Published On: Sat, Oct 7th, 2017

Safiirkii Maraykanka U fadhiyey Somaliya Stephen Schwartz Oo xilkii Safiirnimada Isaga casilay si dano shakhsiyeed ah Oo Isaga u gaar ah

Muqdisho (BMC)-Safiirkii Caasimadda Muqdisho Ee Xarunta dalka Somaliya U fadhiyey Dawladda Maraykanka Mr Stephen Schwartz Ayaa Xilkii iska casilay Waxaanu Mr Stephen Iscasilaadiisa ku sababeeyey sidii Arrimo shakhsiyadeed Oo Isaga uun u gaar ah.

Mr Stephen waxa uu Somaliya safiir ka soo ahaa tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay sanadkii 2016 xukuumaddii Madaxweynihiihore ee Brack Obama sheegtya inay xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud si caalami ah u aqoonsatay kadib markii ay sanadkii 1991 kii xukuumaddii dhexe ee Somaliya burburtay, ku xigeenka Mr Stephen ayaa lagu wadaa inuu shaqada xafiiska Safaaradda Maraykanka sii hayndoono tan iyo inta laga soo magacaabayo qofkii isaga badalilahaa.

Iscasilaadan uu Safiirkii Maraykanka u fadhiyey Muqdisho waxay noqonaysaa tii ugu horeysay ee Safiir dal-shisheeye oo Somaliya joogay uu shaqada kaga tago tan iyo Intii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilka Madaxweynaha Somaliya loo dhariyey 8 February ee sanadkan aan ku jirro.

www.Baadiye.com