Published On: Tue, Sep 12th, 2017

Golaha Amaanka oo cuno-qabatayn horeleh ku soo rogay dalka Kuuriyada waqooyi

New yourk (BMC)-Goalaha Ammaaanka ayaa isku raacay si aan kala hadhlahayn cuno qabatayn nolosha ku sii adkaynaysa dalka waqooyiga Kuuriya si aanay u sii awoodin inay sii waddo hormarinta hubkeeda Nuclear-ka ah ee dunida kaga qaylisiiyey xiligan xaadirka ah.

fadhigii shalay ee Gobalaasi ku yeeshay xarunta New Yourk ee dalka Maraykanka ayay naaqishaad iyo su’aalo farabadan ka dib isku raaceen wakiilladii madasha fadhiyey inay tallaabo horleh qaadaan taasoo jawaab u ah tijaaabinta Kuuriyada waqooyi ee hubka sida is dabajoogga ah uga socda xarunta dalkaasi ee Pyongyang.

cuno qabatayntani cusubi waxay si gaara u beegsanaysaa ilaha gaarka ah ee dhaqaaluhu ka soo galo Hogaamiya dhakada taloogan ee dalkaasi waqooyiga Kuuriya Mr Kim Jong il iyo qayskiisa , waxaanay arrintaasi u muuqataa mid dabka uun ku sii shidaysa suurto galnimada inuu sii xoogeysto dagaal ay calaamadihiisii soo baxayaan ee u dhexeeya waddankaa laysugu tagay iyo xulafada kale ee Maraykanku durbaanka u garaacayo.

qodobada ay cuno qabatayntani cusubi sida gaarka ah diiradda u saarayso waxaa kamida shirkadaha shidaalka iyo kuwa ganacsi hoose la leh dalal uu Shiinuhu kamid yahay kuwaasoo la sheegay inay lacagg badani ka soo gasho hogaamiyaha jagada xiiran iyo qoyskiisa.

www.Baadiye.com