Published On: Tue, Sep 19th, 2017

Wajigii 2-aad ee shirka maalgashi Ganacsiga Somaliland ee Shuraako oo maanta ka furmay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Wajigii 2-aad ee shirkii  maalgashi ganacsiga Somaliland ayaa maanta ka furmay Hotelka Maan-skoor ee magaalada Hargesa, shirkan oo si qurubadan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 300 oo qof oo badankoodu Somaliyihiin balse waxaajira caddaan farabadan iyo Madaw u dhashay waddamada kale ee Africa oo iyana shrikaasi ka qaybgalaya muddada uu socodo ee 3 cisho ah.

wasiirka Gansiga iyo maalgashiga Somaliland Dr Cuma Shucayb Maxamed,Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale,Cabdikariin Goole iyo saraakiisha kale ee hay’adda Shuraako oo ka soo kicitiimay dalka Maraykanka,saraakiil ka socotay Baanka aduunka iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa ka soo qaybgalay shirkaasi sida DP-WORLD iyo qaarkale.

Furitaankii shirkaasi waxaa ka hadlay madaxa hay’adda  ONE EARTH FUTUER Mr Larry Sampler waxaanu sheegay inay farxadd u fahay inay markii 2-aad 300 iyo dheeraad dad ahi ka soo qaybgalaan shirkan caalamiga ah ee  lagu lafo gurayo arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland “saaka sharafweyn bay ii tahay maanta inaan idinku soo dhaweeyo shirkii 2-aad ee maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland” ayuu yidhi Mr Larry.

Waxaa isna halkaa ka hadlay isla markaana shirkaasi si rasmiya u furay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr Cumar Shucayb Maxamed waxaanu ka hadlay arrimaha shirkan lagaga gadlidoono iyo rajada uu ka qabo inay ganacatada Somaliland dalkooda wax ka soo saaridoonaan haddii ayahaan lahayd tabaca dhulka iyo inay khayraadkiisa uga faa’iideeyaan dalka iyo dadkaba “waxaan ku boorrinayaa Ganacsatada dalkeenu inay hoos u eegaan dhinaca wax soo saarka khayraadka dalkeena ilaahay ku beeray” ayuu yidhi Dr Cumar.

Dhanka kalana waxa uu tilmaanay baahida loo qabo inay shacabku ogaadeen inaanay ku baahi beeli karayn wax dibadda looga keenay iyo wadamo jaar ah toona balse ay tahay waxay ku baahi baahi beeli    karaani  waxaanu carabka ku dhuftay tan iyo markii la joojiyey ganacsigii ka imanayey dalka Itoobiya gaar ahaan khudaarta sida Baradhada,Basasha inay qadar aan badnayn sare u kacday lacagtii lagu iibsanayey khudaarta “waxaan jeclahay inaan idin xasuusiyo dalkeenu waxa uu leeyahay khayraad badan inagu filan oo aynaan u baahnayn inayno khudaar iyo wixii lamida toona soo iibsano markaa shacabkeena waxaan ku dhiirrigelinayaa inay dib ugu noqdaan falashadii beeraya iyo wax soo saarkii dhulkeena si aan uga baxno inaan cidkale ku tiirsanaano” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr Cumar Shucayb.

Waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale waxaanu sheegay inay wasaaraddiisu qaybka tahay khayraadka la doonayo in dalka laga soo saaro isla markaaana ay ka wasaarad ahaan si weyn ugu suxul duubayaan sidii khayraadka Somaliland loo soo saari lahaa isla markaana looga maarmilahaa ku tiirsanaanta dibadda iyo wax yaabaha ay wasaaraddiisu u xilsaaran tahay “wasaaraddayadu qaybay ka tahay khayraadka la doonayo in dalka laga soo saaro gaar ahaan dhinaca kuruntada oo iyada la’aanteed aanay cidina innagu soo dhiirranayn inay dalkeena maaglashadaan waayo waa qaali Korantadeennu” ayuu yidhi  Wasiir Ducaale.

Waxaa iyana halkaa ka hadashay Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah gabadh lacago badan haysata oo u dhalatay Somaliland balse haysata dhalashada dalka Uganda halkaasoo ay ku dhalatay kuna barbaartay ilaa haddana ay dagan tahay iyadoo sidookale  ku samaysay ganacsi ballaadhan oo caan ka noqday Africa gaar ahaan dhinaca dalalka Uganda iyo Kenya waxaana kamida ganacsigeeda Warshadda soo saarta Sonkorta iyo Hudheel weyn oo caan ah.

Ms Aamina waxay ka hadashay dhinaca guusha ganacsiga iyo sida lagu gaadhi karo waxaanay halkaa ku soo bandhigtay muuqaallo quruxbadan oo iftiiminaya baaxadda ganacsigeedu leeyahay iyo sidookale inay caawiso dadka danyarta ah ee waddamada Uganda iyo Kenya halkaasoo la flim ay ka soo qaadday ganacsigeeda la arkayey dadka danyarta ah  ee ay caawiso oo ka hadlaya sida ay caawimaad  uga helaan Marwo Aamina iyo ganacsigeeda.

Saraakiisha ka kala socday hay’adaha aan xaggasare ku soo sheegnay sida Shuraako oo iyadu shirkani marti galinaysa iyo Baanka aduunka ayaa warbixino kaladuwan ku soo bandhigay madashaasi, dadkii aqoonta u lahaa dhinaca dhaqaalaha ee shirkaasi warbixinada ka soo jeediyey waxaa kamid ahaa Mr Maxamuud  Xaashi Xuseen oo madax ka ah Agribusiness Solutions Hub oo xaruntiisu tahay Hargeysa iyo Goballada kale ee dalka sida Koonfurta iyo Badhtamaha Somaliya waxaanu soo bandhigay warbixin qiimo badan oo waxbadan ka iftiimisay dhaqaalaha Somalida iyo sida uu ula jaan qaadayo duruufaha kaladuwan ee wakhtigan ku gedaamada deegaanada Somalidu ku noolyihiin

Shirkan oo lagu wado in la soo gabagabeeyo maalinta khamiista ah ayaa lagu naaqishi doonaa arrimaha caqabadaha ku ah dhaqaalaha Somaliland ama guud ahaan Somalida maadaama dadka shirkan lagu soo casuumay matalayaan meelo kaladuwan waxaana loo arkaa inuu shirkani waxbadan ku soo kordhindoono kubac dhaqaalaha Somaliland maadaama ay shirkadihii ganacsiga iyo xukuumaddiiba isla qaateen in dhaqaalaha dalka sare  loo qaado sidii wax soo saarkiisa bulshadu isaga kaashan lahayd.

Waxaa  isna shirkaasi ka hadlay Mr Fred Zake oo ku hadlayey magaca hay’adda Baanka aduunka waxaanu sheegay inay ka qaybgaadanayeen sanadihii la soo dhaafay kobcinta dhaqaalaha Somaliland ama guud ahaamba Somalilda isla markaana ay mashaariic badan ku bixiyeen sidii loo garab istaagi lahaa bulshada Somaliyeed “Baanka aduunku waxbadan buu mashaariic ku bixiyey haddana wuu ku bixin doonaa sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Somaliland ama Somalida koonfrutaba” ayuu yidhi Fred

Maxamed Xuseen Cawaale oo ka tirsan wasaaradda Ganacsiga oo shirkan iyo habsami u socodkiisaba qayb weyn ku lahayd ayaa halkaa ka soo jeediyey warbixin la xidhiidha kaalinta wasaaradda ganacsigu ku leedahay kobcinta dhaqaalaha Somaliland waxaanu tilmaamay inay wasaaradda ganacsigu si weyn ugu lug leedahay dhiirri gelinta ganacsiga yaryar ee soo koraya iyo la shaqaynta kuwiihorey u jiray iyo shirkadaha waaweyn ee dalka ka jira intaba.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa