Published On: Sun, Sep 24th, 2017

Halkan ka daawo Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga oo qayb wayn ka qaadatay shirkii is dhexgalka iyo maalgashiga Somaliland ee Shuraako (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey shirkii maalgashiga Somaliland ee ay soo qaban qaabisay hay’adda caalamiga ah ee Shuraako ee ka dhacay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa 19-21-2017, sidookale waxaa isna madashii shirkaasi ka qaybgalay doodihii lagu naaqishayey arrimaha ganacsiga Somaliland iyo sidii sare loogu qaadi lahaa Maxamed Xuseen Cawaale oo ah madaxa waaxda qorshaynta ee wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga.

Shirkaasi oo ahaa kii labaad oo ay Hay’adda Shuraako,wasaaradda ganacsiga iyo hay’ado kale oo caalamiga ahi qayb ka ahaayeen qabsoomiddiisa waxaa furay wasiirka ganacsiga Dr Cumar Shucab Maxamed,waxaanu khudbaddiisaasi ku sheegay muhiimadda uu ganacsiga oo la hormariyaa u leeyahay kobaca dhaqaalaha dalka iyo dadkaba waxaanu si gaara farta ugu goday dhaliilaha dul hoganaya dadka ganacsatada ah ee dhaqaalaha haysta oo aan wali maskaxdooda iyo maalkooda toona isugu geynin sidii ay dadlka wax uga soo aari lahaayeen balse taa badalkeeda ku foogan inay dibadaha ka soo waaridaan badeecooyin iyo raashin  lagu sameeyey waddamo kale oo dalka dibaddiisa ah.

Dr Shucayb waaxa uu xusay inaysan shacab ahaan dalka reer Somaliland wali u diyaar  garoobin inay indho u yeeshaan soo saarista khayraadka iyo dalagga beeraha ee uu dalku qaniga ku yahay taasoo keentay inay bulshadii oo dhami noqoto mid ku tiirsan wax dibadaha uun looga soo dhoofiyo “maanta waa maalin wayn oo qaali ah oo qiimo badan leh oo uu kulankan maalgashigu waxbadan innooga faa’iidayndoono  kulankanina waa kii 2-aad ee qaybaha ganacsiga oo dhan lagaga hadlayo oo ay soo abaabuleen hay’adda Shuraako,wasaaradda ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga” ayuu yidhi Dr Shucayb.

Wasiirku waxa uu sheegay ujeedada loo qabtay shirkani inay tahay sidii ay isku dhexgali  lahaayeen Ganacsatada dalka joogta iyo kuwa ajaanibta ah ee dibadaha ka imanaya si ay dalka u maalgashadaan ugana wada sheekaysallahaayeen sidii ay isu fahimi lahaayeen labada dhinac isagoo arrimahaa sharaxaad ka bixinayeyna waxaa hadalladiisii kamid  “runtii reer Muqdisho oo kale maanta ma heli karayaan jaanisan oo kale iyo nabadgaliyadan aynu haysano oo kale balse inna waxaa inoo suurogaliyey inaynu kulankan iyo kuwo kale ee lamidka ah ba-halkan ku qabsano waa nabadgaliyada aynu haysano” ayuu yidhi Dr Shucayb.

Wasiirku waxa uu sheegay xukuumaddan uu wakhtigeedu sii dhamaanayo ee uu kamidka yahay inay dadaal farabadan u soo gashay sidii ay dalka u gaadhsiin lahayn hormar ballaadhan waxaanu ganacsatada shirkaasi ka soo qaybgalay ku boorriyey inay si fiican u soo bandhigaan ganacsigooda iyo wax soo saarkoodaba “waxaan rajaynayaa inaan halkaa ka sii wadidoono inaad si fiican u soo bandhigtaan ganacsigiinna kaladuwan annagana ka wasaarad ahaan maanta waxaa halkan naga joogidoona waaxda maalgashiga oo uu Cawaale kamidyahay” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr Cumar Shucayb.

Dhanka kalana wasiirku waa uu sheegay bulshada reer Somaliland inay maanta hayaan fikirkii iyo jaaniskii labadaba balse waxa ka maqani uu yahay dhaqaalihii lagu maalgalin lahaa dalka sidaa darteedna uu dalku u baahan yahay in loo helo maalgashi dibadeed si wax looga soo saaro  waxaanu yidhi “dadkeenu way hayaan fikirkii ay ku ganacsan lahaayeen iyo jaaniskiiba balse waxa ka maqani waxa weeye dhaqaalihii oo aanay haynin markaaxaan rajaynaynaa inay Baanankii maalgashiga ee dibaddu inoo iman doonaan waayo waxaynu leenahay Baanankii islaamiga ahaa oo runtii waxbadan innagala soo dabaashay xaaladihii adkaa ee aynu soo marray sida Dahabshiil Bank, Primier Bank iyo kuwo kale” ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu xusay  tan iyo muddadii uu wasaaradda joogay inay wasaaraddiisu  ka hawlgashay sidii loo fududayn lahaa shatiyada saamaxaya furashada ganacsiga taasoo ay waraaqihii iyo sharaciyaddii looga baahnaa oo dhan ka wasaarad ahaan wixii xaggooda ku xidhnaa soo dhamaystireen isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “annaga ka wasaarad ahaa waxay kaalintayadu tahay oo aanu waliba fududaynay ganacsiga  dhawr iyo tobankii bilood ee aan wasaaradda joogayna waxbadan baanu ka badallay” ayuu yidhi Dr Shucayb.

Inkastoo uu wasiirku sheegay inay wasaaradd ahaan waxbadan fududeeyeen sidii dadka ganacsiga doonaya loogu dhib-yarayn lahaa wixii hawlo sharci ah ee kaga xidhan wasaaraddiisa haddana inay jiraan sharciyo u baahan inay meel-mariyaaan mudanayaasha gulaha wakiillada oo ilaa hadda ay ku laalan yihiin shuruucdaasi qaarkood waxaanu sheegay inay shirkaasi ku soo casuumeen xubnaha guddiga ku shaqada lah arrimahaasi ee maaliyaddu inau ka soo qaybgalaan shirkaasi balse nasiib darro aanay ka soo dhexmuuqan shirkaasi “waanu soo casuunnay mudanayaashii Golaha wakiilada si ay u ogaadaan kaalinta ay ku leeyihiin maalgalinta waayo maanta waxa innoogu qaalisani waa Energy “tamarta” wasiirkii Tamartuna wuu fadhigaa isagana sharcigii Tamarta ayaa kaga xanniban Baarlamaanka annagana intaas oo xeer baa nagaga xanniban mudanayaasha wakiillada markaa sidaas ayey maanta muhiim noogu hayad inay shirkan ka soo qaybgalaan” ayuu yidhi.

Dr Shucayb waxa uu hoosta ka xariiqay markale inay xukuumadda Axmed Siilaanyo waxbadan qabatay oo la xidhiidha dhinaca homarka siiba ganacsiga balse shuruucdii lagu dhaqi lahaa loo baahan yahay in laga helo mudanayaasha Baarlamaanku inay ansixiyaan isla markaana ay isa soo dhaafiyaan faylasha faraha badan ee ku boodhaystay khaanada xafiiskooda ee u baahan inay ansixiyaan waxaanu wasiirku xusay waxyaabaha ugu badan ee kala kulmaan su’aalaha dadka ajaanibta ah ee dalka u imanay inay indho-indheeyaan sidii ay ku maalgashan lahaayeen inay yihiin arrimaha la xidhiidha shuruucdii maalgashiga balse ay caqaaduhu yihiin Baaarlamaankii oo aan isa soo dhaafin ilaa hadda xeerarkii loo gudbiyey inay soo ansixiyaan “runtii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo manata dalka waxay soo gaadhsiisay meeshaa fiican laakiin su’aalaha ugu badan ee ay na waydiiyaan dadka dibadaha inooga imanaya ee doonaya inay dalkeena maalgashadaani waxa weeye arrimaha shuruuucdii maalgashiga waxaanan rajaynayaa inay sida  ugu dhakhsaha badan inoogu soo dhamaadaan shuruucdaasina”

Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo  maalgashiga caalamiga ah ee wasaaraddaasi Maxamed Xuseen Cawaale oo isaguna ka qaybgalay doodihii lagu falan qaynayey arrimaha is dhexgalka ajaanibta maalgashiga doonaya iyo kuwa dalka gudihiisa  jooga ayaa sheegay maalgashiga caalamiga ahi inuu Somaliland ku samaynayo isbadal ballaadhan waxaanu tusaale u soo qaatay hawlaha baaxadda leh ee ay shirkadda DP-world ee Imaaraadka laga leeyahay ka waddo Dekadda Berbera isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa uu yidhi “runtii hadaad eeggto arrimaha ganacsig iyo maalgashiga ka socda Somaliland waxay ku samaynayaan isbadal ballaadhan sida DP World oo kale iy hawlaha ay ka waddo dekadda Berbera”

Mr Cawaale waxa uu sheegay inay jiraan ganacsato farabadan oo doonaya inay dalka maalgashadaan kuwaasoo ay qaarkood wasaaradda Ganacsigu diiwaangalisay waxaanu yidhi “ilaa iyo sanadkii 2015 waxaajiray 370 shirkadood oo aanu u diiwaangalinay arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga waxaanad garwaaqsanaysaa arrimaas oo dhan markaad eegto inay fusandi ugu jirto dalka iyo dadkaba.

Mr Cawaale waxa uu sheegay inay basiib-darradu tay shirkadahaa faraha badan ee isku diiwaangaliyey inay dalka maalgashadaani inaanay intooda badani lahayn khibradihii looga baahnaa maaraynta iyo maamulka ganacsiyadooda “nasiib-darradu waxay tahay shiradahaasi inaanay qaarkood lahayn xirfadihii arrimaha ganacsiga ee looga baahnaa waana saamaynta ay arrintaasi ku yeelanayso faa’iidooyinkii ganacsiga iyo maalgashiga” ayuu yidhi agaasimaha waaxda qorshaynta iyo maalgashiga Maxamed Xuseen Cawaale.

www.Baadiye.com

Xafiiska Hargeysa