Published On: Wed, Sep 13th, 2017

Dabley hubaysan oo aan ilaa hadda haybtooda la aqoonsan oo haweeney dhuxusha ka ganacsanjirtay ku dilay xaafadda Yaaqshiid ee Muqdisho

Muqdisho (BMC)-Kooxahu Bastoolado  iyo qoryaha kale ku hubaysan ayaa xalay xaafadda Tawfiiq ee degmada Yaaqshiid ee Bobalka Banaadir ku dilay, kooxdan hubaysani waxay haweenaydaa ku shaq shaqeen Bastoolad kadibna waxay ka carareen goobtii ay ku dileen iyagoo aanay cidina soo qaban.

Haweenaydan la dilay waxay ka ganacsan jirtay dhuxusha waxaanay xalay ku nafweyday rasaastii ay ku garaaceen kooxdaasi budhcadda ahayd oo aan ilaa hadda la sheegay halkay ka tirsanaayeen iyo ciddii soo dirtay toona, magaalada Muqdisho dilalka  noocan oo kale ahi waxay ka noqdeen wax dhibyar oo aanay cidina is waydiin dad badanina way ku tageen tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii Somaliya ka dhacay sanadkii 1991.

www.Baadiye.com