Published On: Tue, Sep 12th, 2017

Dawladda Turkiga oo dalka Ruushka ka iibsanaysa Gantaalaha riddada dheer ee habka difaaca cirka loo adeegsado

Stambuul (BMC)-Dawladda dalka Turkiga ayaa dalka Raashiya ka soo iibsatay gantaalaha mucjisada ah ee loo adeeggsado habka ilaalinta hawada sare iyo difaaceeda, qiimaha hubkan ay labada dal kala iisanayaan ayaa la sheegayaa inuu qiimo ahaan gadhayo aduun dhan $ 3 Bilyan oo lacagta doolarka ah waxaana la yidhaadaa Ganntalahaasi S-400 waxaanay gaadhikarayaan ilaa 400 oo KM.

dalka Turkigu waxa uu baryahan dambe xaawilayey inuu soo iibsado hub iyo diyaarado lamida kuwan ay haystaan reer Galbeedka ay xulafada yihiin gaar ahaan quwadda NATO oo dalka Turkigu qayb ka yahay isla markaana ciidamada ay shurkaada ku yihiin uu leeyahay qayb weyn.

Madaxweynaha dalkaasi maamula ee Rajab Urdugan nayaa ma biyo diiday qaabka uu Maraykanku wax u wado gaar ahaan siyaasadihiisa ku wajan kooxaha dalkiisa mucaaradka ah ah ee kurdiyiinta hubaysan isla markaana carqaladda ka wada gudaha dalkaasi tan iyo muddo dheer.

Maraykanka ayaa kooxahaasi hubaynaya isla markaana siinaya saanad iyo  dhaqaale intaba taasina waxay ka cadhaysiisay dalka Turkiga waana tan keentay ayaa la saadaalinayaa inuu dalka Ruushka u leexiyo calaaqaadkiisii uu horey ula lahaanjiray dalka Maraykanka.

dhanka kalana calaaqaadka dalkaasi la lahaa Maraykanka waxa uu sii xumaaday sanadkiihore 15 kii Juun markii laysku dayey inn la afgambiyo talada Madaxweynaha dalkaasi Turkiga taasoo ay ka dambeeyeen saraakiil milatariga dalkaasi ka tirsan iyo dadweyne farabadan oo ay isku firki ahaayeen Sheikh Cabdalla Guul oo ah nin mayal adagga oo ka soo horjeeda Dawladda uu hogaaminayo Rajab Dayib Ardugan kaasoo  u baxsaday marhore dalka Maraykanka.

markii uu afgambigaasi dhicisoobay isla markaana uu fashilmay siku daygii la doonayey in xukunka looga tuuro Mr Ardugan ayey Dawladdda Turkigu Maraykanka ka codsatay inuu ku soo gacan galiyo wadaadka Cabdalla Guul oo ay xukuumadda Ankara aaminsan tahay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay oo ilaa hadda dad farabadani jeelasha ugu jiraan kuwo kalana shaqooyinkoodii ku waayeen.

www.Baadiye.com