Published On: Sun, Oct 8th, 2017

Barnaamijka Shirweynaha Ololoaha siyaasadeed Ee Haweenka Somaliland Higsi Hogaan Oo lagu Qabtay Hotelka Maan-soor Ee Hargeysa (Sawirro)

Hargeysa (BMC)-Xafladd ballaadhan Oo lagu maamuusayey Shirweynaha Habeenka Somaliland ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa,munaasibaddii xafaddaasi oo si quruxbadan looga soo shaqeeyey qabsoomiddeeda waxaa soo abaabulay barnaamijka la ololaha ka qaybgalka dumarka ee dhinaca siyaasadda iyo soo dhicinta kuraastii ay xaqa u lahaayeen Haweenka Somaliland oo ay rumaysanyihiin inay Xisbiyada kaga maqanyihiin.

Xafladdaasi kulanka shiraweynaha dumarka Somaliland waxaa ka soo qaybgalay hogaanka Barnaamijkaasi Marwo Sucaad Carmiye.

Furitaankii Shirkaasi waxaa ka hadashay Sarha Cabdiraxmaan Oo ka mida bahda dhalinyarada SONYO oo Barnaamijkaasi xidhiidhinaysay waxaanay ka soo qaybgalayaasha uga warbixisay kulanka Shirweynahaasi waxa uu daaranyahay “waxbadan baynu isugu nimid shirar waaweyn oo noocan oo kale ah balse kani caawa wuu ka duwan yahay shirarkiihore ujeedaduna waxaweeye inaan iftiimino dhibaatada haysata Hooyada aan codka lahayn,Hooyada suuqa damaandhada ku iibinaysa ee aan haysan Suuli ay xaajadeeda ku soo gudato ee ay Kalyuhu barareen iyo Kuwa lamid ah” ayey ku wargelisay Ms Sahra.

Khudbaddii furitaanka shiweynahaasi waxaa ka hadashay Gudoomiyaha Barnaamijka Higsi Hogaan Mawro Sucaad Yuusuf Odawaa “Carmiye waxaanay ka hadashay qodobo muhiim ah oo la xidhiidhay ama si toosa u iftiiminayey xaqiiqada meesha taalla iyo sida ay dumarku digadda uga  joogaan Xeedhada lagu cunayo dheefta ka soo xarootta codaddka faha badan ee ay Siyaasiyiinta Ragga ahi ku naaloonayaan.

“caawa waxaan halkan u fadhinaa oo aan idiin soo casuunnay inaynu qiimayno awooddeena sababtoo ah haddii aynaan xukuumadda wax fiican ku lahayn oo aad ogtihiin waxaynu haysanaa oo ilaahay ina siiyey waxa ugu qaalisan maanta oo ah Vote-keena  “codkeena” ayey tidhi Marwo Sucaad Carmiye.

Ms Carmiye waxay sheegtay haddii aanay maanta Haweenka Somaliland ka faa’iidaysan awooddooda ilaahay siiyey ee ay iyagu isu hayaan inaanay 13 November ka dambeeya aanu codkoodu qiimo yeelandoonin “waxaan idiin sheegayaa maanta haddii aynu ka faa’iidaysanweyno awoodeena oo ah codadkeena ah inaynaan 13 ka November wixii ka dambeeya awooddaasi waxba inoo qabanayn” ayey tidhi Ms Carmiye.

Ms Carmiye waxay sheegtay inaanay Diintu u diidanayn inay ka qaybgalaan mansabyada raggu ka hayaan xukuumadda sida Maxkamadaha,Ciidamada kaladuwan “walaalayaal diintu waxay inoo diidanteenu balse waxaa inagu xeerani waa dhaqanka” ayey tidhi Ms Carmiye.“anigu uma malaynayo inaanu dirsanahay waayo caaqilkaa qabiilka soo diiwaangaliya wiilasha kaliya ayuumbaanu qortaa ee hablaha ma qorto” ayey tidhi Sucaad Carmiye waxaanay intaa ku sii dartay “aniga oo aanay qoyskayagu I tiran oo aan ogahay haddana adeerraday iyo walaalladay aniga uunbay qaadhaanka ii soo doontaan” ayey tidhi Ms Carmiye.

Ms Sucaad waxay Haween waynaha reer Somaliland ku baraarujisay inay hurdada ka toosaan isla markaana Xisbiyada ka soo dhacsadaan xuquudooda siyaasadeed ee kagamaqan, waxaanay intaa ku dartay inay Dumarku ka qatanyihiin kuraasta siyaasadda ee dalka lagu maamulo “Kan Madaxweynaha tu roorayaa waa Nin,Ku xigeenkiisu waa Nin,Gudoomiyaha Xisbigu waa nin,Ku xigeenkiisu waa nin,Madaxweynuhu waa nin, ku xigeenkiisu waa nin,Maxkamaddasare Gudoomiyedeedu waa nin, ku xigeenkiisu waa nin,Ciidamada kaladuwan sida Booliska,Milatariga,Asluubta iyo Sirdoonkaba Madaxdoodu waa Ragg,Gudoomiyaha Baarlamaaku waa nin, Ku xigeenadiisu waa Ragg,Gudoomiyaha Guurtidu waa nin, ku xigeenkiisu waa nin markaa waad arkaysaan inaysan dunarkii siyaasadda waxba ku lahayn” sidaa waxaa cod-dheer Haweenka reer Somaliland ugu sheegtay Gudoomiyaha Higsi Hogaan Marwo Sucaad Carmiye.

Inkastoo ay Mrwo Sucaad sheegtay inay dumarka Somaliland dibadda ka daawanayaan mansabyada siyaasadeed ee dalka lagu maamulo haddana waxay xustay inay Golaha wasiirrada ku leeyihiin 1 kaliya ciidamada Booliskana wax darajo leh ay ku jirto hal gabadh oo kaliya “Golaha wasiirrada waxaynu ku leenahay Wasiiradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan Ciidamada Booliskana waxaa la ii sheegayey Gabdh sarkaalad ah oo kaliya” ayey tidhi Marwo Carmiye,  dhanka kalana waxay xustay inay Dumarku intaa is xagxaganayaan oo aanay tooda mansabka haysaa ka nabad galayn intaana ay wax uun ka sheegayaan “hadda waad la socotaan Wasiiradda Maaliyadda waxa intaa wax ka sheegayaa inay Dumar uun yihiin” ayey tidhi Sucaad Odawaa Carmiye.

Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan oo isaguna kamid ahaa xubnihii Ragga ahaa ee lagu soo xasuumay madasha shirwenaha Haweenka Somalilnad oo halkaa ka hadlay waxa uu Dumarka u sheegay 2 arrimood tanhore waa inay  iyagu lugta is jiidayaan oo aanay waxba isu ogoleyn isla markaana ilaahay ka qariyey awooddooda codadkoodana markay doorashada timaaddo ay kula liicaan xagga Ragga Musharraxiinta ah kuwa Haweenka Musharraxiinta ahna ay la garab-maraan codadkooda “markaan runta idiin sheego Haweenku iyagaan waxba isu ogoleyn ball maxaa idiin diiday inaad codadkiina siisaan Gabdhaha musharraxiinta ah ileen Raggaba waydinka soo saarayee? ayuu waydiiyey Mr Mooge Haweenka Somaliland.

Qodabka 2-aad na waxa uu ku sheegay inuu yahay inaanay Haweenku iyagu isba aqoonsanayn sida aanay dunidu Somaliland Dawladnimadeeda u aqoonsanayn oo kale “horta Haweenku iyagaan isba aqoonsanayn Sida Aanay aduunyadu Somaliland uba aqoonsanayn oo kale” ayuu yidhi Mr Mooge, Hodon Siciid Diiriye oo kamida Haweenka wax bartay kamida barnaamijka ololaha Higsi Hogaan ayaa halkaa ku soo bandhigtay qodobo sharraxayey Dastuurka Somaliland iyo waxa lagu qeexayo qofka muwaadinka ah iyo shuruudaha looga baahan yahay.

Hooyo kamid ahayd Haween weynaha Madasha shirkaasi ka soo qaybgalay ayaa iyaduna dhankeeda eedda oo dhan dusha ka saartay inay dumarku iyagu  isugu wacan yihiin waxan ay Ragga ku xag-xaganayaana ay bilaashtahay loogana baahanyahay ka Haween ahaan inay fahmaan cilladda dhabta ah ee ka hortaagan hanashada mansabyada siyaasiga ah inay iyaga dhexdooda uun tahay “anigu waxaan qabaa inay cilladda oo dhami innaga “Haweenka” dhexeenna uun tahay oo aanay Raggu waxba ku lahayn ee aan runta isu sheegno Haweenow” ayey tidhi Hooyadaasi.

Gabagabadiina waxaa ka soo qaybgalaashii shirweynahaasi loo qaybiyey waraaqo ay ku codeynayeen si loo ogaado dareenka dhabta ah ee Haweenka Somaliland ee dhinaca ka qaybgalka arrimaha siyaasadda iyo in isbedalk lagu sameeyo dareenka Haweenka Somaliland waxaana waraaqahaasi lagu kala qoray HAA iyo MAYA waxaana waraaqahaasi lagu ridayey Sallado waaweyn oo isbarbar yaallay.

Guuleed Axmed Dafac Oo ah madaxa xafiiska Xuquuda u dooda ee Somaliland Oo halkaa ka hadlay waxa uu taageero ballaadhan u muujiyey Shirweynaha Haweenka Somaliland ee Higsi Hogaan waxaanu sheegay inay Haweenku bartaan Diintooda Islaamka Oo aan u diidanayn inay ka qaybgalaan Siyaasadda waa sida uu hadalka u dhigaye si aysan waxwalba oo ay Raggu Diinta uga sheegaan aanay run ugu qaadan “waxaan idiin soo  jeedinayaa inaad Diinta Barataan oo aydaan ninkii Gadhle oo dhanba wax ka qaadan” ayuu yidhi Mr Dafac.

Haween waynihii shirkaasi waxay muujiyeen in loo baahan yahay isbadal siyaasadeed oo xoogleh oo ka yimaadda xagga Haweenka Somaliland waxaanay sidaa ku sheegeen natiijadiii codeyntii waraaqihii HAA iyo MAYA oo ay 304 xubnood ugu codeeyeeen HAA isbadal halka ay 3 Hablood oo dhalinyaro ahaa ugu codeeyeen MAYA isbedal.

Magacyada Maamulka iyo Hablaha Barnaamijka Higsi Hogaan-

1-Sucaad Yuusof Odawaa “Carmiye”

2-Warda Mooge Cabdi

3-Hibo Maxamed Warsame

4-Faa’isa Awcali Yuusuf

5-Qani Cabdi Cali

6-Hodan Siciid Diiriye

www.Baadiye.com