waxaad kawadaa dhulkii gumeystihii talyaanigu gumeystay? Haddii aad qariidada Soomaaliya dhankeeda koonfureed kawado, markaas ma waxaad qireysaa in dad kula mid ah sidaada oo kale loo qadiyey in ay jiraan sida Puntland oo aan qariidada Soomaaliya dhankeeda koonfureed dhicin? Hadii ay sidaas tahay maxaad dalka u kala gooneysaa ileen Puntland oo iyana qatan dalka Soomaaliya bay kamid tahayee? Haddiise aad koonfur ka wado dhulkii talyaanigu gumeystay, soo ma ahaateen in markii horeba aad tiraahdo yaan la’iqadin reer talyaaniyow hadaan reer ingiriis ahey?  Maxaase kuu diidey?

Yaa Diley Somaliland?

Haddii aad gooni isku taaga taageerto waxaa suuragal ah in aad markale is tiraahdo dhulkii talyaanigu gumeystay waagaan ku biirney soo tii ay ciidankii xooga dalka nagu gumaadeen? Waxay aheed ayaan-daro weyn wixii kacaankii dalka guud ahaan ka geystay, taariikh madowna u noqotey wixii horboodayey, halkee doonaan haka soo jeedaanee. Waxaase is weydiin mudan kacaan-layaashaas maxay ahaayeen?

Askaartii dalka la wareegtay qaabkii ay dalka ku qabsadeen soomaalidu markaa in badan waxba iskama weydiin.Waxay markiiba garba-duubeen siyaasiintii dalku lahaa shacabkiina guulwadeyn iyo xamaasad aan fogeyn ku hantey. Askartaas ma aysan aheyn niman dhinac, gobol iyo qabiil gooni ah lagu sheegayay mana aysan aheyn askar labadii qaybood midowdey (Italian Somaliland iyo British Somaliland) midood kuwo qeyb kaliya lagu sheegayey in ay kasoo jeedaan. Haddii aan sii dul istaagana 5 tii nin dalka u sareeyay 3 kamid ah waxay kasoo jeedeen qeybtii talyaanigu gumeystay, 2 da (labada) kalana qeybtii ingiriisku gumeystay, haddii qaabka qabiil soomaalidu isku qeybisana loo fiirsho (4.5 ka maantey) beesha baydhabo un baan golohaa shantaa ka maqneed balse kuwii ka hooseeyay ku jirtey. Marka mala oran karaa qeybtii talyaanigu gumeystay baa qeybtii ingiriisku gumeystay leesay, oo sidaas beynu dalkale ku noqoneynaa? Jawaabtu dabcan maya bey noqon haddii aanu golahaa sare heybtooda eegno. Soo maahan in askar fikir shuuciyad ah watey oo labada dhanac-ba kasoo kala jeeday in ay labadii dhinac-ba dadkii ku laayeen? Somaliland (Hargeysa iyo Burco, iwm) ma amaradii 3 da nin ee kasoo jeeday qeybtii talyaanigu gumeystay dalka, golahaa sare kamid ahaa baa lagu laayey mise amaradii 2 da nin ee kasoo jeeday qeybtii ingiriisku gumeystay dalka, golahaa sare-na kamid ahaa? Haddii layiraahdo mayee, 3 da kaso jeeday qeybta talyaanigu gumeystay dalka baa naleesay, hade shacabka qeybta talyaanigu gumeystay dalka ka dhashey soo ma ay oran karaan waxaa na laayey 2 daa kasoo jeeday qeybta ingiriisku gumeystay? Labadaa shacab keebaa kula saxsan? Midna, labada shacab-ba askar kasoo kala jeedaa leesay. Halkaas qeexid badan bey u baahan tahay in la sheego dadka Somaliland laayey!

Ma Somaliland Mise Khaatumo-land?

Sida aan kor ba kusoo sheegay siyaasiinta iyo shacabka qadiyada gooni isku taaga Somaliland u ololeeya, waxa ay had iyo goor ku doodaan sadex waxyaalood. Intaba shacabka aan ogoleen kala go’a dalka Soomaaliya ee Khaatumo-land baan u arag arimo dal (cusub) ku dhismi karo, waxna aysan ka quseen iyaga. Sadexdaas arimood waxay kala yihiin:

1) Siyaasiinta Somaliland waxay yiraahdaan xadkii gumeystaha ingiriisku sameeyay ayaanu ku eg nahay, dal ka madax-banaan Soomaaliya beynu nahay awalba isku dal ma aynu aheyn. Khaatumo-land iyana walow aysan ogoleyn in ingiriis gumeystay oo ay leeyihiin daraawiish beynu aheyn balse haddii-ba looqaado in ingiriis gumeystay, waxay iyana leedahay kolkii gumeystihii nagu dul habsadey naga tagey inaga (Khaatumo-land) iyo Somaliland ba waxaynu wax ka dhisaney dalweyne Soomaaliya layiraahdo, haatana gumeystihii gardarada igu qabsadey magaciisa dalkeyga Soomaaliya kaga go’i mahayo.

2) Arinta labaad ee siyaasiinta Somaliland ku doodaan ayaa waxay tahay, kolkii aanu Soomaaliya wax ka dhisaney wax walba xaga koonfureed baa wada qaatey, marka waanu ka go’ aynaa, iyagoo markaa oranaya Khaatumo-land inagee naga mid tahay. Khaatumo-land iyadoo xadkii gumeystaha ingiriisku sameeyay kala mid ah Somaliland, ayay hadana qirsan tahay (cabashadaa) walow iyadu arinkaa (ilaha dhaqaale laga helay dowladii kacaanka) kaga sii liidato Somaliland, hadana ugulama muuqato arin dal lagu kala gooyn karo in ay tahay.

3) Arinka sadexaad ee siyaasiinta Somaliland ku doodaan waxa ay tahay in dowladii kacaanku magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo inta lamid ka ah dad ku xasuuqdey. Isweydiinta dowladaas bal dadka ay aheed kor baan ku xusey, balse haddii dooda Khaatumo-land loo yimaado, waxa ay leedahay waa run in walaalaha Somaliland iyo guud ahaan deegaanada dalkeena Soomaaliya shacab dowladii kacaanku ku leesay lakin dowladaas Somaliland iyo inta kale dishey Khaatumo-land ma aysan dilin. Marka ma dilkii Somaliland iyada loo geestay bay doonaysaa in ay tiraahdo dalkale beynu ku noqonaynaa, haddii aad diididna adigaan ku dili. Doodaha qadiyada gooni isku taaga halkii loo qaadaba Khaatumo-land baa cadeyn.

Ma Gartii Hargeysa Mise Garta Taleex?

Hargeysa waa caasimada labaad ee Jamhuuriyada Soomaaliya waa magaalada ay beyrta xoriyadu ku taal oo ah halkii ugu horeesay calan umadda Soomaaliyeed leedahay laga suro oo ah calanka buluuga xidigta cad ee shan geesoodka dhexda ku leh. Dhalashadii fikirka qadiyada gooni isku taaga ah, Hargeysa waxay ka dhigtey caasimada Somaliland oo siyaasiinteedu yiraahdaan waa dal la jaar ah Soomaaliya. Taleex waxay xarun u aheed daraawiishtii Sayid Maxamed C/dule hogaaminayay, gumeystayaashii ingiriiska iyo talyaanigaba la dagaalami jirtey. Waxaa siyaasadaha waayahaan danbe dhowr jeer hadba Khaatumo shirar lagu dhisayo loogu qabtey, xoogagii labaxey SSC marar badan ku sugnaayeen. Waxaa Hargeyso gar u heshay ama gar isku siisey in ay tiraahdo gumeystihii ingiriiska baa na gumeystay xadkii uu sameeyayna ilaa Taleex waa ku jiraan, marka dal ka madax-banaan dalka Soomaaliya beynu noqon. Hargeysa ma cadeyn gartaa sida ay ku heshay, ma aysan is weydiin in Taleex ogoshahey ama fikirkaa la qabto. Si Hargeyso gartii ay isi siisey (oo ah dal madax-banaan) u hesho waxay duulaan ku soo qaadey Taleex in badan. Taleex arinkaa ma ay ogolaan, gartii Hargeysana gardaro ayay u aragtey. Su’aashu waxay noqon haddiba Hargeysa sidaa gar u heshay, Taleex soo iyana gar uma heli karto in ay Hargeysa ku tiraahdo, “waa run ingiriis baa nawada gumeystay, dal Soomaaliya layiraahdana waanu dhisaney, hadana in aad kusoo laabataan rabaa, haddii aadan kusoo noqona waxaan gar u leeyahay in aan dalkii aanu dhisaney kugu soo cesho, ileen adiguba mid rabitaan kaaga ah baad igu khasbeysaayee” Gartaas Taleex soo iyana mid meesha ku jirta maahan?

Yusuf-GaraadDowlada Soomaaliya Mise Hadalada Yusuf Garaad?

Barnaamij Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ka hadlayey dalka ingiriiska ayaa qof dumar ahi weydiisey, sababta Madaxweynuhu u dhageysan la’yahay qeylo-dhaanta shacabka midnimada dalka uu madaxweynaha ka yahay ogol (Khaatumo-land). Madaxweynuhu waxa uu ku jawaabey, waxaa inoo simanaatey labo in aan mid doorano, shacab dalka raba in ay ka go’aan in aan dhageysano iyo shacab dalka in ay ka mid ahaadaan raba balse dhib badan tirsanaya, waxaan doorbidney in aan maqalno kuwa inaga caroodey oo aan soo dhaweysano! Nin dulmi nin kale ku qanci gar ma noqon? Haddii kuwa soomaliya in ay kamid ahaadaan ogol aan la dhageysan hada markale hadey wax kale layimaadaan iyana maxaa la’oran? Iyadoon midna la dulmin xal ma waan la heli karin?  Wada-hadalada Dowlada Federalka ay la gashey Somaliland waxaa lagu dhaliilaa, in Dowlada Federalka ahi aysan wada hadalada ku darin dadka Khaatumo-land ka soo jeeda oo bar (half) ka ah dhulkii gumeystihii ingiriisku qabsadey. Waxaa arinkaa ka jawaabey wasiirkii hore arimaha gudaha iyo amniga ee Soomaaliya C/kariin (markuu xilka hayey) yiri Somaliland ma ogola dad kasoo jeeda dhulkaas in wada-hadalada lagu daro! Somaliland iyana dhowr jeer dhinaceeda ka sheegtay. Somaliland iyada yaa u jaan-gooyey dadka ay wada-hadalada ku soo darsan karto? Dowlada Federalka haddiiba ay tiri walaalaheen baan qancineynaa, waxaa laga filayey in ay soo xusho dadka u mudan, shacabka laga hadlayana matali kara, midnimada dalka Soomaaliyana aan gorgortan kagaleyn. Madaxweyne Xasan wuxuu wada-hadaladii u danbeyey Jabuuti ka dhacay u ka xeestay mudane Yusuf Garaad oo ah saxafi hore balse siyaasada hada u hanqal taagaya. Isweydiintu waxay tahay Yusuf dhulkaas labada dhinac midna kama soo jeedo, waxay kaloo tahay Yusuf dowlada Federalka kama tirsanee xagee kasoo galey wada-hadalada? Waxay kaloo noqon Yusuf uguma mudnee, dad kale khibrad siyaasadeed iyo aqoon-ba dheer baa jiree xagee wada-hadalada kasoo galey? Intaas oo idil waxaa kasii darnaadey Yusuf markuu bartiisa facebook-ga kusoo qorey, “Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland”! Yusuf maxaa ku kalifayey arinkaas? Hadiiba uu sidaa aamisan yahay, madaxweynaha isaga ka xeeyay Xasan sheikh Soomaaliyada uu madaxweynaha ka yahey xagee bay noqon? Ma Soomaliya oo idil mise qeyb ka mid ah? Madaxweyne Xasan sheikh arinkaa Yusuf ku kacey muxuu kaga jawaabi? Mise wax kalaa qarsoon? Shacabka Soomaaliyeed dalkooda jecel arinkaa maxay ooga aamusan yihiin?

Gunaanad.

Gumeyste waa kii awoowe diley oo awoowgii diley, waa kii bulshadeena adoon sadey, waa kii sharafkeeni iyo wanaageenii umaddeed ku ciyaarey, waa kii nakala qeyb-sadey sidii in aynu aadanaha ka hooseyno, waa kii dhib oo dhan noogeystay. Haddii ALLE naga korshey dhibkaa in aynu gumeysigiisi gardarada ahaa isku kala qeybino waa nagu ayaan-daro. Wixii inaga khaldamey waynu iska sixi karnaa inagoo gartameyna, runtana isku sheegayna, aanan is colaadineen aan is dulmineyn. Haddii-ba kala go’eena iyo kala maqnaan-shaheena aanu wanaag ku gaari karno, wada-jirkeena iyo midnimadeenuna ka badan beynu ku gaari karnaa. Yeynaan umad waligood guul-daro iyo dhib u dhac ku sifowda ahaan, sida maantey nawada heysata.