Published On: Wed, Sep 13th, 2017

Bandhigga macradka aqoonta iyo buugaagta Muqdisho oo ka furmay caasimadda Muqdisho ee xarunta Somaliya (Sawirro)

Muqdisho (BMC)-Bandhigg aqooneedka buugaagta ayaa ka furmay isla caasimadda Muqdisho waxaana lagu wadaa inay xafladda furitaanka Buugaagtaasi ka soo qaybgalaan dadweyne farabadan oo ay qaarkood ka imanayaan dalka dibaddiisa gaar ahaan 32 qoraaya oo ajaanib ah sida uu sheegay Maxamed Diini oo kamida ah dadka dabada ka riixaya ama soo qaban qaabiyey barnaamijkaasi.

Mr Diini waxa uu sheegay inay filanayaan inuu sanadkani noqondoono kamid ka duwan sanadihiihore waxaanu ku sababeeyey inay sanadkan soo casuumeen 32 qof oo u kala dhashay waddamo aan Somali ahayn kuwaasoo qorayaal ah isla markaana nuxukrka buugaaggtooda lagu soo bandhigidoono inta ay xafladahaasi socdaan 3 cisho ee ay maanta ugu horeyso “sanadkani wuu nooga duwan yahay sanadihii ka horreeeyey waayo waxaa nagu soo kordhay sanadkan inay nagala soo qaybgalidoonaan 32 qof oo ka imanaya waddamada dalka dibaddiisa kuwaasoo qorayaal ah” ayuu yidhi qaban qaabiyaha barnaamijkaasi Maxamed Diini.

boqolaal dhalinyaro  ah ayaa lagu wadaa inay ka soo qaybgalidoonaan munaasibaddaasi iyagoo ay qaarkoodna halkaa ku soo bandhigidoonaan Buugaatii ay qoreen sanadihii la soo dhaafay, dhalinyarada Somaliyeed ee u baydhay dhanka qoraalka buugaagta ayaa ku soo badanayey saaxadda sanadihii la soo dhaafay taasoo loo arkay inay tahay wax wanaagsan iyo hormar ay dhalinyaradu gaadheen halka ay wali qaarkoodna irbadda gacanta ku hayaan hubka dadka lagu laayo.

Guugaagta qiimaha badan ee lagu wado in lagu soo qaato sheekooyinkoodana waxaa kamida Buugga Nuxur1 oo ah mid xanbaarsan faa’iidooyin badan oo qayb ka qaadan kara aqoontaada maskaxeed haddii aad akhrisato isla markaana aad ka helo doonto waxbaayo badan oo ku  xiiso geliya ee horay ula xidhiidh intaanay kuraasta hore kaa buuxsamin ama kaadhadhaka lagu galayo xafladdaasi.

www.Baadiye.com