Published On: Mon, Sep 25th, 2017

Haweenaydii horey u soo haysay hogaanka dalka Jarmalka Angela Merkel oo markii 4-aad ku guuleysatay inay sii hogaamiso dalka Jarmarlka

Frankfort (BMC) Haweenayda da’da ah ee Ms Angela Merkel ayaa markii 4-aad ku guuleysatay inay sii ahaato hogaamiyaha dalkaasi Jarmarlka, waxaanay si wey ugu guuleysatay doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi oo ay kaga guuleysaytay hogaamiya-yaashii kale ee ka socday xisbiyaa mucaaradka ah , Ms Markle ayaa sumcadd weyn ┬áku kasbatay tan iyo 3 doorasho ee ugu dambeeyey oo ay dalkaasi soo hogaaminaysay.

Mr ayaa ah Haweenay aanay caadifadeedu aad u kacsanayn isla markaana isticmaasha erayo u dhigma miisaankeeda siyaasiga ah waxaanay sumcaddeedu sare u soo kacday wixii ka dambeeyey dagaalkii lagu burburiyey dalka Suuriya xilligaasoo ay dunidu indha ku soo jeedisay siyaasaddii ay u isticmaashay soo dhaweynta dadkii reer Suuriya ee dalkooda laga soo barakiciyey.

Haweeynadu waxay dalkeeda ku soo dhaweysay kumanaan kun oo reer Suuriya ah kuwaasoo u badnaa caruur yayar iyo dadkale oo ka soo baxsaday dagaallada ujeedo la’aanta ah ee dalkoodii looga soo qixiyey, dhanka kale xisbiyada mucaaradka ah ayaa si weyn uga soo horjeestay siyaasadda Ms Markle ee ay qaxootiga faraha badan ugu ogolaatay inay dalka Jarmalka daganaansho 2-aad ka helaan.

Ms Kerkel oo ah islaan weyn oo cimri joogta ayaa looga fadhiyaa inay halkeedii ka sii waddo siyaasadaheedii qaboobaa ee hogaaminta dalkaasi Jarmarlka iyo kaalinteeda hogaamineed ee waddamada reer Europe oo dhaqaalaha ugu badan ee ku baxay uu dalkeedu bixiyo %40.

www.Baadiye.com