Published On: Thu, Sep 21st, 2017

Ilaaladda Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo rasaas oodda kaga qaaday dadweynaha Degmada Dilla iyo hal qof oo ku dhintay.

Dila (BMC) Wil dhalinyaro ah ayaa ku dhintay rasaas ay ku fureen ilaaladda Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi {Cirro} kadib markii ay Tiro Dhalinyarro ah oo diidan imaatinka  weftiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga WADDANI  Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo mudaharaad ay ku diidan yihiin Xisbiga waddani kaga hpryimid dhigay degmada xilli  uu halkaasi ku sugnaa guddoomiye cirro oo socdaal ugu baxay goboladda galbeedka Somaliland.

Warar hordhaca oo kabaxay deegaankaasi ayaa sheegaya in ciidan farabadan  oo ilaallo u ah guddoomiyaha xisbigada Waddani ay damceen inay kala eryaan dhalinyaradaasi kadibna rasaas noolnool u adeegsadeen dhalinyartaasi.

Ilaa hadda inta la ogyahay hal qof oo ka mid ahaa Dhalinyaradda Ciyaartoyga ah ee dilla ayaa ku geeriyooday rasaastaasi  ay rideen ciidanka Guddoomiyaha WADDANI , Xaaladda Magaaladda DILLA ayaa kacsan guud ahaan wakhtigan.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa