Published On: Mon, Sep 25th, 2017

Gobalka Kurdiyiinta Gooni u goosadka ah ee Ciraaq oo maanta looga dareerayo aftida loo qaadayo inay ka go’aan Ciraaq inteeda kale

Arbiil (BMC)-Gobalka Irbiil ee ay dagaan dadka la yidhaado Kurdiyiinta Ciraaq ayaa maanta looga dareerayaa sanaaduuqda codbixinta si dadweynaha ku dhaqan Gobalkaasi looga qaado Aftida inay ka sii mid ahaadaan dalka kharriban ee Ciraaq balaysan iyo inay ka go’aan oo ay noqdaan dal ka madax banaan Ciraada kale oo dhan.

codbixintan maanta laga daaqadayo dadka ku dhaqan Gobalkaasi Kurdiyiinta ee Arbiil ayey dadkaasi ku doonayaan gooni u goosadnimaa ayey dalalka jaarka ahi ka soo horjeesteen marka laga reebo Ciraaqda kale oo diidan gabi ahaanba inay Kuriyiintu helaan madax banaani ay kaga go’ayaan dalka Ciraaq intiisa kale.

dalalka Turkiga iyo Iraan oo ay waddamadooda ku dhaqan yihiin dadka soo jeeda qoomiyadda Kurdiyiinta ayaa ayaa si weyn uga soo horjeeda gooni u goosadnimada ay Kurdiyiintu ku raadinayaan inay helaan madaxbanaani taam ah oo ay ku yeeshaan Dawlad iskeed u taagan, si kastaba ha ahaatee maanta ayaa si weyn indhaha loogu hayaa natiijada ka soo bixidoonta codbixintaasi.

Dadka reer Kurdistaan ayaa sheeganaya inay dhibaato weyni ka soo gaadhay bulshada reer Ciraaq oo aanay ka helin xuquuq la siman tan ay ku naaloonayaan bulshada kale ee reer Ciraaq waxaanay isu arkaan inay yihiin dad si ka duwan Ciraaqiyiinta kale loo cadaadiyo isla markaan ku dulman magaca guud ee Ciraaqyiinta.

www.Baadiye.com